Miisaamista “Daguugaan”

Xubin kasta oo maanso ah waxay ka kooban tahay meerisyo is hoos yaal yaalla; meerisyadanina waxay u kala bixi karaan qaar sal ah iyo qaar farcan ah. Haddaad rabto inaad hesho miisaanka ay ku fadhido hal xubin oo maansada ka mid ah, himiladaadu waa miisaamista meerisyada ay xubintaasi kaga soocnaatay xubnaha kale ee maansada. Marka, waa inaad furfurataa meeris kasta, oo aad erey erey u qurqurubtaa, kana sii socotaa, oo aad erey kasta alan alan u sii kala jajabisaa. Waa in aadan isku koobin xisaabinta inta alan ee uu meeris kastaayi wato oo qudha, balse waa in aad isku hawshaa sidii aad u dhugan lahayd qaababka ay alamadani ugu habaysan yihiin meeriskaas dhexdiisa. Marka aad tan dambe hawsheeda in badan ku foognaato, hubaal waxaa ku soo baxaya dhismaha ay meerisyadu ku wada aroorayaan, oo ah miisaanka ay xubintaad soocatay leedahay. Sida kale, haddii aad dhawr miisaan ka dhex hesho hawshii aad qabatay, dhabtii dhawr xubnood baad hal mar wada miisaantay.

Horta, ka hor intaannaan ka faalloon miisaannada ay leedahay maansada “Daguugaan” ee Abwaan Ibraahin Cajaa’ib, aan dhuganno waxa uu alanku yahay. Alan waa dhawaaq gaaban amma dheer; mar waa shaqal qudha, marna waa shaqal iyo shibbane isku duuban. Alanku marka uu shaqalka qudha yahay waxaa u tusaale ah: a,e,i,o,u,aa,ee,ii,oo,uu. Halkaas waxaa ku wada dhan tobankii shaqal, ee shani gaaggaabnaayeen, shanta kale na ay dhaadheeraayeen. Tobankaas shaqal inta dugulka ahi  waa ereyo xidhiidhiyayaal (ee, oo, uu) amma magacuyaallo (i, ii, u) ah. Kuwa hadhsani marka ereyada qaar la alameeyo ayay muuqanayaan, tusaale ahaan: a/ri, e/deb, o/rad, iyo aa/le. Ereyadan ka kooban laba labada alan, alan kasta oo hore waa shaqal, halka alan kasta oo xigaayi uu ka kooban yahay shaqal iyo shibbane isku dhafan. Alamada qaybtan dambe waxay u sii kala bixi karaan qaar furan, sida: ri iyo le; iyo qaar awdan, sida: deb iyo rad.

Marka erey (ka kooban in ka badan hal dhawaaq) la alamaynayo, dhawaaqyadiisa waxaa lagu kala seeraa summada /, siiba waa in ay summaddani mar kastaba kala qaaddaa shibbane kasta oo ereyga dhexdiisa ku labalaaban. Tusaale ahaan, ereyga “hoggaamiyayaal” waxaa sugan in loo alameeyo, hog/gaa/mi/ya/yaal. Waana erey ka kooban shan alan, oo ay laba awdan yihiin, halka saddexda kale ay ka furan yihiin. Sideedaba, waxay alamadu u badan yihiin iskujir ka kooban shibbane iyo shaqal, oo waa ay yar yihiin alamo saafi ah, oo shaqallo uun ka kooban. Balse waa qalad, amma runnimadeedu waa qabyo, qeexista odhanaysa alamadu waa shaqal iyo shibbane la is raaciyey. Tusaalayaashii aynu soo aragnay ayaa qeexistan ka hor yimid. Haddaba, waxaa qeexis sugan ah: Alanku waa dhawaaq gaaban amma dheer; mar waa shaqal qudha, marna waa shaqal iyo shibbane isku duuban.

Tuducda koobaad ee qoraalkan waxaan ku soo xusnay, “Waa in aadan isku koobin xisaabinta inta alan ee uu meeris kastaa wato oo qudha, balse waa in aad isku hawshaa sidii aad u dhugan lahayd qaababka  ay alamadani ugu habaysan yihiin meeriskaas dhexdiisa.” Haddaba, haddii aynu isgaransiinnay waxa uu alanku yahay, waxaa noo bannaan in aynu alamaysanno meeris kasta oo xubin inoo soocan ba ka tirsan; ka dibna aynu raadinno wadarta alamadan, innagoo alanka gaaban mid ahaan u tirinayna, ka dheerna labo ahaan. Tan waxaa noo sii dheer in aynu dhuganno sida ay alamadani ugu dhex dhafan yihiin isla meeris kasta oo xubintaas ka tirsan; waayo waxaa inoo soo baxaya dhismaha ay meerisyada xubintaasu ku aroorayaan, oo ah miisaanka xubintaas. Labadan qodob aynu kala qaadqaadno.

Tirinta Alamada

Maansada aynu miisaamayno ee “Daguugaan” waxaan ka soo xulan karnaa dhawrkan tudcood ee hoose. Meeris kasta waynu alamaynaynaa, ka dibna ku hor qoraynaa inta alamood ee uu wadar ahaan wato, innaga oo garansan in alanka gaabani leeyahay miisaan hal cod ah ah, ka dheerina leeyahay miisaan laba cod ah (Gorfaynta Gabayga, bogga 20d). U fiirso, meeriska u soo korreeya waxa uu wataa afar alan oo gaaggaaban iyo saddex alan oo dhaadheer; marka la labalaabo saddexdan alan ee dhaadheer, loona geeyo afarta alamada gaaggaaban ah, wadartu waxay iskeenaysaa toban.

Dun/du/maan da/guu/gaan/ka 10
Dir/ri/yaan dha/dhaa/baan/ka 10
Ku dir/qi/ye wax i/ga ma/qal/ka 10
Dag/gan yeel ma ka he/laan/ka 10
Daw/gal ta/lo xu/moy hoog/ga* 10
Duul/laan co/laa/deed/ka 10

Dib/ba/ta/ye ha/shay/dii* 9
Ma du/gaag u loog/baa? 9
Diir na/xaa ma ma/qa/naa?** 10
Daa/wa/de ma bo/qol/laa? 9

Du/noy wax la/yaab ah* 8
Ga/raad do/qo/need/ka 8
Dur/row/ga u keen/ka* 8
Dad/kii/na wac/naan/sho 8

Meerisyada ay daba-taallo xiddigta qudha ihi waxaa ku jira alamo wata dhafanayaal. Shaqallada gaaggaaban ee a, e, o marka ay ku daba-xidhmaan tibxaha y iyo w waxaa lagu magacaabaa dhafanayaal. Alamada sita dhafanayaasha waxaa loo tirsan karaa sidii ay wataan shaqal-dheere amma sidii ay wataan shaqal-gaab. Waxayna ku xirantahay hadba barta ay dhafanayaashu meeriska ka dagaan. [Hoosta ka eeg faahfaahin dheeraad ah.] Gebi dhafanayaasha ka muuqda dusha, midka ku dhex jira alanka “Daw” uun baa loo aqoonsaday inuu wato shaqal gaaban. Haddii loo aqoonsan lahaa inuu wato shaqal-dheere, meeriska waxaa ku hor qornaan lahayd tirada 11, waxa uuna sidaas ku ahaan lahaa meeris farcan ah. Sida kale, meeriska tuducda dhexe ee ay daba-yaallaan xiddigaha labada ihi waa meeris farcan ah.

Tusmaynta Alamada

Tirinta alamada ee meerisku innama garansiin karto xubinta maanso ee aan ka soocayno xubnaha kale! Waa in aynu dhugannaa baraha ay alamadu ku leeyihiin meeriska. Tan si aan u gaadhno, waa in aynu dejisannaa summado aynu ku halbeegsanayno barta alanka gaabani degi karo iyo barta uu alanka dheeri degi karo. Weydiini waxay tahay, hal alan oo dheeri ma geli karaa bar ay is-xigsadeen laba alan oo gaaggaaban, maaddaama oo uu alanka dheeri u dhigmo laba alan oo gaaggaaban, cod ahaan—sidii aynu soo aragnay? Warcelintu waa: Haa iyo Maya! Haa, oo waxaa jira xubno ay taasi u furan tahay. Maya, oo waxaa jira xubno aysan taasi u furnayn. Maansada aynu miisaamayno waxay isugu dhex jirtaa xubnahan! Summaduhu waxay kala yihiin: V, W, X, M, iyo Y. Iyada summadan ugu dambaysa maanta adeegsan mayno. Si kastaba ha ahaatee, qeexdimaha summadahani waa:

V: Alan shaqal gaaban wata. Summaddan waxaa lagu magacaabaa “guntin.” Tusaale ahaan, ereyga “Soomaali” waxa uu wataa guntinta “li.”

W: Alan shaqal dheer wadan kara, mar kale na u kala jabi kara V V, kuwaas oo ah laba alan oo kala sita laba shaqal oo gaaggaaban, iskuna xiga. Waxaa summadan lagu magacaabaa “xag” (Habka Dhismaha Maansada Soomaaliyeed). Tusaale ahaan, ereyga “Geedjooge” waxa uu wataa labada xagood ee “Geed” iyo “joo.”

Dhanka kale, ereyga “Gurijooge” waxaa muuqata in xagtii ahayd “Geed” ee ereygii hore ay isku dherer iyo dhumuc yihiin labada guntinood ee “Gu” iyo “ri.”  Labadan meeris ee jiiftada ah u fiirso:

Geedjoogahoodii
Gurijoogahoodii

Marka “Geed” waa xag; “guri”-na waa xag. “Geed” waa xag hal-alanle (dheer) ah; halka “guri” ka tahay xag laba-alane (gaaggaaban) ah. Marka,  xagtu waxay noqon kartaa alan dheer amma laba alamood oo gaaggaaban.

X: Laba alan oo shaqallo gaaggaaban kala sita oo isku xiga, asii aan marnaba isu baddali karin alan shaqal dheer wata. Waxaan si ku meel gaar ah summadan ugu magacaabaynaa, “Xigtin.”

M: Alan markastaba wata shaqal dheer oo aan laba gaaggaaban sinnaba u noqonnin. Si ku meel gaar ah waxaan ku magcaabaynaa summadan, “Gaax.” (Waa sida gaaxda caanaad oo ka daahay lisid; oo waa sida xagta “W” balse ka daahday in ay kala jabto.)

Y: Alamo mid, laba, saddex amma afar ah, oo meeriska ka reebnaada, mararka qaarkoodna lagu tirin karo. Si ku meel gaar ah, waxaan ku magcaabaynaa summadan, “Dulsaar.” Badanaa xubinta geeraarka ayaa yeelata dulsaar.

I

Saddexdii tudcood ee maansada “Daguugaan” markaan dib ugu noqonno, waxa muuqata in meeriska ugu dambeeya ee tuducda ugu sarraysa uu yeelanayo dhisme ah W W V W W V (Duullaan colaadeedka). Haddaba meerisyada ka korreeya kan oo dhami waxay soo hoos galayaan dhismahan, taas oo lagu magacaabo cag[1] (Tiraynta Maansada, bogga 3d). Cagtan oo kale waxaa yeelata xubinta maanseed ee marka caanaha la lulayo lagu hawl yaraysto. Nasiib darro, xubintani ma laha magac qumman, oo ah sida “gabay” iwm. Qushiye, dadka qaarkii baa xubintan ugu magac daray isla hawshaas ay caanka ku tahay, oo ah Haan. Waana tii gaarridu tiri: Hoy baayo beesheennu/Waa beelo ceebeede/Yaan layna baawayne/Yaan subagga lay bidine/Yaan beeshu ina xamanne/Yaan bahalad lay filinne/Yaan “Soo bax” lay oranne/Adna lagu billaawayne/Baayey bullooy ii bax/Furfuroo fur weyn ii bax/Xeeriyo fandhaal buuxi (Shube).

Haddii tuducdaas koobaad meeris kastaba aynu ku hor qorno summadaha ay alamadiisu kala yeelanayaan, waxaa inoo muuqanaya qaababka kala geddisan ee meerisyada. Waxaa inoo muuqanaya in ay meerisyadani ku aroorayaan cagtaas dusha ku cad (meeriska ugu dambeeyaana wato). Waayo, xagta oo kala dhambalantaa waxay noqotaa uun laba guntinood oo is xiga.

1. Dun/du/maan da/guu/gaan/ka             V/V/W V/W/W/V
2. Dir/ri/yaan dha/dhaa/baan/ka             V/V/W V/W/W/V
3. Ku dir/qi/ye wax i/ga ma/qal/ka          V V/V/V V V/V V/V/V
4. Dag/gan yeel ma ka he/laan/ka           V/V W V V V/W/V
5. Daw/gal ta/lo xu/moy hoog/ga*         V/V V/V V/W W/V
6. Duul/laan co/laa/deed/ka                     W/W V/W/W/V

Marka, meeriska u korreeya iyo waliba ka ku xiga waxaa kala dhambalmay xagahooda ugu horreeya. Meeriska saddexaad xag kastaayi way kala dhambalantay. … Sida kale, meeriska shanaad haddii alanka “Daw” loo aqoonsado inuu wato shaqal-dheere, ka dib waxaa uu meeriskaasu noqonayaa mid farcan ah, oo leh qaabka W V W V W W V. Waayo, meeriska salka ihi cagtiisa waa ta dusha ku cad. Waxay labadan cagoodi ku kala geddisan yihiinna waa alanka guntinta ah ee uu ka farcanka ihi dheer yahay ka salka ah. Alankani barta ugu horraysa ee meeriska waa uu degi karaa; waxaana samaysmaya cag saddexaad oo leh qaabka, V W W V W W V.

Markaan alanka “Daw” u aqoonsannay mid wata shaqal gaaban, waxaan ku adkaysannay in meerisku sal sii ahaado, intii uu mid farcan ah noqon lahaa. Si kastaba, waa iska labeebnimada dhafanaha waxa arrintan inoo sahlay, balse haddii uu alankaasi ahaan lahaa mid aan dhafane wadan oo haddana dheer, waxaan ku qasbanaan lahayn in aan meeriskaas u dayno farcannimadiisa. Dhanka kale, haddii uu dhafane dego bar ay guntini leedahay, waa qasab in dhafanahan loo aqoonsado mid wata shaqal gaaban, oo aan wadannin shaqal dheer; sida kalena waa suurta gal (oo haddii uu dhafane dego bar ay xagi leedahay, dabcan waxaa la siinayaa miisaanka ay xagi leedahay oo ah laba cod oo gaaggaaban amma hal cod oo dheer). Marka, dhafanuhu dheerni amma gaabni ka uu noqonayo waxay ku xirantahay hadba barta uu meeriska ka dego. Haddii aynu haysanno kansho lagu kala dooran karo midka uu yahay, waxaan dhafanaha u daysanaynaa hadba faldhaqankiisa uu meeriska uga yeeli karo mid sal ah—waana sida aynu u doorannay meeriska, Dawgal talo xumoy hoogga.

II

Tuducda dhexe meerisyadeeda, ka farcanka ah mooyee, waxaa u cag ah W W V W W. Waa isla cagtii tuducda ka korraysa oo laga reebay guntinta ugu dambaysa. Haddaad u fiirsato labada meeris ee kala ah, Ma dugaag u loog baa?/Daawade ma boqollaa?, waxaad arkaysaa in meeriska hore labada guntinood ee ugu horreeya ay xag isku noqon karaan iyada oo loo eegayo meeriska xiga, oo isagu ku bilaabma xag leh alan dheer—maaddaama oo ay isku bar kaga kala suganyihiin meerisyada. Sidoo kale, alanka “loog” waxaa la dherer ah labada alan ee “bo/qol,” waayo isku bar ayay meerisyada kaga kala neg yihiin, oo waxay ku xigxigaan guntinta badhtanka ku jirta. Celceliska dhugmadan waxaan ku gaadhi karnaa in cagta kore ee aynu doorranay tahay midda ugu habboon ee ay meerisyadani ku wada aroori karaan. Cagtanna waxaa yeelata xubin jiifto ah, siiba meeriskeeda saleed.

Sida kale, meeriska tuducda labaad ee aynu nidhi waa farcan waxaan siinaynaa—annagoo tixgalinayna jiiftanimadiisa, kana duulayna cagta meeriska saleed ee jiiftada—cag ah W V  W V W W. Waxaa kolkaas inoo muuqda in meeriska farcanka ihi uu wato guntin biiro ah. Dhabtii, guntintani barta ugu horraysa ee meeriskana way degi kartaa: V W W V W W. Waayo, waxaa ah meeris jiifto ah, oo uu Abwaan Hadraawi qoray, Adduunyadu hubaashii, inkasta oo uu Tubeec meeriskan salaynayo marka uu sidan ugu dhawaaqayo, Addunyadu hubaashii. Haddaba, guntinta faqadka ah ee meeriska jiiftada ah farcanka ka yeesha ma degi karto baro kale oo aan labadaas barood ahayn, siiba barta ugu dambaysa, oo waa mamnuuc. Waayo, waxa uu meerisku iska baddalayaa, waa haddii guntinta dheeraadka ihi degto barta ugu dambaysa, jiifto noqonayaana haan. Haddii ay taasi dhacdo, aayar ayaa meeriska lagu tirinayaa inuu yahay haan halkii laga oran lahaa waa jiifto.

III

Tuducda ugu hoosaysa ee saddexdaas tudcood ee maansada “Daguugaan” xubintee ayay noqon kartaa? Dhabtii, tuducdani lama miisaan aha labada tudcood ee ka korreeya. Sida jirta, labada guntinood ee (meeris kasta oo tuducdan ka mid ah badhtankiisa) is-xigsaday marnaba isuma baddalaan alan dheer. Marka, waxaan labadan guntinood ku summadaysannaynaa X, maaddaama oo aysan isku noqon karin alan dheer.  [Lama soo helayo tusaale hore iyo mid soke oo kuu muujinaya in labadan guntinoodi  isku noqon karaan xag.] Wixii intaa ka dambeeya, cagta tuducdani waxay soo baxaysaa V W X M V. Waxaa cagtan yeelata xubin aan magac qumman lahayn, balse ku caan ah meerisyada: Maroodi Cadhoole/haddii col la sheego/cadaadda ku meere/hashii Cosob waa tan! Hal tusaale oo marag u ah xagta ku jirta cagta waa, Dhererka lugahaaga. Waa meeris ku jira maanso kale oo uu Abwaan Ibraahim Cajaa’ib tiriyey oo la yiraahdo “Dhuko.” Sida kale, gaaxda iyadu ku jirta cagtaas inay xag isu baddasho iyo in kale waxaa naga xiga uun soo helista tusaale abwaan hore amma mid soke curiyey. Anigu wali ma hayo.

Gabagabo

Haddii aynu kashifnay saddexdii xubnood ee ay maansada “Daguugaan” ka samaysnayd, dawgii aynu u marnay kashifaaddan aynu is xusuusinno. Kow, waa in aynu tirinnay alamada meerisyada maansada tuducaha inooga soocan ee aynu miisaamaynay (xusuusnow, alanka dheeri waa laba cod le, ka gaabanna waa hal cod le). Laba, waa in aynu summado ku muujisannay baraha ay alamadu si guud ahaaneed uga dhex degayaan meeriska—helnayna cagta tuduc kastaa ku xubnan tahay. [Digniinse waxay tahay, inta aan miisaamis ka kooban labadan qodob lagu dhaqaaqin waa in la iska hubsoon yahay cuddoonida meeriska la miisaamayo. Waa in meerisku u qoran yahay si hab maanso ah. Tusaale ahaan, waa qalad in la qoro, Dibbatay ee hashaydii, halkii laga qori lahaa, Dibbataye hashaydii. Cuddoonidu waa iyada oo la daryeelo cagta ay xubini leedahay, waaba haddii cagtaas la yaqaannee. Taas waxaan si faahfaahsan uga bogan doonnaa maqaalka inoo xiga, haddii Eebbe idmo.] Sida kale, saddex xubnood uun maansadu kama koobna; illaa iyo immika intaan uruuriyey waa konton xubnood—cagahooda oo kala dudduwan ayaa tan u marqaati ah. Intuba wax ka baxsan summadiihii inoo qeexnaa laguma miisaamo.

Dhugmo: Raadraacyada qoraalkan waxaa laga heli karaa isla tuducaha gudahooda.


[1] Ereybixinta “cag” (Eebbe ha ka abaal-mariyo Ayayday e) waxa ay ku sal leedahay farshaxanka hab-samayska masafta, haammaha, i.w.m. ee agab ah ee geed (qabo moroh ah) amma caw laga tolo. Cagtu waa salka yare godan amma sallaxan, ee qarka hoose (sati; barkinta amma badhida, walibana agabka inta badani yeeshaan, sida: hadhuubka, fijaanka, i.w.m.) iyo qarka sare (mugga, gunta) ee weelka kala qaybisa—sida ku cad jaantuskan hoose:

Cag

Xig: Dhaqanbile

Advertisements

3 comments

  1. […] [1] Idiris M. Cali. “Miisaamista Daguugaan.” […]

  2. […] [6] Macnaynta ereyada xigtin, xag, guntin, iwm. ka bogo qoraalka, “Miisaamista Daguugaan.” […]

  3. […] Maqaalkii hore oo tafaftiran waxaan ku soo daabacay halkan. Tifaftirkan meeriska “Daran joogta sugiddeeda” oo ah “Haan” oo aan markii hore […]

Ka faallood

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: