Magacyada tiraallada waaweyn

FG: Waraaqdan oo sannado ka hor soo baxday waxaan ku biiriyey warcelis kooban oo aan kaga hadlayo adeegsashada ereyga “lag.”

ARAR Af Soomaaligu ma laha erey u dhigma “million,” bal se ereygan Laatiinka ah oo uu dhawaqiisu af Carabi yahay ayey Soomaalidu adeegsataa, waxa ay na dhahdaa “malyuun” amma “milyuun.” Waraaqdani waxa ay soo bandhigaysaa ereyo Soomaali ah, kuwaas oo dhig u ahaan doona ereyada “million,” “billion,” iwm.

HORDHAC Waxaa jirta in walaxda uu aqoonsado amma uu hummaagsado dadku uu u yeesho magac. Sidoo kale, dadku waxa uu magac u yeeshaa cabbirrada uu ku cabbirto walxaha amma aragtiyada dahsoon, sida: tiro. Haddii uusan dadku ka war-qabin amma uusan hummaagsan karin jiritaanka walax amma aragti, waxaa xaqiiqo ah in uusan dadku magac u lahayn walaxdan amma aragtidan.

Dadku marka uu faracyo kala yeesho, ee uu dadyow u kala baxbaxo, waxa ay dadyowgani kala leeyihiin magacyo u kala gaar ah oo ay walax qudha u kala yeeshaan, sida: cir, sky, samaa’, hemel, langit, iwm.[1] Sidaas oo kale, dadyowgu cabbirrada ay aragtiyada dahsoon ku kala cabbirtaan waxa ay u kala yeeshaan magacyo kala duwan, sida: kow, one, waaxid, een, satu, iwm.[2]

Waxaa dhacda in dadyowgu soo kala daynsadaan magacyo. Kolkaas na, qoloda aan lahayn magac ay u yeeshaan walax amma ay ku cabbirtaan aragti dahsoon, sida: tiro, waxa ay magacyo ka soo irgistaan dadyow kale. Casriga maanta la joogo, waxaa batay magacyada ay dadyow gaar ihi ka soo amaahdaan dadyow kale oo tiro yar, kuwaas oo ku horumaray farsamaatiga casriga ah—magacyo badan na u yeeshay walxo badan oo ay sameeyeen, sida: television, computer, internet, iwm.

Waxaa dadka u bannaan in ay erey-bixin (amma magac-bixin) u yeeshaan walax amma aragti kasta oo aan lahayn magac gaar ah oo ay soo daynsadaan. Tusaale ahaan, United States of America, waxa ay af Soomaali ahaan noqonaysaa, Goballada Midoobay ee Maraykanka; af Carabi ahaan na, al-wilaayaat al-muttaxidah al-amriikah. Magaca gaarka ah ee “America” isma doorin, inkasta oo uu dhadhankiisu doorsoomay, kana soo doorsoomay Amerigo, oo ah magaca badmaax Talyaani ahaa.[3]

Haddaba, in af Soomaali ahaan television loo magac-bixiyo “mugdaawis,” computer na “falkis,” internet na “galsho,”[4] waa dabeecadaha ay dadi jiritaankooda u sii wataan, ee ay baabba’a uga badbaadaan.[5] Waayo, tan iyo markii uu Sheekh Yuusuf ina Axmed al-Kawneyn fududeeyay barashada far Carabiga, ee uu “alif la kor dhabay” unkay[6], iyo weligeed ba waxaa baahi weyn loo qabay erey-bixinno lagaga maarmo amaahashada ereyo qalaad, oo ay adag tahay in uu naxwaha af Soomaaligu si dhib yar u oggolaado. Iyada oo aan baahidan la daboolin lama baajin karo in ay ereyo sillooni afka ku bataan, siiba marka laga faalloonayo wixii farsamaatiga casriga ah ku saabsan. Tusaale ahaan, connect garee, try garee, copy garee, iwm.[7]

Ereyada qalaadi waxa ay horseedi karaan in uu naxwe biiro ihi afka fuulo, mararka qaarkood na uu afku yeesho tibxo (amma xarfo) qalaad ah, sida: kh-da.[8] Tusaale ahaan, ereyga “macallin” oo af Carabi ah kolka uu wadarta yahay waa “macallimiin,” si kale oo uu u wadaroobo na ma leh. Ereyada Soomaaliga ihi mar na ba uma wadaroobaan sida uu ereygani u wadaroobay, oo naxwaha ay ku wadaroobaan waa uu ka duwan yahay naxwaha af Carabiga. Tusaale ahaan: bareyaal, naago, wiilal, dhagaxaan, libaaxyo, iwm.

Marka, si afka looga badbaadiyo maydhmid, amma dhalanrogmid, waxaa habboon in ay dadkiisu ka shaqeeyaan, iyaga oo ereyo kasta oo ay soo daynsan kari lahaayeen u bixinaya magacyo ku aroora, amma raad ku leh, afkooda.

Inta aynaan u gudbin qaybaha kale ee waraaqda, waxaa habboon in aynu isla wada garrano macnaha ereyadan (amma soogaabiskan):

Tiraal: Naxwe ahaan, tiro waxa ay u qaybsantaa tiraale iyo jagaale. Tiraalayaashu waa kow, laba, saddex, …, toban, boqol, kun, iwm. Jagaalayaashuna waa koowaad, labaad, …, kumaad, boqol-kumaad, iwm.[9]

Alan:[10] Dhawaq. Sida: baal/la/ley, oo ah erey ka kooban saddex alan amma dhawaq. Alamadu waa laba cayn: Qaar furan iyo qaar xidhan, oo alanka baal waa uu xidhan yahay, halka uu ka la ka furan yahay.

CD: Nebi Ciise debadii.

Dibkabme: Dhawaq, amma alan, gadaal kaga darsama ereyada. Inta badan dibkabmuhu macne uu u xambaaro magacyada maahine, isagu iskii macne uma yeesho.

Horkabme: Dhawaaqyo, amma alamo, hore ka raaca ereyada.

[Haddaba, waraaqdan waxaan kaga shaqaynaynaa afkeena, oo tiraallada waaweyn ee afkeenna—kuwaas oo aan gebigood afka Laatiinka uga marti nahay—ayaan magacyadooda Soomaaliga ah ku soo bandhigaynaa halkan.]

GOGOLDHIG Waraaqdan waxa aynu ku qaadaadhigi doonnaa magac-bixinta tiraallada waaweyn, sida: million, billion, trillion, iwm. Sidii aynu soo xusnay, in magac loo bixiyo walax amma aragti waxaa keena iyada oo walaxdan amma aragtidan la aqoonsan yahay, oo laga war hayo, jiritaankeeda/baahideeda. Sidaas daraaddeed, af Soomaaliga lagama helayo tiraal-magaceed “kun” ka weyn (oo aan ahayn “milyuun”), sida aan looga helaynin afaf badan oo uu af Carabigu ka mid yahay. Deeto, afafkani waxa ay ka siman yihiin in wixii tiro ahaan badan amma weyn ba lagaga cabbir qaato: Tiro ma leh, amma laa cadada lah.[11]

Wixii ka horreeyay badhtamaadkii 1300 CD, afafka Laatiinku ma aysan lahayn magac ay ku cabbirtaan tiraalka 10^6; waxa ayna magacan, oo mille amma milli [oo la macno ah “kun”] oo ay raacsheen one, kana dhigeen million, adeegsigiisa bilaabeen abbaaro 1350-1400 CD.[12] Laba qarni iyo dheeraad ka dib ayey na magac u heleen tiraalka 10^9, oo ay billion ku sheegeen. Isla abbaarahan, oo ku beegnayd 1680-90kii, ayey dar Faransiis ihi dhiseen, oo magacyo u sameeyeen, tiraallada waaweyn ee “illion”-ka la yiraahdo.[13] Habka ay magacyadan u sameeyeen ayaa ku xiran [oo ku sallaxmaada] isku qabashada horkabmayaal, sida: bi, tri, quad, iwm. oo Laatiin ah, iyo dibkabmaha “illion.”

Tubta ay darkaas Faransiiska ihi raaceen, oo waliba ka qorqoran kana maangalsan, ayeynu maanta raacaynaa si aynu af Soomaaliga ugu yeelno magacyo lagu cabbirto tiraallada waaweyn. Waa na innaga oo samayn doonna horkabmayaal Soomaali ah iyo dibkabme, si maangalyo leh na isugu xiri doonna.

BANDHIG Waxaa fudud in aynu soo hor bandhigno sida uu dibkabmaha magacyada tiraallada waaweyni ku samaysmo. Waxa aynu goorahan ba ku celcelinaynay ka-hadalka tiraallo ‘waaweyn.’ Haddaba, waxa uu dibkabmuhu ka samaysmayaa ereyga ‘weyn,’ ee soocdinta u ah tiraallada waaweyn ee aynu u samayn doonno magacyada.

Ereyga ‘weyn’ ayaa noqon kara dibkabme, maaddaama uu yahay erey hal alanle ah. Hasayeeshee, horkabmayaasha, oo ay daw tahay in ay shibbaneyaal uun ahaadaan, ayaa wacaya in aynu ‘w’-da ka tuurno ereyga ‘weyn.’ Waxa uu haddaba dibkamaha magacyada tiraallada waaweyni ahaanayaa eyn. Waa na sida maangalyadu ku jirto. Sida kale, dibkamaha ‘eyn’ waa alan furan, oo geya in shibbane lagu horkabo, si uu u noqdo alan xidhan. Waa na tan ta keenaysa in ay horkabmayaashu ahaadaan [amma ba ku dhammaadaan] shibbaneyaal, si ay u xiraan alanka ‘eyn’ ee furan.

Horkabmayaasha waxaa laga soo dhiraandhirinayaa magacyada tiraallada eber iyo illaa sagaal, oo iyagu awal ka tirsanaa afka. Tibix mid ah ayaa laga soo dhex siibayaa magac kasta; tusaale ahaan, eber waxaa laga qaadan karaa tibixda r amma tibixda b, oo labadu ba shibbaneyaal ah. Waxaa xeer ah in aysan tibxahani yeelan laba tibxood oo isku summad (amma aste) ah; waa na in ay tibxahani ahaadaan shibbaneyaal. Xeerkan waxa aynu ku magcaabaynaa “Xeerka Tirmaynta (XT).”

Iyada oo la raacayo XT, waxaa horkabmayaasha loo xulan karaa siyaabo kala duwan. Balse annagu waxa aan horkabmayaasha u xullanay sida ku cad tusahan hoose:

Tusaha 1aad: Xulashada horkabmayaasha.

Kolka, tibixda r waxa ay matalaysaa magac-tiraalka eber, ee astihiisu yahay 0; sidoo kale, 1 = k, 2 = l, 3 = s, 4 = f, 5 = n, 6 = x, 7 = b, 8 = d, iyo 9 = g. Immika waxa aynu haysannaa tibxo aynu ku cabbiri karno aragti dahsoon oo tiro ah—waxaanan tibxahan ka dhigan karnaa horkabmeyaal—, waxa ay tibxahani aasaas u yihiin magcaabista tiro kasta, wixii ka korreeya [sagaal] na waxa ay u baahanayaan xiriiriyaha “iyo.”[14] Waxaanan xiriiriyaha “iyo” ka qaadan karnaa, oo matalaysa, tibixda “i” oo kaliya.

Haddaba, tiraalka 10 waxa aynu u qori karnaa kir, oo ah kow iyo eber. Sidoo kale, tiraalka 45 waxa aan u qori karnaa fin, oo aad uga qorqoran, kana gaaban, qorista “afartaniyo-shan.” In aan kir (10), lir (20), amma sir (30), iwm. qorno waxa ay ku xiran tahay adeegsashada tiro-maangalyeed, oo sida ay astayaasha tiraalladu u kala horreeyaan ayey astayaasha tibxuhu na u kala horreynayaan.[15] Sida caadada ah, waxaa 45 loo dhigi karaa, “shaniyo afartan” amma “afartaniyo shan.” Bal se sida ay dhigayso aragtida tiro-maangalyeedka, waa in 45 ay u dhigantaa “afartaniyo shan,” oo aysan u dhigmin “shaniyo afartan”—maaddaama oo uu astaha 4 ka horreeyo astaha 5. Sidaas awgeed, tiraalka 45 waxa uu ku magcawnaaday fin, umana qori karno *nif.

Sida kale, ereyada kir, sir, fin, bir (70), dir (80), iwm. waa ereyo macnayaal kale leh, oo la is oran karo waxaa ciriiri galay macnayaashoodii hore mar haddii aynu ku doodno in ay ereyadani tiro na cabbiri karaan amma wax ka sheegi karaan. Haddii aynu is xasuusinno, waxaa af Soomaaliga muul ka ah ereyo dhawr macnayow kala leh bal se isku mid ah, sida: jir (jidh, roob mihiigaan ah, jiritaan ama jaal la’ahaan), joog (hojismo amma qotomnaan), jar (gebi amma goyn), iwm. Marka, waa mide, waa ay bannaan tahay in ereyadanu iyaga oo isku mid ah haddana macnayow kala duwan kala cabbiraan—maaddaama oo la garan ogyahay kol ba ujeeddada iyo waxa ay cabbirayaan. Midda kale, ujeedadda aan u sameennay horkabmayaashan oo ah in dibkamaha “eyn” lagu nabo ayaa inta badan xaddidaysa in kir, sir, iwm. ay ereyo la yaqaanno isu baddalaan.

Inta aynaan u gudbin soo bandhigista magacyada tiraallada waaweyn aynu dhuganno qaabka ay horkabmayaashu u samaysmaan kolka uu tiraalku weyn yahay. Ugu horreyn, waxaa xeer hoosaad ah in la koobo inta goor oo ay tibixda “i” galayso horkabmayaasha marka laga bilaabo tiraalka boqol (100). Tusaale ahaan, boqol, iyada oo aan xeer hoosaadkan loo eegaynin, waxa uu yeelanayaa tiro-maangalyeedka *kirir (kow iyo eber iyo eber)—marka xeer hoosaadkan la raaco na, waxa uu noqonayaa kirr, oo “i”-da dambe ayaa la luminayaa. Tusahan hoose waxa uu muujinayaa adeegsiga xeer hoosaadkan, oo aynu XT-1 ku magacaabayno:

Tusaha 2aad: Tusmaynta magaca tiro-maangalyeedka.

Tiraal kasta magaciisa waa la akhrin karaa, waa haddii la kala dhig-dhigo e: dig-bib-xibxin-nin, matalan. Waxaa se cad in kolka tiraalku weynaado, sida ka ugu dambeeya ee Tusaha 2aad, ay adkaanayso dhihista magac tiraalkan amma ku dhawaaqista horkabmaha; waxaa na muuqanaysa in uusan horkabmahanu la saansaan ahayn ereyo hore afka uga tirsanaa—doodda ah in ereyada afka ee la yaqaano la af-duubay na ay halkaas ku soo xirmayso. Sida kale, tiraalka 1245 waxa sida caadiga ah loo akhriyaa, kun laba boqol afartaniyo shan, kaas oo qaatay 11 alamood—halka ay tiro-maagalyeedku ku soo koobtay kilfin, oo 2 alamood ah!

Faa’iidada lagu qabo tiro-maagalyeedka Soomaaliga kuma koobna iyada oo magacyada tiraallada soo gaabisa oo qudha, balse waxa ay keentaa in ay innaga caawiso in aan magacyo u helno tiraallada toddoba godlaha ah, sida: 10^6 iyo kuwa ka sii waaweyn. Haddii aynu ka bilowno tiradan, waxa aan 10^6 ku magcaabi karnaa keyn. 10^9 na waxa aan oran karnaa waa leyn. Sidaas ayaanan u sii wadi karnaa; oo marka aynu saddex god ba soo biirinno magac ka samaysmay horkabme iyo dibkabmaha ‘eyn’ ayaa soo baxaya.

[BIIRIS: Waxaa jirta in tiraalka 10^6 loo yaqaanno “lag”—sida uu mar kale na Ibraahim Yuusuf Axmed (Hawd) iigu wargeliyey in uu qoraha Maxamuud Calasow (Jaanidheere) ku qoray buugaagtiisa mid ka mid ah. Ereyga “lag” iyo wadar-ahaantiisa “laguug” waxaa adeegsigiisa laga soo helayaa maansooyin hore iyo kuwo soke ba. Haddaba, marka aynu derisno sida ereygan loogu adeegsado maansooyinkan ayaa waxaa caddaanaysa in macnaha ereygani xambaarsan yahay uu ku kooban yahay oo qura “badnaansho, wax muul ah, wax tira badan, iwm.”

Tusaale ahaan, Laxnigii an kaa jaray ka badan, lag iyo aalaafe (Sayid Maxamed) iyo Kumanyaal laguug duubcad buu, keenay Beerdhiga e (Ismaaciil Mire), iwm. Sida labada meeris ba loogu adeegsaday ereyga “lag” waxa cad inuu cabbirayo “badnaansho.” Si buunbuunini ay ku jirto ayaana loo adeegsaday—waayo Sayidku Xuseen-Dhigle kama qaban karin wax dhan 10^6 oo laxni ah, mana uusan keeni karin Beerdhiga ciidan dhan 10^6 oo wali ba kumanyaal ah, sida uu Ismaaciil Mire warinayo! Haddaba, ereyga “lag” haddii la soo helo isaga oo dhabtii loo adeegsaday halka laga adeegsado tiraalka “milyan” waa la qaadan karaa, haddii kale se, ereygani waa mid laga gaabsan karo adeegsigiisa tiraaleed. Buunbuunin iyo badnaansho labadaba se waa  loo adeegsan karaa.

Sida dhugmada 11d ee hoose laga dhadhansan karo na, way adagtahay in ereyada loo adeegsado tirinta ay lumaan; sidaas daraaddeed, haddii ay tahay in ereyga “lag” dhabtii loo adeegsado dhanka tirinta tiraallada waa in la soo helo tusaalayaal ay ka mid tahay, “Hal lag oo dad ah ayaa bannaanbaxa ku kulmay,” iwm. oo laga soo heli karo hadal-maalmeedka Soomaalida. Haddii kale, ereyga “lag” waa in loo daayo waxa uu macne ahaan cabbirayo oo ah badnaansho, sidaas awgeedna aan loo qaadan inuu cabbiri karo tiraalka 10^6, ee aynu ku magcawnay keyn.]

Sida kale, tusahan hoose waxaa ku daalacan magacyada tiraallada waaweyn amma magacyada eynaad, illaa laga gaaro 10^51, oo runtii ah tiraal aad u weyn; waa hal ay daba socdaan kowiyo-konton eber, amma waa tiraal labiyo-konton godle ah:

Tusaha 3aad: Magacyada eynaad ee af Soomaaliga.

Dhab ahaantii, baahida uu afku u qabo magcaabidda tiraallada waaweyn halkaas ayey ku soo af-jarantay. Marka, af Soomaali waxaa lagu xusi karaa in da’da kawnku tahay 13.75 leyn oo gu’ileys[16] sano, halka laga oran lahaa 13.75 billion oo gu’ileys sano. Waxaa kale oo xitaa la oran karaa da’da kawnku waa 0.43 neyn ilbiriqsi gu’ileyseed.[17]

Sida kale, tiraalka 8,999,888 kolka la akhrinayo waxaa la oranayaa, siddeed keyn, sagaal boqol shagaashaniyo sagaal kun, siddeed boqol siddeetaniyo siddeed. Sidoo kale, 569,345,678,906,302 waa shan boqol lixdaniyo-sagaal seyn, saddex boqol afartaniyo-shan leyn, lix boqol toddobaataniyo-siddeed keyn, sagaal boqoliyo-lix kun, saddex boqoliyo-laba—oo trillion, billion iyo million ayaan loo baahanaynin.

Immika, waxa aynu eegaynaa xiriirka ka dhaxeeya jibbaarrada (ku jibbaarnaada 10) iyo horkabmayaasha. Waxa aynu jibbaarka ka bilownay 6, horkabmuhu na waxa uu noqday k (1). Haddaba, xiriirka horkabmayaasha iyo jibbaarrada ka dhaxeeya ayaa waxaa lagu helayaa qaaciidada ah: H = J/3 – 1, halka ay “H” u taagan tahay horkabme, “J”-na u taagan tahay jibbaarka.

Marka uu horkabmuhu yahay kirrir amma 1000, jibbaarku waxa uu noqonayaa 3003. Haddaba, 10^3003 waxaa lagu magcaabayaa kirrireyn! Si ay magacyada eynaad ee tiraallada waaweyni u sallaxmaan, waxa uu jibbaarku ahaadaa dhufsanaha 3 kana bilowdaa 6; si kale haddii loo dhigo, waa in tirada jibbaarka loo qaybin karaa 3 hadhaa la’aan, sida: 6, 9, 12, 15, iwm. Marka 10^10 magac eynaad ma laha oo u goonni ah; waxaana loo dhigan karaa 10*10^9 oo immika leh magaca eynaad ee toban leyn. Sidaas si lamid ah, 10^11 = 100*10^9 waa boqol leyn; 10^12 = 1000*10^9 waa kun leyn amma seyn.

Sida kale, iyada oo qaaciidada la adeegsanayo, waa dhif, amma ba lama helayo, af ka mid ah afafka adduunka oo magac u leh tiraalka 10^99900, balse af Soomaali waxa uu ku noqday sisliggeyn. Tiraalkani aad ayuu uga weynyahay tiraalka (af Ingiriis ahaanta) lagu magacaabo “Googol” oo ah 10^100. Tiraalka Googol magaciisa Soomaaliga ahi waa toban sileyn.

GABAGABO Sida aynu u soo bandhignay horkabmayaasha magacyada tiraallada waaweyn iyo dibkabmaha ‘eyn’ ba hore uma aysan suuroobin, waa na aragti ugub ku ah af Soomaaliga. Waxa aynu ka sal gaarnay in laga maarmi karo adeegsiga ereyada qalaad kolka ay joogto magcaabidda tiraallada waaweyn (siiba inta badanaa la adeegsado, lana adeegsan karo); waxa aynu bartii ay ka baxeenna ku cufaynay ereyo si maangal ah ku yimid, oo qaabilsan tiraallada waaweyn. Hadda ka dib, waxaa macaan leh in la yiraahdo “Keynaadyo qof ayaa Xajka sanadkan soo gutay,” halkii laga oran lahaa “Malaayiin qof…”

DHUGMO

[1] Gudbadhigis (Translation) Google: Hemel iyo langit waa isla “Cir” oo Dutch iyo Malay kala ah, hormayntii.

[2] Gudbadhigis (Translation) Google: Een iyo satu waa isla “kow” oo Dutch iyo Malay kala ah, hormayntii.

[3] Wikipedia: Amerigo Vespucci.

[4] Xirsi Cali Ciise (Xirsimagan) ayaa labada erey ee hore magac-bixiyey; ka damba na Siciid Cabdilaahi Cabi. <DHAW>

[5] Halkan, dadka iyo afka (amma luqadda) waa la isku baddalan karaa. Sababta oo ah, dadku inuu jiro waxaa u marag ah afkooda oo nool, oo aan dhimanin, walax amma aragti kasta na magac gaar u leh.

[6] Waa sida la sheego, in uu al-Kawneyn sameeyay habka far-barashada Carabiga ee Soomaaliyeysan.

[7] Tax badan oo ereyadan silloon ah kala sii soco jiidmadan: <DHAW>

[8] Kh-da ku jirta ereyada “dhakhso” iyo “bakhti” haddii aan lagu baddalan “q” waxa macquul ah in ay tibixda “kh” afka ka mid ahayd, balse ereyadii ay curinaysay ay dabargo’een.

[9] Eeg bogga 70aad ee buugga, Barashada Naxwaha Af Soomaaliga, ee ay wada qoreen Cabdallah C. Mansuur iyo Annarita Puglielli.

[10] Wadarta “alan” waa “alamo.”

[11]Ma suurowdo in ay Soomaalidii hore lahaayeen magac-tiraaleedyo “kun” ka weyn, oo la oran karo waxay u lumeen qoris-la’aan. Waayo nolosha Soomaalidu si weyn isuma aysan baddalin; oo haddii ay Soomaalidii hore reer-guuraa, xoola-dhaqato, iyo kalluumaysato ahaayeen, kuwa jirana way yihiin—oo dhanka wax tirinta iyo adeegsiga magac-tiraalladu is-baddal kuma dhicin.

[12] Af Talyaaniga milyuun waxa uu dhahaa “milione,” oo ah erey ay wali raadka isugeynta milli iyo one ku sii taallo.

[13] Waa sida ku cad Dictionary.com, oo laga helayo ogmo ku saabsan asalka erey kasta.

[14] Waa sida caadada u ah habka tirsiimo ee af Soomaaliga: Labiyo-toban, matalan, oo uu xiriiriyaha “iyo” ka maqnaan karin.

[15] Tiro-maangalyeed waxaa yeelata luqad ama af maangalyeed (logical language), oo aan dabiici ahayn, bal se ku dhisan xeerar jihaysan oo ka madax-bannaan qalqallooc. Tusaale ahaan, halkan kala soco tiro-maangalyeedda Lojban iyo xeerarkeeda: <DHAW>

[16] Gu’ilyes waa masaafada amma fogaadda uu ileysku socdaalo sanad amma gu’. Siciid Cabdilaahi Cabdi. <DHAW>

[17] Wikipedia ka raadraac da’da kawnka.

Advertisements

4 comments

  1. Walaal waa erey-bixin fiican haseyeeshee afafka waa laga dheeraadaa ereybixinta ku dhawaaqeedu adag yahay sidaa darteed waxaa haboonaan lahayd adiga oo u mudan in aad figradaa ku soo bandhigto mareegaha war-sidayaalka si aad u hesho figrado kala duwan.

    1. Mahadsanid, Soomaali.

      Ereybixin cusub maan samaynin! Waa hindise cusub oo inaga caawin kara sidii aan magacyo ugu heli lahayn tirooyinka waaweyn.

      Waraaqdan, sida aad dusha ka raadraaci karto, waxa ay ku soo baxday WardheerNews, oo ah warside caan ah oo waliba Galshada (Internet) ku baxa.

      Mar kale, mahadsanid.

  2. Waxa aan jeclaystay inaan kula faaqido, labada dhinac ee ay u kala leexdaan labada macne ee ay kala qaataan ereyadan jirrideed.
    TIR = TIRTIRID = TIRAAL ereyganii wuxuu micnihiisu la safanayaa TIRTIRID.
    Waxa jira ereygan: TIRO: waxa la saf ah: TIRIN , TIRIS, TIRSI.
    Afka Carabiga ayaa kala saafa ereyadan: CADAD iyo RAQQAM:Waxay kala noqonayaan TIRO iyo TIRIB.
    Ereyga TIRIB, waxa uu yahay salka uu ka soo jeedo ereyga TIRAAB, taas waxa u daliila: TIBIX –[oo noqota]-TIBAAX, inkastoo labada erey arraheed aanay isku micne ahayn, oo TIBIX tahay XARAF, TIBAAX-duna tahay PHRASE.
    Sidoo kale ayaa erey-arraheedka TIRIB uu yahay NUMBER ama RAQQAM, ereyga ka laanbaxay ee TIRAAB na uu yahay TERM ama MUSTDALIX.
    Tirib-ka [Tiribo-da/Tiribyo-da].
    Haatan, waxa Soomaalidu adeegsataa, TIRO oo guud ahaan, ku aadan waxa la tiriyo oo dhan.
    Adeegsi ahaan waxa la dhihi karaa “Baabuurka Tiribkiisu yahay N33456”, halkii laga dhihi jiray “Baabuurka Lanbarkiisu yahay N33456”
    Maxaad ka dhihi lahayd IDIRIS soojeedintaydan?

    SEID ABDI

    1. Walaal Siciid,

      Waa soojeedin wacan, kuna mahadsanid. Waxaa muuqata in aan ereygaas iyo siduu u farcamo, ee uu xididkiisu yahay, la danaynin. Aniguna toos baan u dabbaqay, oo hoos uma dayin.

      Waa tahay, sida kale t–r waxaa ku xididmooba ereyadan (hal-alenlayaasha ah):

      tar, taar, teer, tir, tiir, tuur

      Ereyadan horkabmeyaal amma/iyo dibkabmeyaal ayaa raaci kara. Ereyga “tir” dibkamayaasha (hal-tibixlayaasha ah ee) raaci kara iyo macnayaasha ay kala siin karaani waa:

      a := caado (tira, tii wax masaxda); amar (tira!, masaxa!)
      e := caado (tire, kii wax masaxa)
      i := amar (tiri)
      o := amar (tiro, adigu masaxo)
      u := …

      Sida muuqata, ereyga “tir” haddii uu raaco “i” ayuu yeelanayaa macnaha “waxtirinta” (iyo waliba macnaha “dhihista,” “sheegista,” iwm); haddii kalena, waxa uu qaadanayaa macnaha “waxtirtirista.” Waxaana jirtay, weedh uu qorqode yiri oo ah: “Naa iga tir, oo hayga tiran!” Marka, “tir” asal ahaan waa “bi’in.” Hasayeeshee, marka la raaciyo “in” ayuu isu baddalayaa macnaha “xisaabin.”

      Ereyga “tirib” wax-tirin iyo wax-tirtirisba waa kolba midka la siiyo macnayaashan.

      Mahadsanid,
      Idiris

Ka faallood

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: