Ducaadda maanta doorkooda

Daacinnimadu waa ugu yeeridda dadka xagga Eebbe. Cidda hawshaas qaaddana waxa uu Eebbe ku ammaanay, “Yaa ka hadal wacan qof dadka ugu yeeray xagga Eebbe, oo falay waxa saxda ah, yirina, ‘Waxaan kamid ahay Muslimiinta’?” Ducaadda Muslimiinta ah waxay ku gawracantahay yeelista (sida Muslimiinta oo dhan) Nebi Muxammad (NNKH); waana in ay sida ay hawshooda u fulinayaan ay kaga daydaan Nebiga (NNKH). Sida ay tusmada Eebbe ku amaanaysana, waa inay ahaadaan kuwo waxa saxda ah, waxa xaqa ah, waxa camalka san uu ku jiro,  had iyo gooraale fala.

Daacinnimada lagu ma kasbado aqoon weyn (sida aqoonta Fiqiga, iwm) oo loo yeesho diinta. Bal se waxaa lagu kasbadaa aqoon buuran oo loo yeesho seeska iyo aasaaska diinta, sida: Rummaysnaanta Eebbe kelidii, tiirarka Islaamka iyo Iimaanka, iwm. Ducaaddu waa inay xiriir weyn la lahaadaan Eebbe iyo Rasuulkiisa: Waa in ay Qur’aanka bartaan, sida uu Rasuulku u dhaqmi jiray na wax badan ka ogaadaan, una dhaqmaan. Waa in ay  ku taxnaadaan culimada, aqoomahoodana wax weyn ka kororsadaan. Waa in ay ka fogaadaan gelista wixii khilaaf ku jiro.[1]

Dadka ay wax u sheegayaan waa in ay u dhuundaloolaan xaaladaha ay ku suganyihiin. Waana in ay qaabeeyaan [oo kaga daydaan Nebiga (NNKH)] sida ugu habboon, uguna fudud, ee ay farriintooda dadkan ugu gudbin karaan. Waa in ay dulqaad badan u lahaadaan dadkan, una jajabnaadaan weydiimahooda. Waa in ay dhaqanka wax-tebinta kaga daydaan Rasuulka (NNKH). Waayo tani waxay u keenaysaa in ay ka fogaadaan qallafsanaanta. Sidoo kale, waa in ay wax weyn ka bartaan ducaadda waaweyn iyo sida ay daacinnimada waayaheeda u soo mareen.

Waayo ka mid ah waayihii Sheekh Muxammad Al-Gasaali[2] ee daacinnimada ayaa halkan hoose inoogu gudbadhigan. Eebbe ha nagu kaalmeeyo u shaqaynta diintiisa. Aamiin.

Kama aanan helin sida ay u labbisnayd markii ay xafiiskayga soo gashay. Hayeeshee, murugada iyo habowga ka muuqday indhaheeda ayaa igu dhaliyey naxariis iyo dulqaad. Way fariisatay, waxay na bilowday in ay iiga warranto danaheeda iyada oo ku raja-weyn in ay warcelimo iga hesho.

In badan ayaan dhagaha u raariciyey. Waxaan ogaaday in ay ahayd gabar Carabiyad ah oo waxbarashadeeda ku soo qaadatay Faransiiska, dalkaas oo ay ku soo kortay. Waxaa kaloo ii caddaa in ay wax aad u yar ka tiqiinnay Islaamka. Waxaan bilaabay in aan u kala qaad-qaado xaqiiqooyinka [Islaamka ee] aasaasiga ah aniga oo wixii tuhun ah daadifaynaya, oo warcelimaadyana bixinaya, naqdinayana been-abuuradyada ay Oreentaalladu ka fidiyeen [diinta] Islaamka. Sida kale na ma illoobin in aan wax ka taabto casriga maanta ah iyo sida uu dumar ba ugu haysto jir jaban. Markii aan hadalkayga dhammaystay bay gabadhii codsatay in aannu mar kale wada fariisanno, way na iga socotay.

In yar uun kadib baa nin dhalinyaro ah – oo ay ka muuqatay saansaanka Isbarrixidda Islaamnimo – si duufaanan ku soo galay xafiiskayga, waxa uuna si rabsho leh u yiri: “Maxay ku dhacday in qof xun loo soo daayo halkan?”

“Hawsha baxnaanshuhu waa oggalaansho. Sida caadada ah na ma la kumo qof fiyow, miyuu la kulmaa?” ayaan ugu warceliyey.

“Dabcan, waxaad kula talisay in ay Xijaab xirato!” ayuu ku daray.

Waxaan ku iri, “Arrintu aad ayey uga weyntahay taas. Waxaa jira seeska oo in la soo dhiso ah. Waxaa jira Rummaysnaanta Eebbe iyo Qiyaame. Waxaa jira ogaanshaha iyo qaadashada waxa lagu caddeeyay Qur’aanka iyo Sunnaha, oo ay intaa dheeryihiin tiirarka cibaadada iyo suubbanida; waa na tiirarka aysan [diinta] Islaamku jiri karin la’aantood …” Wuxuu hadalka igaga soo dhex-galay, “Waxan oo dhan kama dhigna in aynaan iyada ku amrin xirashada Xijaabka.”

“Kama heleen in ay iigu timaaddo iyada oo xiran Xijaab misa na uu laabteedu ka maran yahay Eebbe. Waxaan baray waxyaalaha aasaasiga ah ee u oggalaanaya in ay doorato, iskeeda uun, xirashada dhar ka wacan [waxay xirnayd],” ayaan si deggan ugu warceliyey.

Wuxuu haddana isku dayey inuu hadalka iga soo dhexgalo oo waxaan si diirran ugu iri, “Ma jiidi karo [diinta] Islaam inta aan dabada qabto sida aad u jiidayso. Waxaan dhigaa seeska, waxaanan bilaabaa sii dhisidda, sida jirtana murti ayaan ku kasbadaa waxaan rabo.”

Laba toddobaad ka dib, gabadhii baa soo noqotay. Waxay hullaabnayd dhar aad u fiican, masar ayeyna ku duubatay madaxeeda. Waxay sii wadatay weydiimaheeda, aniguna waxbaristayda. Ka dib waxaan weydiiyay, “Maxaad u tagi weyday misaajidka kuugu dhaw aqalkaaga?” Sidaas baan iri, bal se isla-markiiba waan ka qoommamooday. Waxaan soo xasuustay in ay misaajiddu ka oodanyihiin foolasha Dumarka Islaameed. Gabadhu waxay ku warcelisay in ay necbayd Dadka Diinta, oo aysan jeclayn in ay dhagaysato.

“Waayo?” ayaan iri.

“Way qalbi-adagyihiin, waxay na noola dhaqmaan si xaqiraad iyo yasmo leh,” ayey si degdeg ah u tiri.

Ma garan karo waxaan u soo xasuustay Hinda (oorridii Abuu Sufyaan). Waxay ahayd tii raamsatay beerka Xamse, ee sida daran u la dagaallantay Islaamka illamaa gu’gii 8d ee Hijrada. Runtii ma aysan aqoodin Nebiga. Haddana, markii ay aqoonsatay isaga iyo suubbanidiisa dulqaadka leh, waxay ku tiri, “Ma jiro qof dhulkan ku nool oo aan rabi jiray inuu aad u liitoobo si ka daran sida aan adiga iyo qoyskaaga u rabi jiray. Immikana, ma jiro qof dhulkan ku nool inuu aad u xurmo bato si ka fiican sida aan adiga iyo qoyskaaga u la rabo.” Nebiga naxariistiisa iyo udhimranaanshihiisa ayaa baddalay laabaha dadkii ku xeernaa.

Immika, miyey Ducaadda maanta wax ka baran karaan Nebigooda. Miyey baran doonaan isku-keenista inta ay kala kaxaynayaan, iyo keenista warka wanaagsan inta ay dadka ka firxinayaan iyaga iyo Islaamkaba

Al-Gasaali (AuN) waxaa lagu tiriyaa mujaddidka qarniga 14d ee Hijriyada.

DHUGMO

[1] Nucmaan Cali Khaan. Kobgalsho. <http://youtu.be/Ic44JPq0d4g&gt;

[2] Af Ingiriiska ayaan ka gudbadhigay sheekadan. Waxay na ku soo baxday af-Carabi. Sidaas awgeed, waxaa jiraysa in ay gudbadhistani ka yara geddisnaato ta Carabiga laga samayn lahaa. Dhugo in wixii khaladaad ah ee ay gudbadhigistani yeelato uu qoraheedu dhabarka u ridanayo, oo aan qofkii laga soo gudbadhigay hadalladiisa wax eedeyn ah loo soo jeedin karin, iyada oo gudbadhistan laga duulayo.

Faallo ka bixi