“Wanka macasha ii qabo”

Nin wal ba oo maamul-wanaag iyo cuddoonaan hoggaamineed lagu xanto waxaa judhiiba daba taal weedha, “Naag gob ah ayaa garabka haysa!” Wali ma la yiri, marka loo riyaaqay haweenay cuddoonaan hoggaamineed iyo maamul-wanaag ba dunida kaga soo mudh baxday, “Nin gob ah ayaa garabka haya”? La isma weydiiyo! Waxaa ba ugu horraynta la dafirsanyahay in ay haweenay kartidaas lihi jirto, oo uusan ba jiri karin nin soo garab galaya. Waa na dhaqan-xumo iyo si-arag rageed, oo bulshadan dhaqankeeda ku laxaammadmay, oo runtii in la tirtiro inooga fadhiya.

Waayo, dumarka Soomaaliyeed in muddo ah ba uma aysan xabeebteen helista qaybtooda ay maamulka Soomaaliya ku leeyihiin—iyaga oo walidaas “raggu” iska dhaga-tirayo arrimahaas ay dumarku ku andacoonayaan. Qaybtan, oo sida ay codsanayaan ah 30%, iyo wax ka badan ba waa ay ku leeyihiin maamulka Soomaaliya, mar ba haddii aan looga maarmin dhismaha qaranka Soomaaliya. Sidii aan looga maarmi jirin in ay dhisaan buulasha iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed—kartidooda darteed—ayaanan looga maarmin in ay maantana qarankan dunsan dhisaan, dadweynihiisana u arrimiyaan. Taas oo la garwaaqsadaa waxay meesha ka saaraysaa si-aragga rageed ee ka iloobay liididda haweenka. Sidee baa loo garwaaqsan karaa taas iyada oo uusan raggu garansanayn, runna ka sheegaynin, kartida iyo awoodda dumarka ee hoggaamineed?

Maxaa keenaya, markii si xushmad leh looga doodo in dumarku ay helaan xaqooda madaxtinimeed, in ay ragga qaar kaga dhegto, “Oo naag ba Maraykanka madaxweyne kama noqon kartee, maxaa Soomaaliya madaxweyne uga dhigaya?” Dooddani dhexta ayey ka dalooshaa. Waa mide, dhismaha maamulka dalka Maraykanka waxaa sal iyo baar ba ka qayb-qaata haween, iyaga oo madax bannaanna waa ay u tartamaan, kuna guulaystaan, qabashada xilal badan—madaxweyne na mustaqbalka waa ay ka noqonayaan, iska daa in ay ka noqon karaane! Eegga ba waxaa afariyo-labaatan dal majarahooda haya dumar, Maraykanku na waa dal qudha oo aan dunida oo dhan matalin. Maxaa se dalalkan Soomaaliya ka reebaya?

Midda kale iyada oo aan sharci iyo qabatin kale oo xaq-qa ku taagan loo kaashanaynin, in la yiraahdo dumarku madaxweyne Maraykanka kama noqon “karaan” waxa ay xigsanaysaa si-aragga rageed ee ku dhisan cadaadinta dumarka. Waa na iyaga oo ay raggu xiganayaan sheekooyin iyo mala-awaallo hore, kuwaas oo dumarka lagu liido. Waa na iyaga oo ay raggu kaabsanayaan khuraafaadyo iyo dhaqanno ka soo haray waayo ay raggu isla-weynaan jireen, oo nolosha hoggaamineed ba kelidood isa siin jireen. Tan waxay keentay in ahmiyadda dumarka ee madaxtinimeed ay raggu ka maan-damaan, hummaagsanna waayaan.

Maxaa keenaya in raggu marka ay arrintaas si dirqi leh u garawsadaan in ay haddana ku doodaan, “Oo haddii ay umusho na?” Iyo waliba doodda tan la midka ah, “Oo xafiiska sidee bay kelideed madaxda kale ee ragga ah ugu qaabbili (u akhri gacan-qaadi) kartaa, haddii ba ay Muslimad tahay?” Midda hore iyo ta dambe ba waxaa daadka raacin kara iyada oo la garwaaqsado in ay dumarku wax weyn ka baddali karaan maamulka dawladnimo ee ay hab-dhaqankiisa raggu hummaagsadaan, una qorqortaan qaabka iyaga oo qudha u macaan!

Ta hore, ma jiro waxyaalo haweenayda ka xannibaya in ay uga gudubto amminta ay umusha tahay iyada oo madaxweyne ah sida uu ninka madaxweynaha ah uga gudbo amminta uu socdaalka ku marayo dhawr dal oo dunida ah! Casriga maanta la joogana, muddada umushu aad ayey u gaaban tahay. Marka ha isweydiinin, “Haddii dalka la soo weeraro nah?” iyo wixii la mid ah ee aad isweydiinayso. Waayo, sida uu madaxweynaha ninka ah uga qorshaysto arrintaas iyo arrimo kalaba ayey haweenayduna uga qorshaysanaysaa.

Dhabtii, haweenaydu waxa ay maamulka dawladeed ku soo kordhin kartaa qorsheyaal iyada iyo inta la jaalka ah ba u saamaxaaya in ay si buuxda u hayaan xilalkoodaas, oo aan deexasho looga bursan karin kaalinta ay qaranka kaga jiraan, iyaga oo gudanaya waajibaadkooda dhanka qoyska—sida ay raggu ba u gutaan. Waa na iyada oo rabitaanka iyo codka haweenka soo saari karta, si weynna wax uga baddali karta hab-dhaqanka maamulka dawladeed ee ay raggu qoqobteen!

Taasi waa arrin jallaafayn karta marsashada weydiinta dambe ee ah, “Oo xafiiska sidee bay kelideed madaxda kale ee ragga ah ugu qaabbili kartaa, haddii ba ay Muslimad tahay?” Haddii ay Muslimad tahay, oo ay haweenaydu qaabayn karto hab-dhaqanka maamulka dawladeed, maxaa ka hor istaagaya in ay soo saarto hab-dhaqan dumarkana u fiican, diintana ku taagan, oo ay dawladdu ku maamulnaato? Sida muuqata, waxa aragtidan ku lakadka ahi waa ragga qaar iyo hummaaggooda janjeera ee hab-dhaqanka maamuleed ee dawladda! Haweenay Soomaaliya u madaxweyne ah na waxa ay kor u qaadi kartaa dhaq-dhaqaaqa ay dumarka Soomaliyeedi ku tallaabsan karaan; waxay na u jeexi kartaa ilo badan oo ay raggu dumarka ka oodeen, sida: hoggaaminta iyo ku dhiirranaanteeda, jeer la joogo qarannimada, oo ay si kalsooni leh, sharaf leh, oo diin leh u hayn karaan.

Marka, waxaa wacan in dumarka xayndaabka si-aragga rageed laga hor qaado—iyaga ayuun baa na iska hor qaadi kara, ee waa in ay raggu u maan-furnaadaan ololayaasha dumarkan. Si xushmad leh ayey dumarka Soomaaliyeed maanta u raadinayaan codkooda. Si degganaan leh ayey uga doodayaan iska-qaadidda cadaadisyada ay raggu saareen. Si qalbi-furan ayey u codsanayaan in xaqooda la ilaaliyo, lana garwaaqsado ahmiyaddooda, kartidooda iyo maamul-wanaaggooda. Warcelinta iyo dood-wanaagguna waxa ay ku yuururtaa ragga. Waa haddii ay maanta raggu is furan karaan, oo aysan ku tusaaloobaynin meerisyadii uu abwaan Singub mar hore kaga faallooday mabda’a gumeysiga ee ahaa:

Wanka macasha ii qabo
Adu gawrac ii mari
Dhiiggana an muudsado!

Bal aynu eegno sida ay odayadeenna qabaa’illada iyo raggan dhidibadda u taagaya maamulka cusub ee Soomaaliya uga badbaadaan sifaha meerisyadaas. Bal aynu eegno in raggu ay u dhago-nuglaadaan codka dumarka, ee ay ku dalbanayaan kamid-ahaanshaha maamulka Soomaaliya 30% iyo wax waliba oo xaq ah oo intaa u dheer. Bal aynu eegno in raggu ka waantoobo aamusnaanta “aan la isweydiin, oo lagu dhicin dood-galinta, in ay [raggu] talada dalkooda si buuxda uga qayb-qaataan iyaga oo waliba madax sarsare ah, iyada oo ay jirto caddaalad-darrada ah in dumarka Soomaaliyeed [si la taaban karo aysan] waxba ba ku lahayn taladan iyo jagada hoggaamineed ee sare [amma madaxweynenimeed] ee dalka…” (Rag jabay haween jabi). Bal aynu eegno.

Xig: WardheerNews

Advertisements

Ka faallood

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: