Dhigis aan lagu dhafrin

Asteyaasha qoondaysan ee tibxaha afku waxa ay innaga haqabtireen qorista afka iyo far u samayntiisa. Wixii ka dambeeyay soddoniyo-sagaal kal na, farta ay asteyaashanu suubbiyeen guulo badan ayey afka u soo hoysay: Suugaan badan oo lumi lahayd baa kaydsantay; barbaar faraweyn ayaa la soo kortay, oo teer iyo hirgelinteedii wax ku soo qorayey—jiilalka daba-socday na wax ku soo barayey. Fartan curdinka ah, ee aan wali gaarin heer ay mid qunsan ahaato oo qaamuuskeedu jiro, dhalliilaha loo soo jeedin karo way badan yihiin. Waxaa na suurtagal ah in ay dhalliilahani badhigantaali karaan kobaca farta, iyada oo dhanka qorista laga eegayo.

Inta badan farta waxaa dhalliilaha u horseedda aragti ku afjaran in sida wax loo dhaho loo dhigo. Judhaba, waa aragti in ay fartu mid qunsan ahaato liddi ku ah. Dabcan waa aragti ay xididdadeedu ku arooraan far-barashada afka, oo si fudud loo fahmi karo; oo uu qof kasta oo qayba asteyaasha tibxaha si hawl yari ah u dabbaqi karo. Waxa ayna tani wacday in qofi qoro ‘erey’ halka mid kale—amma uu isagu ba mar kale—ka qorayo ‘eray’; ‘ufo’ ama ‘uffo’; ‘irbad’ amma ‘cirbad’; ‘jidh’ amma ‘jir’; ‘eedeen’ amma ‘eedayn’; ‘cunno’ amma ‘cunto’; ‘innika’ amma ‘idinka’; “laban-laab” amma “labalaab;” “dhafar” amma “dharaf,” iwm. Haddaba, qumida fartu waxa ay taaran tahay in ay hal qaab u qorsoonto, sidii la doono ha loo akhriyo e. Tusaale ahaan, qof qoray “Daanyeer baa mooskii xaday” baa qof kale u akhrin karayaa, oo u bannaan, “Daayeer baa muuskii xaday”; qoridda “maxay ahayd?” oo loo akhrin karayo “xay ahayd?”; qoridda “waxay dhaheen” oo loo akhrin karayo “waxay ka dhaheen,” iwm. Keliya, qaabka qubanaha loo qorayo oo la isku raaco, sida la isu gu raacsan yahay qaabka ay maansadu u qoranto—oo Timacadde oo yiri “Dagmadeenna oo idil haddii aan, dayey abwaagteeda” aan sidaas loo qoraynin, balse loo qorayo, “Dagmadeenna oo idil haddaan, dayey abwaagteeda” sida uu isagu ba mar kale meeriskaas ugu dhawaaqay—ayaa farta qunsanaan in door ah le’eg u keeni karta.

Is-ku-raaciddani fari-kama-qodna; hasayeeshee, kolka ay qubanaha joogto in ay fartu qumi doonto ceel baa u qoyan. Sida uu af-aqool Cabdalla Cumar Mansuur ka faallooday ee ah in ay fartu iskeed isu qumiso ayaa na sal ah. Waa mid e, jiritaanka in lahjad ka mid ah lahjadaha afka ay ka taabbagalsanaanto kuwa la siman—marka loo eego adeegsashadeeda dhan qoraal iyo dhan hadaaqis ba leh ee ay siiba warbaahintu xoojinayso—ayaa gogol-xaadh u ah is-quminta farta. Is-qumintani waxa ay sii bulaali kartaa kolka si ka fiirsasho leh wax loo qoro, oo aan erey ba erey lagu nabin—loona digtoon yahay qorista ereyada jiitin amma jiitin la’aanta lammaanooba, kuwa qodobyaynta aawadeed soogma, iyo kuwa soo-gaabisyada dartood shushubma—, oo si toolmoon, oo naxwe qummani ohoominayo, wax loo qoro. Is-quminta farta waxaa kale oo qayb libaax leh ka qaadan kara iyada oo ay qormo baaxad weyn oo ka eegasho mudani bulshada ku dhex baahdo; qormadan oo ereyada loo xushay loo arko kuwo sida ugu saxsan, sida ugu fiirsashada badan, iyo sida ugu qurxoon loo adeegsaday. Sida uu xusay af-aqoolku na, tabtani waa midda af Talyaaniga, ka ba e far Talyaaniga, qumisay. Haddaba, jeclaanta loo qaadi karo qormo tabtaas ah ayaa dadka is-ku-raacis ka dhammayn karta, dhalliisha ay wacday aragtida maroorsan ee ah in sida wax loo dhaho loo dhigo na tirtiri doonta.

Nasiib darro, dhalliiluhu intaa kuma eka, ka ba e way badan yihiin; dhalliisha ugu daran ee farta qumideeda ku aboor ka ah na waa caajisnimada in si saxtoodsan oo xiriir-fur aan lahayn mar kasta ba wax loo qoro. Mar iyo laba maaha inta aad kobab-galsheedyo af Soomaaliga wax ku tabsha ka carrab-qaadayso ereyada “Somalida” iyo “Somaliya”; siiba e kobab-galsheedyadanu waxa ay caadaysteen, oo ay xiriir-fur u diideen, erey-maqluubbiddaas ba’an. Tani waa caajisnimo, waxa ay aroor-xumo ka qabto, xitaa gaf ku ah aragtida ah in sida wax loo dhaho loo dhigo. Waxa ayna caajisnimadan, oo qoraal ahaan ereyo badan oo af Soomaaliga ka mid ah u dabtay afaf qalaad oo aan doonaynin, muujinaysaa in dardarta farta oo quntaa yaraanayso, kuna dambaynayso jiitan iyo dabargo’. Waxa ay na caajisnimadan xil-ma-kasnimada lihi sii dagagaraysaa hoobaaqda habowga leh ee ay dar qalimo-qaad ihi ku dhici karaan—darkan oo farta wiiqantoodkeeda si damuugnimo leh u sii labajibbaari kara.

Kolka, dhalliilaha ay wacayso wax qorista aan bislayni way kala daran yihiin; mid kasta na si weyn ayuu farta qumideeda uga hor imanayaa. Waxaa na tan wacaya wax dhigis aan lagu dhafrin: Waa wax qoris aysan maskaxi ku hawloon kala shaandhaynteeda. Sida uu qoruhu ugu feejigan yahay duluc-giijinta qormooyinkiisa iyo is-haysashadooda dabuubeed ayey tahay inuu kolka hore ba ka soo faraxasho muunaynta iyo midyeenta hab-qoraalkiisa. Isaga oo ku kaaftoon lahjad qudha, isla markaas na ay ereyadiisu lahjad wal ba ka diiwaan-gashan yihiin, ayuu hadda na qumida farta liilayn karaa. Balse inta uu caajisku ka hor joogo in ay si qumman wax u qoraan, amma inta ay aragtida gujadeedu tahay in sida wax loo dhaho loo dhigo khalkhal gelinayso qorayaal badan, fartu na qumi u laaban.

Xig: WardheerNews

Advertisements

Ka faallood

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: