Kontonguuro

Hal sano iyo bar ka hor (Jan 16, 2010), Calanka Soomaaliyeed himilada uu u taagan yahay iyo tacaddiga haysta maanta waxaa is la hal gabay inoo gu bidhaanshay (Allaha u Naxariistee) Saalax Xaashi Carab (Oct 10, 1955 – Aug 19, 2010). Waxa uu Saalax gabaygan, oo uu u bixiyey Kontonguuro, kaga warramayaa “duruufaha adag ee calanka iyo ummadda leh ba haysata”—waxa uuna u warramayaa calanka, oo u taagan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhab ahaan tii, calanku ma matalo dal iyo dadkiisa oo kaliya e, waxa uu calanku matalaa gobannimada. Tan waxaad ku ogaanaysaa, oo marag ma doon ah, in waxa ay dadka Soomaaliyeedi baadigoobayeen inta ku dhawdhaw siddeetanka sabaan (1885 – 1960), sida uu Timacadde u sadareeyay, uu san ahayn calan maro laga karkaray—oo hindisihiisu na dhawaa—balse uu waxaa si ahaa madaxbannaanida iyo gacan-ku-haynta aayahooda ummadeed. Waxa se lagu dagmi karaa, in, garwaaqsashadaasu Calanside amma ba Calansida kasta oo calanka jecel ay gaf u geysatay. Hasayeeshee, in aan ogaanno sababta ay Calansidayaashu calanka u sidaan saw kama sokeyso in aynu horta garanno sababta uu calanku ba u sidmi karo?

Iyada oo kooban, warcelintu saw ma’aha, in calanku uu summad u yahay jiritaan iyo dareen ummadeed oo waari og, waligiina uu cadow gudood iyo mid galood ba ku gadaamanyahay? Xilbaa naga saaran e, cadowga gudaheenna ee liidaya calanka (u taagan jiritaankeenna) iyo kan dibadda ka soo weeraraya ba saw in aynu iska aragno, oo iska dhicinno waqeen ma aha? Haddii aynu is difaacno, calankeennu wuu difaacmi; haddaan isaga difaacnana, waynu difaacmi. Waxaana sunna ah in marka aynu is difaaciddeena ka run-sheegno uu calankeennu mar kastaba ahaan doono ka siigada naga maydha, cadceeddana noo soo saara. Carragadiskaasi inuu jiro aynu ku baraarugsanaanno, sida Sayidku ba uu ku dardaarmay:

Cirkaan di’in abaar daalliyaad, dunida oo qiiqday
Dayaxururka daariga ka maray, dirirka oo liiqday
Mar un baa daruuraa cusayb, soo dibbiriyaaye

Deyraanka curashaa ku xigi, daacigii sabanne
Mar un buu darooraa intuu, daadka soo rogo’e
Bal dayoy! duraabtaa horuu, daafta mariyaaye.

Gabaygan “Kontonguuro” ina gu boorrin mahayo sidii aan difaac u gali lahayn, balse waxa uu ina gu dhiirragelinayaa in aan baranno amma aynu xusuusnaanno milgada iyo taariikhda calankeenna. Waa isweydiimo e, hoggee buu maanta calankeennu ku jiraa; yaa se haadaan kasta dartii uga soo booday? Yaa u soo qudhgo’ay, yaa se maanta quudhsanaya? Haddaba, calankeenna oo aan baadi-goobnaa waa innaga oo mar kale is gobeyna. Sida ugu fudud ee aan maanta isku gobeyn karraana waa: Innagoo is jeclaanna, oo nactooyada gudaheenna ku beerantay gubna, is la markaasna go’aan midaysan ka gaadhna run-isu-sheeggeena. Haddii aynu runta isu sheegno oo qudha, waxaa dhexdeenna ka bixi lahaa: Is diiddada iyo kala gabbashada, kala dayoobka iyo kala jabka ku xalladaysmay, waa halkii Dhoodaane, run xasaynta been iyo xasarad, xayn isugu yeedhka.

Waxa uu Saalax, wuu ina la joogaaye, kamid yahay inteenna aan runta xasayn karin. Gabaygiisan Kontonguuro na been iyo xasarad isu gu muusan kaayo yeedhin, ee runta geesinimada leh ayuu galalkeeda naga waraabinayaa. In aynu runta fuudno, oo aan isku daweyno, si aan isu gu soo dhawaanno, diyaar ma u nahay? Haddii aynu diyaar sidaa ku nahay, aynu wada akhrinno gabaygan, ay fartii Saalax (Ahn) ku taallo dhan qoraal iyo dhan murtiba, oo munaasabadda maanta oo kale ah ku habboon:

Calanyohow dadkiisii kadoo ‘ kore ka soo cawlmay
Kurbashada dareenkiyo cabsida ‘ illinta kaa keentay
Adi kuguma koobnee dhibtani ‘ waa kadeed qarane.

Kulmiyow haddaad beri lahayd ‘ kulmisyo gaashaaman
Amaad madax ku jecel aad ogeyd ‘ shacab ku kaalmeeya
Ka teg xaalku kii shalay haddaad ‘ karam lahayd weyne.

Kala dhiman milgada aan kan lihi ‘ kaabiddeed biline
Kubku nimuu baduugmiyo ma kaco ‘ ruux karrays li’iye
Qajeelay kuftaa dawladdii ‘ aan kufkeed heline.

Kabtigiyo adoo laba kacii ‘ xawli ku koraaya
Ka na mudhay asaaggaa sidii ‘ kaaha waabberiga
Kuwayow ku neceb baa shishiyo ‘ kaarah kuu dilaye.
***
Baraqyohow karaar jabay aduu ‘ ciil ku kala gooyey
Oo keli ahaan dhawr cidla’ ah ‘ kaabad li’i taagan
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Somaloo kun raabe ah quruun ‘ haatan kala yaacsan
Oo kala tagtoo kala baxdoo ‘ laysku kari waayey
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Kobtay taallo xuduntaadu oon ‘ lagugu koolkoolin
Oon Timacaddoo kale abwaan ‘ Barkhadcas kuu joogin
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Sida qarandi oo kale dadkoon ‘ kore ba eegaynin
Oo kaalintiisii gaboo ‘ aad u kala daadsan
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Lud kurboodka duunkiyo kulkiyo ‘ kalalcabsoodkaaga
Kabaaraad la taah iyo adoo ‘ alala’ kaaraaya
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Madinnimo kelaad tahay quruun ‘ aan xigaal kabine
Adigoo ka saabbiya xilqaad ‘ kadarta kaa saara
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Kiciweydey ruqadaan kan lihi ‘ kore u qaadayne
Karti li’i adoo meel kunbudha ‘ kuudud xumidaada
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Kooxo wada kamiin qaba sidii ‘ kadaf abaaraystay
Adigoon ka kaban dhaawacii ‘ oofta ku wareemay
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Ummul kallahsan hooyada kilkilan ‘ maxas kurboonaysa
Kala firidhka qoyskoy bulshada ‘ aafo kala geysey
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay.

Waxay sare u kaabtaa midnimo ‘ duulal kala yaale
Dadka oo Ibleys kala guroo ‘ kala irdhood jooga
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Submo awrkiraale ah dugaag ‘ nacabku kooraystay
Adoo lagu kidfaayoon arkoo ‘ kololo’ reemaaya
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Washaysiga kanshada kuu helaa ‘ kuuma uu tudho e
Kii ku dilay adoo kaalmo iyo ‘ kadab ka dhawraaya
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga ku saartay?

Kasmaggaab kasiisiga garaad ‘ koobanyahay maanku
Kurtii nacab is kaashaday aduu ‘ kuugu jiro kuurka
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saaray?

Baqdin korodhka kalcabsoodka mira ‘ oollin kala fiigga
Kala qoqobka ummaddoo inay ‘ kulanto loo diiday
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Kuwo Eebbe kadabkood jaroo ‘ kuu abtirinaaya
Sinjidhaan kiraysani aduu ‘ kaaye kugu qaato
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Mustaweqe kibbaandhiyo dadkoo ‘ kaadhadh dabajooga
Oo kordegay ku’ aan rabin sidii ‘ koronkor yaacaysa
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Lama kabo kalsoonida luntoo ‘ kaaritaan badane
Kala qaaran baahiyo dadkoo ‘ qoys ba kadin ootay
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?

Qarankoo kurkii maqanyohoo ‘ kore ka naafoobey
Xamaroo kud galay aawadii ‘ looga kala guuray
Kontonguuradaadii miyaa ‘ kaabiga i saartay?
***
Sida kale Cawaalow haddaan ‘ kelimad kuu sheego
Kuma nicin dadkaaguye waxaa ‘ keenay dayacaaga
Moolis xumo intaad kore sudhnayd ‘ kicisey uunkiiye.

Laab la kiciddu kama ay taggana ‘ eber ku kaaftoome
Kashoo laga jeclaadoo qudhaan ‘ aayatiin kabine
Keligeed hawadu waa kadeed ‘ kurbiyo laandeyre.

Mantag kuguma simo kaadsashada ‘ ama korood geyne
Cadho kaydsantoo korodhdha oo ‘ karidda foondhaafta
Lama karo kolkay qaraxdo oon ‘ keene loo heline.

Wacyigoo korreeyiyo haddaan ‘ garasho kaabaynin
Oon kala danbayn iyo lahayn ‘ madax kalkaalaysa
Kacdoon shacabku kelidii qumaa ‘ waa barkuma taale.

Ka kacaay hayaay iyo qabiil ‘ xoog u kala geeyey
Iyo kuuma-naxayaal martabo ‘ qudha ku taamaaya
Kursiddoon kitaab qaba ayaa ‘ saatan kuu galaye.

Kansi iyo kunuus badan macdano ‘ aad ku kore joogto
Oy talo ka taal oon la rabin ‘ keli inaad taabto
Ayaa keentay kala’tuur nacayb ‘ laysku kaa diro e.

Kufrigii ku saanyaday raggii ‘ saancadkii kiciyey
Adoo kiil ku jira wiilashii ‘ nacabka keeneeyey
Dura waxaad ku taagneyd horfiiq ‘ ruuxa kuu hura e.

Gobannimada Kulubkii dhashoo ‘ xoogga kugu keenay
Kadabaa abwaankii lahaa ‘ keysihii qaranka
Iyo waxaad ku timi waa kifaax ‘ lays la kaashadaye.

Inta waracyo kuu soo go’aan ‘ tiro la koobayne
Kuwo kuu qudhgo’ay oo dartaa ‘ kaare la marsiiyey
Kumanyaal waddaniyoo jacayl ‘ kuu hayaa badane.

Kooxdii Wajaaliyo kobtuu ‘ Xalane kaa qaatay
Iyo suu isugu kaa kafmoo ‘ kuula galay iilka
Ayaa kow ahayd baarrinnimo ‘ geesi kuu go’a e.

Calanside kumuu dhigin ilaa ‘ kurey ahaantiiye
Kolkan oy adkaadtoo nin kale ‘ uu ku sidi waayey
Maalin kaama tegin oo kor buu ‘ kuu hayaa weliye.

Hadduu karo rakada tii u dheer ‘ buu ku sudhi laaye
Kob cagaaran buu kaabad weyn ‘ kaaga dhisi laaye
Kor ahaw ayuu odhan lahaa ‘ toban kun oo jeere.

Koonfur iyo Woqooyaad ahayd ‘ kii midayn jiraye
Isu keenka weeyaan astada ‘ kugu dhextaallaaye
Ilaa ay kulmayso na xilkii ‘ kaama uu hadhine.

Ammin kakan sebaan kulul xilliga ‘ aahi kala kaan ah
Waqti kaa bogsiiyaa ku xigi ‘ waa kastoo adage
Kurbadu na ma waartoo ciyoon ‘ waa mid kaa kiciye.

Kowda luulyo kontonkii sanaa ‘ kuugu buuxsamaye
Kol haddaad xor tahay oodan dhicin ‘ keni adkaantaada
Kuuma aan baqaayee ilmada ‘ hayska wada keenin.

Rabbigii na kaa siiyey oon ‘ keli ahaan tuugno
Ayaan kuu durraantaye ahaw ‘ kaan mar na ba liicin
Ka korree asaaggaa astaan ‘ kowniyaad tahaye.

Fiiro Gaar ah: Gabayga oo qoran waxaan ka helay rugaha-saabka Allcasayr.net. Waan ogahay in sanadkan uu calankeennu kowiyo-konton jirsadey; gabayganna uu ku saabsanyahay kontonguuradiisii. Ilaa daruufaha uu gabaygu ka hadley ay laabmayaan, dibna loo dhadhansan doono nuxurka geeraarkii Cabdilaahi Suldaan Maxamed (Timacadde) ee “Kaana siib, kanna saar” waxa aan qabaa inuu gabaygani si wacan u qalayo xaalaadka aan maanta ku sugannahay—inkasta oo uu kal hore gabaygan curiyey Allaha u Naxariistee buunnigeenni Saalax Xaashi Carab.

Xig: WardheerNews

Advertisements

2 comments

  1. […] waxa uu ku jiraa gabay la yiraado, “Kontonguuro,” oo uu tiriyay buunni Saalax Xaashi Carab. Halkan ka […]

  2. […] waxa uu ku jiraa gabay la yiraado, “Kontonguuro,” oo uu tiriyay buunni Saalax Xaashi Carab. Halkan ka […]

Ka faallood

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s