Sida uu tilmaamay Raage Ugaas Warfaa (1840-1880), hadalku, siiba qaybtiisa dhaxalgalka ah ee suugaanta ah, wuxuu u kala baxaa tix iyo tiraab. Waana kii gabay laga hayo hal meeris oo qudha ku soo daray, siday isla qireen suugaanlaydu, muddo haatan laga joogo ku dhowaad qarni iyo bar: “Hadal waa tix [ama] waa tiraab, waxad tidhaahdaaye”.[1] […]

Gorfayntu waa rogrogidda arrin/aragti. Ujeeddadu waa in aragtidan/arrintan laga qaato go’aan, iyadoo la itaalsanayo aqoon ama/iyo waaya’aragnimo. Isla ujeeddadan isagoo xambaarsan, ereyga “gorfayn” wuxuu ku sal leeyahay garta la naqayo ee loo xilsaaro waxgaradka. Tusaale ahaan, abwaan Yamyam (1946-2005) baa tix ku xusay: “Geed baa la waabaa / Gogol baa la fidiyaa / Guurti lagu […]

Tobankii sano ee la soo dhaafay qoraalka afkeennu aad buu isu soo taray. Dhalinyaro badan ayaa ku soo biirtay saaxada qoraalka, kuwaas oo aad ugu hamuun qaba aragtida waxqorista lafteeda. (Waayeel aan farakutiris ahaynna way ku haystaan!) Buugaag aan yarayn baa la qoray, oo qaarkood yihiin halabuur, hadday tahay sheeko, curisyo, maanso iwm; qaarka kalana […]

Muddo ayaan sugayay in maqaalkan oo kale uu soo baxo. Judhaba magaca loo bixiyay baa maankaaga gadaya: “When Religion and Culture Kill: COVID-19 in the Somali Diaspora Communities in Sweden”—Marka ay Dhaqanka iyo Diintu [Dadka] Dhagraan! Wuxuu maqaalku ku furmayaa sahan: Soomaalida Iswiidhen waa 0.69% dadka dalkaas ku nool; balse dadka u le’day COVID-19 waxay […]

Cinwaan—Bulaal 1: Afkaaga Ku Dadaal | Daabacaaddii 2aad | 41 bog, midabaysan Qore: Idiris Cali | Qiimaha: $10 HORDHAC Buuggan waxaan u qoray dadka jecel inay bartaan af Soomaaliga, gaar ahaan ubadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhashay ee/ama ku soo barbaaray. Waxaanan danaynayaa in buuggani uu aqoontooda afeed ee aasaasiga ah u bulaaliyo, oo ay […]

Dawladnimada casriga ah—ee ka shaqaysa Maraykanka iyo dalalka soo raaca—waa majare lagu maamulo qaran (haba ahaado qaran gobalaysan e), oo leh saddex laamood oo is dheellitira, kuwaas oo kala ah: gole ummadeed oo sharciga dejiya, maxkamad sharciga ilaalisa iyo xukuumad sharciga fulisa. Si uusan majarahaasi u tifmin, una tirmin, waxa uu qaranku yeeshaa dastuur ay […]

Tixdani waxa ay la hadlaysaa qof kasta oo innaga mid ah oo ay daashatay tegnoolajiyadda casriga ahi, gaar ahaan adeegyada aynu ugu yeerno, “baraha bulshada.” Shaki ma leh in adeegyadani sida shilinta wakhtiga inooga jaqaan, waaba waxa loo samaystay!, misana iskama fujin karno oo waannu la qabsannay, halkaas oo aynu ku noqonnay guuldarraystayaal laga jil […]

Qoraalladan ku hor yaalla, oo labo ka mid ihi ku qoran yihiin af-Ingiriisi, waxa ay dhammaantood, marka la reebo hal midh, ku soo wada baxeen Warsidaha BADSO (www.warside.badso.org), intii u dhexaysay 25ka Julaay 2014ka illaa 25ka Julaay 2017ka, shimankaas oo uu Warsiduhu galshada (internetka) ku jiray, haatanse uu ka baxay. (Wax dunidan ku waaraya ayaanba […]

DHAKAFAAR Cabdullaahi Janno 160 bog. CreateSpace Independent Publishing Platform. $12.00 Ka baar: Amazon.com Ummad qarankeedu jabay ma sheeko yara. Waxaanse aad uga gaabinnay in aynu arrimaha qaxootinnimada qalinka ugu  duugno si taxane ah. Hadda ka hor mar aan haweenay aan isla shaqaynno uga warramay xaaladaha dhawrkii dal ee aan soo maray intii aan qaxootiga ahaa […]

Masafada hoosta ku qoran waxa aan ku maamuusay dubriday, Aamina Cabdullaahi Warfaa iyo seygeeda Khaalid Cabdullaahi Cali oo meherkoodu ka dhacay Boston, MA maalin Sabti ah, Carfoon (July) 8, 2017, kuna beegan 14 Shawaal, 1438.* Waa masafo guud ahaan iyo gaar ahaanba, guurka sharafta leh bogaadinaysa. Allena waxa aan qoyskan uga baryayaa cisi adduuneed, iyo […]

ARAR: Kun sagaal-boqol lixiyo-toddobaatankii waxaa lagu tilmaami karaa sanadkii laga niib keenay dhawr faa’iidooyin oo ku ladhnaa qorista af-Soomaaliga. Ka sokow in uu qeexay shaniyo-toban kun oo erey, waxaa sanadkaas soo baxay qaamuuskii ugu horreeyay ee sida cilmiyaysan u faaqiday arrinta uu qorahiisu, buuni Yaasiin Cismaan Keenadiid, ku tilmaamay “xasilid la’aanta af-Soomaaliga,” taas oo laga […]