Dhugmo: Dhismaha meeris-gabayga

Sidaad badankiinnu ogtihiin, meeris gabay ihi waxa uu u kala qaarmaa hojis iyo hooris. Sida kale, waxa uu meeriskani u kala baxaa sal iyo farcan. Salnimada iyo farcannimadu waxay saamaayeen hojiska oo qudha. Guud ahaan, hojiska saleedi waxa uu yeeshaa soddoniyo-laba qaab; hojiska farcanka ahna intaa in ka badan. Dhugmadeennan maanta waxaan ku ekaanaynaa furfurista dhawr tusaale oo inna fahansiin kara dhismaha meeriska gabayga.

Bal u fiirsada,

(1) Bari iyo Galbeed xaajo waa, mid u gawaan raace
(2) Kol hadday garkaa iyo garkaa, geesna qaban weydo
(3) Guduudane mar buu kuu noqdaa, aar gaboodya lehe      (Dhoodaan)

Tuducdan kore (meerisyadu isuguma xigaan sidaas, hasayeeshee) waxaa ku duugan xogahan:

  • Hojisyadu waa inta hakatka ka horraysa; hoorisyaduna waa inta hakatka ka dambaysa;
  • Hoorisyadu waxay tusaale u yihiin, oo soo ururiyeen, saddexda qaab ee qudha ee uu hooris gabay ihi yeelan karo;
  • Meeriska (3) hojiskiisu waa farcame, meerisyada kale hojisyadoodu waa saleedyo; iyo
  • Dhafanayaasha hoosta ka xarriiqan ee “ay” iyo “ey” waxaa loo aqoonsanayaa kuwo wata shaqaldheerayaal.

Meeris walba oo maanso ah waxa uu leeyahay qaabdhismeed (miisaaman); waxaana intaa u dheer qaafiyadayn iyo waliba qurxin murtiyadeed. Annaga oo maanta isku koobayna “qaabdhismeed”-ka uu meeris gabay ihi yeesho, waxaa habboon in aynu hojiska goonni u saafanno, hooriskana goonni. Aan ku horrayno hooriska.

Hooriska

Lix shaqal oo laba kamid ihi dhaadheer yihiin (iyo dabcan shibbaneyaal) ayaa hooris gabay ah sameeya. Shaqalladani baro sugan ayey hooriska kaga negaadaan. Ka soo qaad shaqalka dheer “2”, ka gaabanna “1”. Qaabdhismeedka hoorisku deeto waa: 2 (1) 2 2 (1). Hay! Maxaa keenay saddexda “2”? Saw ma’aha inuu hoorisku yeesho laba shaqal oo dhaadheer mar kastaba? Waa run, waa sidaas. Marka, waxaa qasab ah in saddexda “2” kol walba uu midi kala jabo, isuna baddalo “1 1,” oo ah laba shaqal oo gaaggaaban. Haddii taas la sameeyo, saddexdan qaab ayuun buu hoorisku u dhacmayaa:

-mid u gawaan raace     1 1 (1) 2 2 (1)
-geesna qaban weydo   2 (1) 1 1 2 (1)
-aar gaboodya lehe        2 (1) 2 1 1 (1)

Hooriska ugu korreeya waxaa kala badhmay shaqal-dheerihiisa ugu horreeya, ka xigana kiisa labaad, ka sii xigana kiisa ugu dambeeya; laba-labada shaqal ee dhaadheer ee kale se way deysmayaan, kuna neegaanayaan barahooda. Waxaa sidoo kale barahooda ku negaada shaqallada gaaggaaban ee bilaha ku dhex jira.

Hooris kasta (oo gabay ah) oo aan lahayn saansaanka saddexdaas kore midkood laaxin baa ku jira! Tusaale ahaan, isla gabaygaas aan tuducyadiisa soo xigannay waxaan ka soo helaynaa in ka badan toban hooris oo laxni leh. Waa laxni iska fudud oo qorista ku yimid, balse gabayaagu uusan mas’uul ka ahayn (oo waabad dhageysan kartaan). Tusaale ahaan, 4tan hooris (aan saxno):

-guuldarro i badaye*
-taladii loo guulay*
-loo garqaadaayey*
-waxaad i gaadhsiisay*

Xiddigta hooris kasta daba taalla waxay caddayn u tahay in hoorisku uu laxni leeyahay. Waxay hoorisyadaasu ku saxmanyihiin sidatan:

-guuldarray badaye             [o+i=ay; waa dhafane wata shaqal dheer]
-taladi loo guulay                 [i dheeraad ah ayaa carrabka lagu qarinayaa]
-loo garqaadahayey            [h dheeraad ah ayaa la soo biiranayaa]
-waxad i gaadhsiisay           [a dheeraad ah ayaa carrabka lagu qarinayaa]

U fiirsada, dhafanayaasha ugu dambeeya saddexda hooris ee ugu soo sokeeya waxaa loo ogyahayay in mid kastaaba uu wato shaqal gaaban. Dhismaha qeexan ee hooriska ayaa sababta loo celinayaa; si kasta oo uu gabayaagu luuqda ugu dheereeyo dhawaqa ugu dambeeya ee hooriska, haddana qeexaal ahaan dhawaqani waa mid gaaban uun!

Midda kale, hooriska “-loo garqaadahayey” marka uu laxniga watay waxa uu buuxinayey qaabdhismeedka (amma cabbirka) hooriska gabayga oo ah 2 (1) 2 2 (1), hasayeeshee, qodobka ah in  saddexdan shaqaldheere midkood kala badhmo ayuusan buuxinnin.

Midda kale, hooriska “-guuldarray badaye” marka uu laxniga watay waxa uu lahaa hal shaqaldheere oo qudha; mana dhici karto in hooris gabay ihi yeesho hal shaqaldheere oo kaliya, waana sida isla qodobkii hore ku hoos jirta oo ah in hoorisku yeesho laba shaqaldheere (mar walba).

Soo wada duudduuboo, hoorisku saddexda qaab wax ka baxsan ma oggolaado; waaba lagu qasbaa inuu saddexdaas qaab uun ahaado. Si loogu qasbana waa in dhawaqyada dheeraadka ah la qariyo, haddii loo baahdana la soo biiriyo dhawaqyo (amma xarfo) hor leh, halka qaar kalena la isku qodbo, oo dhafenayaal laga dhigo. Sidaas si lamid ah, dhawaqyada gaaggaaban ee looga fursan waayo barta ay kuwa dhaadheeri leeyihiin waa la dheeraynayaa; tusaale ahaan, hooriska “-duco alliifaane”, “i” gaaban ayaa la dheereeyay, oo loogu dhawaaqay “ii”! Si kooban, qasbiddu hakan ma laha illaa hoorisku qummanaado.

Haddaba, waxaa hoorisyo gabay ah ah: –reermagaalnimo e, -beesha wada taalla, -nin iyo naagtiisa, iwm. Aad bay u fududdahay in hooris gabay ah jeebka lagala soo baxo, sida:

-biyo la’aan joogna
-lagu negaanaayo
-lamahuraankii ah
-looxa lagu duugay
-caagadaha daadsan
-ceelna qodi maysid
-looma soo baxa e
-beeni raad malaha
-Yoonis baa wadaye

Hoorisku waa kaas, waxaana inoo xiga hojiska.

Hojiska

Hojisku sida hooriska waxa uu ka koobanyahay shibbaneyaal iyo shaqallo (gaaggaaban iyo dhaadheer) oo si habsami ah u qeexan (u yaalla, u dhismaysan, u miisaaman). Waatii aynu hojiska u kala qaadnay sal  iyo  farcan; haddaba, hojiska salka ihi waxa uu yeeshaa cabbir ah: 2 2 (1) 2 2 (1) 2. Immika, shaqal walba oo dheer (kuna suntan “2”) waa uu u kala jabi karaa, isuna baddali karaa laba gaaggaaban (kuna suntama “1 1”). [Shaqaldheere waxa uu la mid yahay laba shaqal oo gaaggaaban, dhawaq ahaan iyo dhigmo ahaan ba!]

Waxaa cabbirka hojiska ee kore inooga muuqda shan shaqaldheere; haddii shaqaldheerayaashan midba mar la jabiyo, waxaa inoo soo baxaya shan qaab oo hojis ah. Ka waran haddii laba shaqaldheerayaal (amma saddex amma gebi) hal mar la isla wada jabiyo? Waxaa soo baxaya qaabab hor leh oo hojisyo ah. Marka, qaababka hojis yeelan karo hakan ma laha illamaa shaqallada dhaadheeri wada jabaan, isuna wada baddalaan kuwo gaaggaaban!

Labadan hojis ee salka ah aan dhuganno:

Geegjoogohoodii haddaan-         2   2  (1)   2   2   (1)   2     (Sayid Maxamed)
Muslinnimada iyo luqo la qoro-   11 11 (1)  11 11  (1)  11    (Xaaji Aadan)

Hojiska kore hal shaqaldheere oo jaban ma laha, halka ka dambe uusan ka wadannin hal shaqaldheere ba. Tusmo ahaan, hojiska kore waa ka uu meeris gabay ah oo sal ahi ka bilaabmo–waana ka lagu cabbirto, amma lagu muujisto qaabdhismeedka (guud ee), hojiska–ka hoose na waa ka uu ku dhammaado. Waxaa labadooda u dhaxeeya soddon kale oo hojisyo ah.

Lama soo helayo gabay lagu wada adeegsaday soddonka iyo labada qaab ee uu hojis sal ihi ku suurtoobo. [Haddii la soo helana waa halkeeda, balse anigu wali ma hayo.] Waa sidaase, marka gabayo badan la isku soo ururiyo, meerisyadoodana la kala madho, ayaa waxaa soo baxaya 32dan qaab uun. Sida kale, ma jiro gabay hal qaab oo hojis ah lagu dhisay meerisyadiisa oo dhan. [Tani waa hubaal, waase haddaan lala soo shirtageynin gabay hal meeris ka kooban!]

Haddaan tusaalihii koobaad dib ugu noqonno, meerisyada (1) iyo (2) hojisyada ku jira aan iyagana muujisanno shaqalladooda (una fiirsada, dhafanaha hoosta ka xarriiqan waxa uu wataa shaqaldheere):

Kol hadday garkaa iyo garkaa-   1 1   2  (1)  2 1 1 (1) 2
Bari iyo Galbeed xaajo waa-       1 1 1 1 (1)  2   2  (1) 2

Labadan hojis ee kore, inkasta oo ay ka simanyihiin tirada shaqallada ee dhaadheer ee uu mid kastaaba sito haddana, isku qaab ma’aha; nacam, shaqallada dhaadheeri baro isku mid ah kagama kala jiraan hojisyada. Dhanka kale, tirada shaqalladooda dhaadheer (waa saddex e) oo isle’eg awgeed waxa ay labadan hojis ka sinmeed nudda ay yihiin. Nudaha hojiska gabaygu waxay kala yihiin (una fiirsada, dhafanayaasha hoosta ka xarriiqani waa kuwo wata shaqaldheerayaal):

Guushuu inoo yeelay baan-                     [nudda 1d]
Waataan Galbeedkaas u diray-                [nudda 2d]
Madfac gaw yidhaahdiyo rasaas-             [nudda 3d]
Onkod guguguclayn iyo hillaac-               [nudda 4d]
Gobo’ kale na waa aniga iyo-                   [nudda 5d]
Gallad nin an ka qabo laguma oga-         [nudda 6d]

Hojiska nudda koobaadi waxa uu wataa shan shaqaldheere, ka nudda labaadna afar, ka nudda saddexaadna saddex, ka nudda afaraadna laba, ka nudda shanaadna hal, ka nudda lixaadna eber! Maaddaama oo uusan hojiska nudda 6di wadannin shaqaldheere la sii kala jabin karo, halkaas ayey ku xidhmayaan nudaha hojiska (saleed ee) gabayga.

Nudda 1d iyo ta’ 6d midba waxaa ku taxmi kara hal qaab oo hojis ah. Nudda 2d iyo ta’ 5d midba waxaa ku taxmi kara shan qaab oo hojis ah. Labada hadhsanna waxay yeelanayaan midba toban qaab-taxan oo hojis ah. Sidaas ayey wadarta qaab-taxannadanu ku yihiin saddoniyo-laba!

Haddaba, gabayaagu marka uu hojis (sal ah oo) gabay ah curinayo waxaa u bannaan adeegsashada mid kamid ah 32dan qaab-taxan. Wax ka baxsan intan haddii laga helo waa hojis laaxin leh amma farcan ah!

Haddaba, haddaan dib u noqonno oo aan muujinno isagana shaqallada ku jira hojiska uu leeyahay meeriska (3) oo aannu nidhi waa farcan, waxaa soo baxaya dhawaq gaaban oo dheeraad ah:

Guduudane mar buu kuu noqdaa-  1 2 1 1 (1) 2 2 (1) 2

Dhawaqa casi waa biiro; waxa uuna hojiska ka yeelay mid farcan ah! Guud ahaan, hojiska farcanka ah waxa uu yeelanayaa, inta laga gaaray, laba cabbir oo kala ah: 1 2 2 (1) 2 2 (1) 2 iyo 1 2 (1) 2 2 (1) 2. Cabbirka dambe waxaa soo hoos gali kara hojisyada kala ah:  Gallad nimaan ka qabo laguma oga-, iyo, Eebbow goonni baa laga heliyo-. Hojiska dambe dhafanaha “ow” waxaa loo ogahay inuu wato shaqal gaaban!

Waxaa dhacda, mararka qaarkood na bannaan, in hojiska farcanka ah la salayn karo; waana iyada oo la gaabinayo shaqaldheeraha ku xiga shaqalgaabka biirada ah. Tusaale ahaan: Ebbow goonni baa laga heliyo-, iyo kan kale, Gallad nin an ka qabo laguma oga-. Haddii ay arrintani mar walba bannaanaan lahayd, hojisku waxa uu sida hooriska ahaan lahaa sal aan dhaq-dhaqaaqin (nacam aan isu baddalin farcan). Balse mar walba ma bannaana arrintaasu. Waayo, hojis ku bilaabma ereyga “gabbaad,” tusaale ahaan, haddii loo dhigo/loogu dhawaaqo ereygan “gabbad” macnihiisii ayaa doorsoomaya.

Soo wada duudduuboo, hojisku dhanka qasbidda waa kala mid hooriska; intii la qasbi karo waa la qasbayaa si looga dhawro laaxin.

Sidii hooriska, aad bay u fududdahay in hojis (farcan amma sal oo) gabay ah jeebka lagala soo baxo, sida:

Walbahaari maayoo Allaa-
Fiidmeer sideedaan habeen-
Bal ka fiirso waxa aad fashaa-
Adaa diiday dahab kuu dhigmoo-

Hojiskuna waa kaas.

Gabagabo

Guud ahaan, marka hojis si fiican loo soo dhiso ayaa hooris (macno ahaan ku xiriirsan**) lagu daba-qabtaa; xiriirintoodana waxaa ka soo baxa meeris. Haddii xitaa laxniga laga dhawro meeriskan, goldalloolooyin kale oo laga ilaalin karo ayaa jira; labada qaybood ee hadhsan, qaafiyadaynta iyo qurxinta, ayaannu arrintaas kaga bogan doonnaa. Waa haddii Eebbe oggolaado.

** Run ma wada aha, ee waa inoo maqaalka dambe.

Xig: WardheerNews

Advertisements

One comment

  1. […] dheeraad ah ka bogo, “Dhugmo: Dhismaha Meeris-Gabayga.” Tusaalayaashu waxay ku jiraan gabayga […]

Ka faallood

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: