Rag jabay haween jabi

Kolkii uu maamuluhu noo soo galay, waxa uu oodda ka qaaday sheeko isaga soo martay. Waxa uu yiri waxay ahaayeen nin doob ah iyo hooyadiis, oo ay isla soo cag-qaateen, oo ay isa soo xambaareen. Hooyadu waxay dhabarka ku sidday, buu yiri, qadaade caano dhay ihi ka buuxaan, ninku na budh madax kuusan leh. Sheekooyin badan debadeed, waxaa soo muuqatay magaaladii; waxa uu na maamuluhu, gabagabadii, wareystay hooyada, isaga oo weydiiyay dhaqaalaha ay ku qabtay caanaha ay magaalada u iib-gaynaysay. Waxa ay ku warcelisay, buu na yiri, in wax dhaqaale ah oo fiican ay san ku qabin. Waayo, waxa uu na yiri, waxa ay sheegtay in odeyga reerka jaad looga gooyo dhaqaalaha qadaadaha ku jira. Maamuluhu waxa uu noo sheegay in uu weydiiyay sababta ku kalliftay hooyada in ay ku khasbanaato jaad-iibinta, waxaa na, sida uu inna yiri, u wada jawaabay hooyada iyo ninka. Hooyadu waxay tiri, buu na yiri, guriga ayuu san odaygu oodaynin (oo lo’da daryeeli maayo) haddii uu san jaad helin. Jawaabtii wiilka, sida uu maamuluhu inna yiri, way ka orodsiisay maamulaha, oo cagaha ayuu wax ka dayey. Budhkii baa ku dhici gaaray!

Taasi waxay ahayd kol aan wax ka baranayey dugsiga Axmed Gurey ee Jigjiga. Magaaladaas intii aan joogay, ganacsiyada jira waxa ay mulkiilayaashooda ugu badani ahaayeen, walina yihiin, haween. Waxa ayna haweenkani ahaayeen, walina yihiin, lafdhabarta dhaqaalaha qoyska. Kol aan u socdaalay Hawd na, waxaa ii muuqatay in ay haweenku nolosha miyiga kaabaan. Tani waxay muujinaysaa kartida sare ee haweenka, siiba xilli burbur ba’ani dadka oo dhan saameeyay. Raggii qaar oo ogaaday kartida dumarka waxa ay geyaysiisay in ay dhawr dumar ah wada guursadaan, oo ay sidii dirindiirtii ku dul noolaadaan haweenkan sida adag dhaqaalahooda ku soo saara—dood na way jirtay ay VOA-du arrintan ka qabatay, oo ay rag dhawr ihi ku faaneen saaqsaaqnimadooda. Badanka, waxa ayna raggani ku hoos gambadaan diinta. Faham-yaridooda, amma waxbarashado la’aantooda diineed darteed, waxa ay ku xad gudbaan diinta, misana waxa ay sheegaan in waxa ay ku kacayaani ku qotomo diin.

Ma yara caddaalad-darrada ay raggu ku hayaan dumarka, iyaga oo diinta ku soo hoos gambanaya. Diin bay u haystaan in ay dumarka dhaqaalahooda ka xayuubshaan, oo iyagu isku xannaaneeyaan; diin bay u haystaan in ay dumar badan guursan karaan iyaga oo aan ku fillayn hal xaas; diin bay u haystaan in ay san haweenku hoggaamin karin qaranka. Haddaba, raggani waxa ay diinta ka dhigteen gabbaad ay foolxumo oo dhan ku bannaystaan. Waxa ayna foolxumooyinkan dhaqameedi waceen in diinta wax xun loo arko; in diinta sharafteedu maydhanto. Haddaba, in ay haweenku ragga jihaad xaq ah ku qaadaan, baraanna diinta dhabta ah iyo caddaaladda ay hayso, ayey ahaatay.

Waa mide, diintu ma dhigin, oo sharci ma’aha, in ninku uu xoolaha ay shaqaysato xaaskiisa ka marsado; waa xaqdarro in uu ninku xoolo ay xaaskiisa shaqaysatay oo ay san siinin ka qaato. Haweenayda ayey u taallaa cidda ay siinayso xoolaheeda. Ta kale, Eebbe waxa uu jideeyay in ninku guursan karo illaa iyo afar haweenay ah, waa se haddii uu ku filan yahay, oo uu dhaqi karo kulligood. Ragga aan hal xaas ah ku filnayn in ay dumar badan u guursadaan aad ku dul noolaatiin waa dawdarro cad.

Dhanka hoggaaminta qaranka, waxa aan aad ugu riyaaqay in ay Dr. Maryan Qaasim dersi wax ku ool ah u jeedisay dhageystayaasheeda VOA-da. Waxa ayna casharkan ku caddaysay in ay haweenku hoggaamin karaan qaranka iyo ummadaba, maaddaama oo ay san jirin tusmo Qur’aanka ku jirta oo diiddan in ay dumarku dal hoggaamiyaan—xadiiska kaliya ee nebi Muxammad (NNKH) laga hayo ee oranaya in darkii taladooda haweenay u dhiibta aysan guulaysan doonin na aan caamnimadiisa la isku waafaqsanayn. Waxa ayna casharkan ku salaysay taariikh dhab ah iyo doodo ay culumo hore oo Muslimiin ahi kaga baaraandageen in haweenku hoggaan sare qaban karaan iyo in kale. Ruuxa maskax furan ku qaata dersigan ay Dr. Maryan Qaasim bixisay waxa uu heleyaa kalsooni buuxda, oo uu ku burburin karo dawdarrooyinka diiddan in diinta Islaamku xaq dhammaystiran ay dumarka iyo raggaba u dhicisay, jeer la joogo hoggaaminta qaranka. Ka sakow in ay haweenaydu qaranka hoggaamiso, maanta waxa daw ah in ay haweenaydu ragga Soomaaliyeed ee ay ku dhaanto Qur’aanka ay salaadda Taraawiixda uga iimaam ahaato—sida uu ibin Taymiyah qarniyo ka hor ku gabagabeeyay. Iyada oo ibin Taymiyah aragtidiisa lagu raaci karo, amma lagu diidi karo, doodda ah in ay dumarka hoggaamiyaan dal waa mid u dhacaysa had ba sida daliiluhu u kala culus yihiin, maaddaama oo uu  Qur’aanku ka aamusan yahay, nebi Muxammad na (NNKH) si cad u sheegin in dumarku xilka hoggaanka sare ee dawladda qaban karaan iyo in kale. Qofkii aaminsanaa in aysan dumarku hoggaan sare qaban karin diinta aawaadeed na waxa u bannaan diin-barasho iyo sida lagu go’aamiyo masalooyinka diiniga ah.

Diinta ka sokow, dhaqanka Soomaaliyeedi dayac ma uu san badin dumarka. Se dadka dhaqankan garwadeenka uga ahaa bulshada oo rag u badan, ee taariikhda bulshada ka soo faalloonnayey, ayaa maahmaaha xun iyo liididda haweenka ku kacayey, dhaqankana u geeddigeliyey meel dumarku ku il-daran yihiin. Hasayeeshee, waxaa soo jiray abwaanno indheer-garad ah, oo ka soo reebban dadkaas iyaga ah, oo doorka haweenka ee bulshada si fiican u soo daalicinayey. Abwaan Hadraawi, matalan, kama soo go’deen hadduu san run ku haysan, Hablo talada goyn kara/ Garta madal ka niqi kara, in ay Soomaali dhex joogaan. Haddaba, in ay haweenku isa soo saaraan ayey hawli tahay; qofka wixii maangalyadu ku jirto daneeyana waxa uu ku dadaali in uu kacaankaas wanaagga badan, ee ah in dumarku xaqa Eebbahoodu siiyay soo dhacsadaan,  uu garab galo. Haddii kale, waxa uu ka tirsanaan amma la aragti ahaan ragga jabay, ee haweenka jabniinkooda uun ka taliya: Mar ay dhacaan, iyo mar ay xaqooda ka hor istaagaan ba! Dhaqan-xumaynta iyo wali ba diin-xumaynta budhka madaxa weyn lulaysa ayey ka mid tahay in ragga na aan la isweydiin, oo lagu dhicin dood-galinta, in ay talada dalkooda si buuxda uga qayb-qaataan iyaga oo waliba madax sarsare ah, iyada oo ay jirto caddaalad-darrada ah in dumarka Soomaaliyeed waxba ba ku lahayn taladan iyo jagada hoggaamineed ee sare ee dalka—dumarkaas oo dhaqaalaha dalka iyo toolmoonida dadku ba ku xidhan yahay, kana mid ah, oo aan laga dhex saari karin, bulshada wada hoos dugsanaysa talada ay madaxdu hir-galiso.

Xig: WardheerNews

Advertisements

One comment

  1. […] ba ku lahayn taladan iyo jagada hoggaamineed ee sare [amma madaxweynenimeed] ee dalka…” (Rag jabay haween jabi). Bal aynu […]

Ka faallood

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: