Cuddoonida meeriska

Labo dhinacba waa laga fiirin karaa cuddoonida meeriska. Waa marka horee, meeriska saleedi waxa uu ka cuddoon yahay ka farcanka ah. Dhanka kale, nudaha kala duwan ee isla meeriska saleed amma midka farcanka ihi yeeshana way kala cuddoonaan karaan. Sida kale, qeexdinta ereyga “cuddoon” waa: Wax qaabkiisu isu dheellitiranyahay ahaansho (Qaamuuska af-Soomaaliga, bog 154). Teennu se waxay tahay: Wax giigtiran, oo aan jactadsanayn. Sidaas awgeed, meeris cuddooni waa meeris aan jabnayn—oo aan laxni lahayn. Waxaa jira qodobbo loo adeegsado cuddoonaynta meeriska, xubinta uu doono ha ku tirsanaadee; qodobaddan ayaan maqaalkan ku lafaguraynaa. Sidoo kale, waxaan ka faalloonaynaa duxda lagu qabo cuddoonida lafteeda.

Gabagabada maqaalka, “Miisaamista Daguugaan,” waxaan ku soo qaadnay digniin ahayd: “…inta aan miisaamis…lagu dhaqaaqin waa in la iska hubsoon yahay cuddoonida meeriska la miisaamayo.”[1] Maqaalkaas waxa aynu ku soo qaadnay labo qodob oo loo adeegsan karo miisaamista meeris kasta oo maanso ah. Waxa aynu labadaas qodob ku miisaannay meerisyada saddex tucdood (oo tusaalayaal ah) oo ku jira maansada “Daguugaan”; waxaannan soo saarnay xubnaha maanso ee ay meerisyadaasi ku kala aroorayaan. Meerisyadaasi in ay kala leeyihiin sal iyo farcan ayaynu ka faalloonnay. Haddaba, waxay meerisyadaasu ahaayeen kuwo cuddoon! Waayo, xubin kasta meeriskeeda salka ihi waxa uu ka cuddoon yahay keeda farcanka ah, keeda farcanka ahna waxa uu ka cuddoon yahay meeriskeeda aan-cuddoonayn amma jaban.

Si aynu uga niibkeenno runnimada weedhan dambe, waxaan adeegsanaynaa qodobbo ay maansoolaydu degsadeen. Si’ay maansoolaydani isaga dhawraan curinta meeris(yo) jaban, waxay ku dhiirradaan xashidda (sida timirta) ereyada qaar. Maansoolaydan, sida looga bartay, ereyada waxay ku biiriyaan tibxo, haddii kalena waaba ay ka dhimaan—iyagoo u yoolan hadba sidii miisaanku ugu sallaxan yahay. Maansoolaydani waxay xagaafeen (amma jideeyeen) in ereyada qaar la isku dhufdhufto, oo dhexdeedo laga saaro tibix amma tibxo, iyo in ereyada lagu kordhiyo tibix amma tibxo hor leh. Tanna waxaan ku tilmaami karnaa in ay tahay “ereyxashid.”

1 Gogoldhig

Tusaale hordhac-ahaaneed, u fiirsada hadda meerisyadan ku jira hoyasha[2] “Soomaaliyeey Toos,” sida kalena loo yaqaanno, “Heesta Qaranka Soomaalida”:

  • Idinkaysu tookhaayoo
  • Adamuu tacliin barayoo
  • Sharcigaysku kiin tolayoo
  • Arligiinna taaka ahoo
  • Saylad laydin soo tubayoo
  • Toogashow badheedhaaneey

Meeriska ugu korreeya, ereyga uu ku bilowdo waxaa laga xashay labada erey ee kala ah: “Idinkaa” iyo “isu.” Sideedaba, aa+i=ay [hoosta faahfaahinta ka dhawr]. Meeriska xiga, ereyga ugu horreeya waxa uu ahaa: Aadamuhu. “H” iyo “a” ayaa qarsoomay. Meeriska xiga, ereyga ugu horreeya waxaa isna laga xashay: “Sharcigaa” iyo “isku.” Sidii hore, aa+i=ay. Meeriska xiga, “a” ayaa laga qariyay ereyga “Arligiinnaa.” Meeriska xiga, ereyga “laydin” waxaa laga xashay: “La” iyo “idiin.” Waxaa la qariyay “i”, sida kalena a+i=ay. Meeriska ugu dambeeya, ereyga ugu horreeya waxaa isna laga xashay: “Toogasho” iyo “u.” Sideedaba, o+u=ow [faahfaahinta hoosta ka bogo].

Tusaalahaas kore dhawaaqyada meeris kasta ugu dambeeya ee “yoo,” “oo” iyo “eey” qudhoodu waa biiro—oo haddii laga kaaftoomo dhawaaqyadan meeris kastaa waxa uu u noqonayaa jiiftannimadiisa. Sida kale, haddii aan ereyadaas tuducda tan ka korraysa ku sheeggan aan la xashi lahayn, meeris kastaa waxa uu ahaan lahaa mid jaban (waa haddii loo eegayo maansada ay ku tirsanyihiin oo ah xubinta hoyal)—marka laga reebo meeriska ugu dambeeya oo noqon lahaa farcan. U fiirsada [xiddigtu (*) meerisyada ay hor taallo waa kuwa aan cuddoonayn]:

  • *Idinkaa isu tookhaayoo
  • *Aadamuhu tacliin barayoo
  • *Sharcigaa isku kiin tolayoo
  • *Arligiinnaa taaka ahoo
  • *Saylad la idiin soo tubayoo
  • Toogasho u badheedhaaneey

Tusaale kale[3] oo muujinaya meeris jaban, balse ereyxashid lagu hagaajin karo, waa meeris ku jira guurow uu tiriyay laashin Cabdulle Geedannaar—kaas oo ah:

  • Baa/say/na hays/taan i/yo, ma/ra/sho biid/biid ah

Meeriskaasi waa uu jaban yahay haddii iyo haddii oo kaliya oo aan la dheeraynin alanka labaad ee ereyga “iyo”—taas oo ah sida laashinkuba ugu luuqaynayo. Waana in meeriskaas sidan loo dhigaa amma loogu dhawaaqaa:

  • Baasayna haystaan iyoo, marasho biidbiid ah

Tusaalayaasha la soo tixi karo waa tif—oo ma jirto, amma waa dhif, maanso hore iyo mid soke oo aan meerisyadeeda laga helaynin erey aan xashnayn. Sidaas daraaddeed, waxaa habboon in aynu u gudubno sootixidda qodobbada xasha ereyada—kolka meeris jactadka laga bi’inayo.

2 Dhimista Dhawaaqyada Meeriska

Labadan qodob ee soo socda waxaan ku rogrogaynaa siyaabaha kala duwan ee meeriska looga tiro dhawaaqyada dheeraadka ah.

2.1 Qodob I: Isasaamaynta Tibxaha[4] 

Tibxaha isasaamayn kara waa shaqallo isasaamayn ka dib isku noqda (i) dhafane wata shaqaldheere, amma (ii) shaqaldeere aan dhafane ahayn. Waxa ay shaqalladani kala ahaan karaan (1) laba dhaadheer, (2) mid dheer iyo mid gaaban ammaba (3) laba gaaggaaban. Waxay shaqalladani ku kala tirsami karaan laba erey oo is-xiga. Marka ay shaqalladani isasaameeyaan, ereyadii ay ku kala jireen way isku dhufmayaan—oo ereyadu hal erey ayay isku noqonayaan.[5]

2.1.1 Dhafanoobid

Aan u kuurgalno shaqallada isasaameeya ee isku noqda dhafane isagu wata shaqaldheere. Shaqalladan in ka mid ah iyo waliba  dhafanayaasha ay isu rogi karaan, isasaamayntooda ka dib, waa: uu+u=uw; a+u=aw; aa+ii=ay; aa+i=ay; a+i=ay. Tusaalayaashan u fiirsada:

  • Burco Laaran buw tagi ninkaad, beri u yeedhaaye[6]   [buu+u=buw]
  • Iddaaraddiyo Leegada waxaan, odayadaw sheegay[7]   [odayada+u=odayadaw]
  • Way cir hooray Diraacoo[8]   [Waa+ii=Way]
  • Hurdo wayga duuf waayadaan, umal daraaddiiye[9]   [waa+iga=wayga]
  • Oo kala tagtoo kala baxdoo, laysku kari waayey[10]   [la+isku=laysku]

Sharraxaad dheeraad ah inooga ma baahna tusaalayaashaas kore—maaddaama oo ay qawsasku ina tusayaan sida ay shaqalladu isu saameeyeen, dhafanayaalna u soo baxeen, isla markaasna ay ereyadii kala qaadnaa isku qabsadeen. Sida kale, tusaalayaashaas kuma aynaan soo koobin kurti qaababka shaqallada isasaameeya ee dhafanayaasha isku noqdaa yeeshaan.

Waxaase inaan isdultaagno mudan sheegista sababta ay dhafanayaashu u qaateen qaababka ay qaateen. Sida muuqata, labada shaqal ee isu tagay midka dambe haddii uu “u” amma “uu” yahay waxa uu isu rogayaa shibbanaha “w.” Sidoo kale, haddii uu shaqalka dambe yahay “i” amma “ii” waxa uu isu rogayaa “y.” Dhanka kale, shaqalka hore sidiisii ayuu ahaanayaa, balse mar kastaba waa uu gaabnaanayaa—haddii uu gaabnaa iyo haddii uu dheeraaba.

Waxaa intaas dheer, dhafanayaasha siyaabahaas ku suubsama mar walbaba waxaa loo aqoonsanayaa in ay wataan shaqaldheerayaal.[11] Sababta oo ah, laba shaqal oo gaaggaaban oo isu tagay waxay isku noqon karaan uun shaqaldheere. Mararka qaarkoodna, shaqallada isku darsamaya waxayba noqon karaan laba dhaadheer, amma mid dheer iyo mid gaaban—balse kuwanna isutaggooda dhafanaha ka dhex dhasha waa mid wata shaqaldheere, oo aan wadannin wax intaa ka badan, iyo ka yar toonna.

2.1.2 Shaqaldheeroobid

Waxaa jira shaqallo isasaamayn ka dib iska dhala shaqaldheere. Shaqalladan in ka mid ah iyo waliba shaqaldheerayaasha ay isu rogi karaan waa: ii+uu=uu; e+u=uu; a+i=ii; a+aa=aa; a+oo=oo. Sida  muuqata, shaqalladan isasaamayn ka dib waxaa tirtirmaya shaqalka hore—waxaana jiraya shaqalka dambe (oo haddii uu gaabnaana dheeraanaya). Tusaalayaashan u fiirsada:

  • Gaylame gafkiisuu bataan, gaydhasho la’ayne[12]   [gafkiisii+uu=gafkiisuu]
  • Isagaa horuu gala dabkoo, aan hareer marine[13]   [hore+u=horuu]
  • Nin dar jiidhay miihiye[14]   [ma+ihiye=miihiye]
  • Sawdkaan aqaannaa, Soomaali weeyoo[15]   [Sawdka+aan=sawdkaan]
  • Hadhuub nin sitoo hashiisa irmaan[16]   [sita+oo=sitoo]

Maaddaama oo ay qawsasku inoo muujinayaan sida ay shaqalladu isu saameeyeen, sharraxaad inooga ma baahna tusaalayaashaas kore—kuwaas oo waliba farakutiris ka ah inta tusaalayaal ah ee qodobhoosaadkan isasaamayneed laga ruxruxan karo.

Waxaa tusaale la raacin karo shantaas tusaalayaal ee kore ah meeriska, Calooshaadoon hif oran, ee ku jira saarka “Hooyo” ee uu Carays Ciise tiriyay. Ereyga koobaad ee meeriskan waxaa loo kala dhigdhigi karaa: Calooshaada oo aan → calooshaada oon.[17] Ka dib, a+oon=oon, sidaas ayuuna ereygu ku noqonayaa: Calooshaadoon.

2.1.3 Milicsiga Qodobka Koobaad

Sida ku cad dhugmada 4d ee qoraalkan, ereyga “isasaamayn” waxa uu muujinayaa shaqal amma shibbane isu roga shaqal amma shibbane kale—iyada oo aysan tirada shaqalladu wax dhimaal ah yeelanaynin. Balse annagu ereygan waxaan ku suntannay arrin taas ka yara duwan. Waxa ay arrintani tahay: Shaqallo deris ah ayaa, marka ay isu tagaan, iska dhala dhafane amma shaqaldheere. Taasi markii ay dhacdana, waxaa meesha ka baxaya dhawaaqyo mid amma dhawr ah. Taas ka dibna, meerisku wuu giijismayaa, miisaankiisiina ku qumayaa. Meeris giigsanna waa meeris cuddoon.

2.2 Qodob II: Tuurista Tibxaha

Laba siyood ayaa meeriska looga tuuri karaa dhawaaqyada dheeraadka ah. Ta’ hore waa iyada oo labo erey oo isku-xiga la isku qodbo, ka dibna dhexdooda laga tuuro tibix amma tibxo dhawr ah. Ta kalena waa iyada oo erey soocan laga tuuro tibix amma tibxo.

2.2.1 Iskuqodbidda Ereyada

Tusaalayaashan soo socda waxa ay muujinayaan erey dhafane ah iyo ereyga ka horreeya oo la isku qodbay. Sida muuqata, tibix shaqal ah ayaa ereyga hore ka lumaysa.

  • Qolo waliba kay dooratiyo, quulle daba luuddo[18]   [ka+ay=kay; kii+ay=kay]
  • Iyagays gunaanada intay, qawl is geliyaane[19]   [inta+ay=intay]
  • Jiilaal barraahsaday hadday, bila ku soo oonto[20]   [haddii+ay=hadday]
  • Sahwi laguma rido qoom illay, saxa ka leexdaane[21]   [illaa+ay=illay]

Waxaa jirta marar uusan dhafanuhu tirtiraynin shaqal ka horreeya—dheer amma gaaban toonna. Tusaale ahaan[22], ereyga “inay” ee meeriska, Galladdiinu inay guul u tahay, galiya maankiinna, waxaa isku riixmay, iyadoon shaqalna baabbi’in, labada erey ee kala ah “in” iyo “ay.” Xaaladahan oo kale, kuwaas oo muuqda mar kasta oo maanso la tirinayo amma lagu luuqaynayo, waa in laga digtoon yahay.[23]

Annaga oo wali ku gudo jirna qodobhoosaadka iskuqodbidda labo erey, tusaalayaashan soo socda waxay inoo caddeenayaan sida ay tibixi u baabba’ayso, ka dib markii ay laba erey oo isku xigaa isku darsamaan.

  • Qof Muslina qabyaalad u diloon, ficilyo qawl gaysan[24]   [ficil+iyo=ficilyo]
  • Baaqiyo farriimaha[25]   [Baaqa+iyo=Baaqiyo]
  • Barida waadiga warfiyay[26]   [waa+adiga=waadiga]
  • Dhaaxaan jalaadee dhag baan, jalaq la ii siin dheh[27]   [jalaaday+ee=jalaadee]

Sida qawsaska ku cad, ereyada dugulka ah ee meerisyadan kore waxaa ka lumay tibix amma tibxo. Meeriska ugu dambeeya haddaan dhuganno, dhafanaha “ay” oo ka kooban labo tibxood ayaa qarsoomay, ka dib markii uu xiriiriyaha “ee” ku riixmay ereyga ka horreeya. Waana soo-gaabis hadalkaba muul ka ah. Tusaale ahaan, “Waan baxay ee ha i sugin” baa noqon karta, “Waan baxee ha i sugin.”

Waxaa jirta marar aysan tibix amma tibxo ka qarsoomaynin meeriska haddiiba ay laba erey isku darsamaan. Tusaale ahaan: Hadalku waa murtiyo faallo iyo, wariyo maadayse.[28] Ereyada kala ah “war” iyo “iyo” ayaa isku riixmay, dhexdoodana tibixi kama bixin. Sida ku sheeggan dhugmada 23d ee qoraalkan, labadan erey waa la kala dhigi karaa, balse marka lagu dhawaaqayo waa in loogu dhawaaqaa sida ay haddaba u qoran yihiin. Tanna waxay meeriska siinaysaa cuddooni gaar ah, oo aynaan qoraalkan ku faahfaahin doonin!

2.2.2 Qarinta Tibxaha

Immika waxaan u gudbaynaa faallo kooban oo ku saabsan tuurista tibix amma tibxo laga tuuro erey soocan. Tusaalayaashan u fiirsada:

  • Farsamada gacmuu saw waxaan, laga fursayn maahin[29]   [gacmuhu→gacmuu]
  • Aga! agada maantaas[30]   [maalintaas→maantaas]
  • Ninki dawladnimo loo abdhaa, ayda yuu galiye   [ninkii→ninki; ayuu→yuu]
  • Xaajada nin guunaan ahee, an u garaaddeeyo[31]   [aan→an]

Waxaa in aynu isdultaagno mudan tibixda “h,” taas oo siyaabo kala duwan ereyada ay raacdo looga tuuro—waxaan ka ahayn sidaas kore. Tusaale ahaan, meeriska: Duul haad Amxaaro ah waxaa loo dhigi karaa Duul haad Amxaaraa.[32] Sideedaba, in “h” la qariyo—tix iyo tiraabba—waxay salka ku haysaa faldhaqan afguriyeed.

2.2.3 Milicsiga Qodobka Labaad

Waxaan qodobkan ku soo qaadannay labada siyood ee meeriska looga tuuri karo dhawaaqyada (tibxaha) dheeraadka ah. Marka koobaad waxaan soo aragnay in laba erey oo la isku dhejiyaa ay keeni karto in tibix amma tibxo dhexdooda laga saaro. Marka xigtana waxaan soo aragnay in tibix amma tibxo laga tuuri karo erey. Guud ahaan, tuurista tibxuhu waxa ay meeris maanso ah (xubintuu doono ka ku tirsanaadee) u horseedaan cuddoonaan—waase haddii iyo haddii oo kaliya oo uu u baahdo.

 3 Biirinta Dhawaaqyada Meeriska

Meerisku haddii uu ka gaabiyo miisaankiisa sal ahaaneed, waxaa qasab ah in la soo biiriyo tibix amma tibxo hor leh si meeriskaas loo cuddoonaysiiyo. Waa mare, waxa ay tibixda soo biiraysaa ahaan kartaa shaqal ku tirsan shaqal-dheere kolkii hore gaabnaa. Marka labaadna, tibixda soo biiri kartaa waa shibbane. Tusaale ahaan:

  • Aamiin ma buuraan intay, duco alliifaane[33]   [allifaane → alliifaane]
  • Maskii good ahaa iyo ninkii, loo garqaadahayey[34]   [garqaadaayey → garqaadahayey]

Sida ku cad meeriska kore, shaqal-gaabka “i” waxa uu ku hagaagay bar uu shaqal-dheere leeyahay (kaas oo uu shaqal-dheere kale ka dambeeyo). Sidaas daraaddeed, waxaa qasab noqotay in i-da la kala jiido, lana dheereeyo. Meeriska xiga tibixda “h” waxay kala badhay shaqal-dheeraha saddexaad ee hooriska (inta hakatka ka dambaysa ee) meeriskaas. Ma jiro hooris ku tirsan meeris gabay ah oo saddex shaqal-dheere wadan kara; mar walba waa inuu wataa labo shaqal-dheere.

Labadaas tusaalayow ee kore waxay caddeenayaan in tibix amma tibxo lagu biirin karo meeriska, si loo cuddoonaysiiyo. Immikana, aan u gudubno foolalka cuddoonida.

Foolalka Cuddoonida

Meeris cuddooni waa meeris aan laxni wadan. Sidii aan in badan soo xusnay, waxaa kala jira meeris farcan ah iyo mid sal ah. Ka hore waxa uu ka dambe dheer yahay waa hal alan oo wata shaqal gaaban, waa sida ku cad aragtida Miisaanka Maansada ee Abwaan Gaarriye. Bsr. Carraale waxa uu qabaa inuusan alankani goonnidiis u taagnayn, balse uu ku tirsan yahay shaqal-dheere isku riixay bar uu shaqal gaabani xaq u leeyahay.[35] Tusaale ahaan:

  • Lafii Daabbad qaarkood[36]   [barta shaqalka “ii” uu degay waxaa leh shaqal-gaab]

Markaas, si loo saleeyo meeriskaas waxaa la gaabin karaa shaqal-dheeraha “ii.” Tan waxa uu baruhu ku magcaabay, “Faaltuug.” Waxayna meeriska u horseedi kartaa cuddooni hor leh, maaddaama oo uu iska baddalayo farcannimo, saloobayana.

Marka, iyada oo farcan looga guurayo sal waxaa laga taransan karaa cuddooni. Kaasi waa foolka labaad ee cuddoonida. Waxaa fool kale oo cuddoonidu leedahay ah in meeris laxni leh looga guuro farcan. Tan aan ku tusaalayno isla meeriskaas kore:

  • Lafihii Daabbad qaarkood → Lafihi Daabbad qaarkood → Lafii Daabbad qaarkood

Qodobkeen adeegsannay si aan meeriskaas laxniga wata u farcamayno? Ma sii se salayn karnaa? Waxaan adeegsannay qodobkii ku saabsanaa tuurista tibix soocan (marka hore “i,” haddana “h”) oo laga tuuro meeriska. Tan kalena, haa oo meeriskaas u midigeeya ee farcanka ah (ka dhexena waa farcan uun e) waxaa loo sii salayn karaa: Lafi Daabbad qaarkood. Faaltuug ayaa lagu qariyay tibix kale (taas oo ah “i”). Hasayeeshee, in farcannimadiisa lagu daayo ayaa qumman halkii la salayn lahaa—inkasta oo salku ka cuddoon yahay farcanka.

Immikana aan eegno cuddoonida foolka koobaad, taas oo ku sal leh nudaha kala geddisnaantooda.

4.1 Kala Cuddoonaanta Nudaha

Xubin kasta oo maanso ihi waxay sii kala leedahay nudo, kuwaas oo ku kala geddisan tirada alamooda wata shaqal-dheerayaasha. Nudahani way kala cuddoon yihiin, oo nudiba nudda ay ka shaqal-dheere badan tahay ayay ka cuddoon tahay. Waxaan tusaale ahaan u soo qaadanaynaa nudaha meeris-saleedka Jiiftada iyo Gabayga.

4.1.1 Jiiftada

Meeris-saleedka jiiftadu waxa uu yeeshaa shan nudood. Nudda koobaad waxaa meeriska ku hilan 4 shaqal-dheere. Nudda labaadna 3 shaqal-dheere. Sidaas ayay tirada shaqallada dhaadheeri isu dhimayaan, illaa laga gaadho nudda 5d oo iyadu ka arradan shaqal-dheere.

Annagoo adeegsanayna hannaanka uu Bsr. Carraale u soo bandhigo nudaha, isla markaasna tusaalaysanayna meerisyo ku jira jiiftada, “Dadka waw gu’ weyn nahay,” ee Abwaan Yamyam, aan hoosta kaga faalloonno nudaha meeris-saleedka jiiftada:

  • (5,4) Duu/faan ka guur/kii                          nudda 1d
  • (6,3) Nuux i/yo ga/daa/shii                        nudda 2d
  • (7,2) Mee/shuu ku ka/la go’/ay                  nudda 3d
  • (8,1) Bad/di jii/dhay ge/bi/ya/da                nudda 4d
  • (9,0) Dha/qam/ma/da is ge/li ka/ra           nudda 5d

Sida jirta alamada wata shaqal-dheerayaasha goonni ayaan u tirinaynaa, oo u soocaynaa, isla markaasna tirada guud ee alamada meeriskana goonni ayaan u tirinaynaa. Marka, nudda 1d waa shan-afarre (shan alan oo afar kuwaas ka mid ihi wataan shaqal-dheerayaal). Kuwa kalena waxaan ku magcaabi karnaa: Lix-saddexle, toddobo-labaale, iwm.

Haddaba, sidee ayay nudaha meeris-saleedka jiiftadu u kala cuddoonaan karaan? Aan tusaalayaal ka soo miiqno jiiftada, “Daalalley”:

  • (7,2) Ha is daashatee lali → Hays daashatee lali (6,3)
  • (8,1) Dirka maradu leedahay → Dirka maradu leeday (7,2)

Meeriska kore waxaa lagu sii cuddoonaysiisay in “a” iyo “i” la isa-saamaysiiyay. Ka xigana “ha” ayaa la qariyay. Labada meerisba waxay qaateen shaqal-dheere; marka lagu luuqaynayana waxaa cuddoonida lagu suntan amma dareemi karaa hadba sida ay u kala badsadaan tirada shaqallada dhaadheer.

Sidoo kale, waxaa arrintan kore ku dhaboobaya meerisyada aynu dusha ku soo qaadannay ee kala ah:

  • (8,1) Nin dar jiidhay ma ihiye → Nin dar jiidhay miihiye (7,2)
  • (6,3) Sawdka an aqaannaa → Sawdkaan aqaannaa (5,4)

Taas waxaan ku dhugunnay sida ay nudaha meeris-saleedka jiiftadu u kala cuddoon yihiin. Eeggana, waa inoo nudaha meeris-saleedka gabayga.

4.1.2 Gabayga

Meeriska gabaygu wuxuu u kala qaarmaa hojis iyo hooris; kala qaarnidu waa mid dhab ah, oo hojiska iyo hoorisku ma wadaagaan waxaan macno ka ahayn (nacam ma jiro erey labada dhinacba ku tirsami kara, oo kala dhex gali kara; hakasho ayaa u dhaxaysa).[37] Hojisku lix nudood ayuu ka kooban yahay, hooriskuna mid. Waxay lixda nudoodi kala yihiin[38]:

  • (7,5)   Guushuu inoo yeelay baan-                          nudda 1d
  • (8,4)   Waataan Galbeedkaas u diray-                    nudda 2d
  • (9,3)   Madfac gaw yidhaahdiyo rasaas-                 nudda 3d
  • (10,2) Onkod guguguclayn iyo hillaac-                    nudda 4d
  • (11,1) Gobo’ kale na waa aniga iyo-                        nudda 5d
  • (12,0) Gallad nin an ka qabo laguma oga-              nudda 6d

Xarriijinta hojis walba daba-taalla waxay muujinaysaa in uu hooris maqan yahay! Hooriska nudda qudha ee uu ahaado waa (hooriskani waxa uu ku xidhmayaa hojiska kuwaas sare ugu korreeya):

  • (8,2) -idin garwaaqsiine

Immika xarriijinta hooriska hor-taalla waxay muujinaysaa in uu hojis ka maqan yahay! Maaddaama oo uu hoorisku yahay hal nudle, wax saamayn ah kuma laha cuddoonida u dhaxaysa nudaha hojiska gabayga, iyo waliba farcannimada amma salnimada meeriska. Aan u kuur galno tusaalaynta sida ay nudaha hojiska saleed ee gabaygu u kala cuddoonaan karaan:

  • (9,3)   Goortuu dirkiisa u cabsaday- → (8,4) Goortuu dirkiisaw cabsaday-[39]
  • (10,2) Sida roob kaliil hore da’ayo– → (9,3) Sida roob kaliil hore da’oo-[40]

Kolkaas waa inoo walalac sida ay hojisyada gabaygu u kala cuddoon yihiin. Haddii aysan taasi kuu wada caddayn, ku celceli hojiska u dambeeya! Ma marka uu toban-labaalaha yahay ayuu kula cuddoon yahay, mise marka kale? Haddii aad ta’ hore ku adkaysatay, bal dhugo xogtan hoose.

5 Duxda cuddoonaanta

Sidaan ku soo sheegnay gabagabadii maqaalka, “Miisaamista Daguugaan,” cuddoonayntu waa daryeelista cagta amma qaabdhismeedka amma habdhaca amma shubaasha ay xubin maanso ihi leedahay. Waxan intaas raacinaynaa in cagtaasi ay tahay mid sal ah. Haddaba, si’aan u helno cagta (amma miisaanka) ay xubin maanso ihi ku fadhido, waa in meerisyada tusaalayaasha ah ee aynu cagtaas u haysanno ay in ka mid ihi cuddoon yihiin, garanna karnaa dareen ahaan. Kuwaas cuddoon ayaan ka dhirindhirinaynaa qaabka ay cagtu yeelanayso. Tusaale ahaan:

  • Hadhuub nin sitoo hashiisa irmaan

Meeriskan heellada ah ee kore waxaan siinaynaa, si qabyo leh oo ka turjumaysa uun qaabkiisa, cag ah: V W V V W V W V V W. Waa inaan isweydiinnaa: Guntimaha (V) isku xig-xiga ee cagtaas miyaynan xag (W) isku noqon karin? Waxaan dib u raadinaynaa tusaalayaal kale oo heello ah, oo inoo caddayn kara in guntimahanu xagoobayaan iyo in kale. Balse taas waxaa ka horraysa, isweydiin ah: Tusaalahan koobaad ee aan haysanno ma cuddoon yahay? Haa, sida aan dushaba ku soo muujinnay. Cuddoonidan se waa mid aan dareemi karno, waayo meerisku ma cuddoona haddaan sidan u dhigi lahayn, inkasta oo qoraal ahaan iska saxsan yahay: *Hadhuub nin sita oo hashiisa irmaan!

Marka in cuddoonida la dareemaa waa kaalinta koobaad ee cag lagu qaabayn karo. Si kale haddaan u dhigo, waxaa cagta qaabayn kara qof dhaadan cuddoonida meerisyada uu tirinayo/qorayo! Balse marar baa jirta uu qof waliba qaabayn karo cagta xubin uu xitaa hal tusaale ah u haysto. Isweydiintuna waa: Tusaalahani ma yahay ka ugu cuddoon ee xubintaas? Warcelintu waa: Haa! Waana tusaalaha uu meeris-saleedka xubintaasi ka unkamo; waa meeris wata gebi shaqalladiisa dhaadheer ee uu wadan karo. Tusaale ahaan, jiiftada meeriskeeda kan ka dhigani waa keeda shan-afarraha ah (tusaale: Duufaan ka guurkii). Deed meeris walba oo sal ah oo jiifto ihi waxa uu soo hoos gelayaa cagta, W W V W W, taas oo la qaabeeyay iyada oo loo cuskanayo meeriska shan-afarraha ah. Cagtan iyo tusaalaha nudda 1d ee jiiftadu waa isku saansaan.

6 Gabagabo

Waxaan isla soo dhugannay in cagta xubin maanso ah qaabaynteeda aysan ka maarmin haysashada tusaalayaal cuddoon. Maaddaama oo ay tusaalayaashani kala cuddoonaan karaanna, waxaan soo dhugannay in kolba tusaalaha ugu cuddoon uu si dhib yari leh ula saansaan noqon karo cagta la qaabaynayo. Immiki, ma dhammays tiri kartaa qaabaynta cagta heellada? Tusaalayaal u soo guro!

Digniin waxay tahay, in qodobadda aan “Cuddoonida Meeriska” kaga faalloonnay ee maqaalkan aysan mar walba dabbaqmin. Tusaale ahaan, meeriska: Tinta guudka iyo timaha waa, loo dufminayaaye—in “h”-da la qariyo waa mamnuuc (laxni baa koraya hojiska). Sidoo kale, meeriska: Danba uma lahayn gabaye waa, la iga daynayne—in labadan shaqal loo rogo dhafanaha “ay” waa mamnuuc (laxni baa koraya hooriska)! Digniintani ha innooga fillaato garashada in cuddoonidu khusayso oo qudha daryeelista cagta—taasna macnaheedu tahay, qodobada cuddoonaynta ee aan ka soo faalloonnay looma adeegsan karo waxaan cuddoonayn ahayn.


[1] Idiris M. Cali. “Miisaamista Daguugaan.”

[2] Aamina Xaaji Aadan waxay “Heesta-cawska” ku dhejisay magaca “Hoyal”—eeg waraaqda “Women and Words.” Waana ta ah: Cawskanow sabool diidow, hoyal! Maansadaas “Soomaaliyeey Toos” waxay ku xubnantahay hoyal.

[3] Eeg dhugmada 8d (bog 87) ee waraaqda, “Music and Metre in Somali Poetry”—taas oo ay wada qoreen aqoonyahannada, Giorgio Banti iyo Francesco Giannattasio.

[4] Ereyga “Isasaamayn” waxaan ka soo irgistay buugga Barashada Naxwaha Af Soomaaliga ee ay wada qoreen Cabdalla Cumar Mansuur iyo Annarita Puglieli; waxayna ereygan ku qeexeen: “Habdhac ay isu saameeyaan labo dhawaaq oo isku xigsada amma isu dhowaada: -Shaqalladu ha isu dhowaadaan amma ha yara kala fogaadaan, way isasaameeyaan. Dhawaaqooda ayaa is jiita oo isu ekaada (tus. Xero+ta → xerada). [U fiirso, shaqalka “o” waxaa saameeyay shaqalka “a”; waana sababta uu “a” isugu rogay.] -Shibbanayaasha qaarkood iyaguna marka ay isku xigsadaan way isasaameeyaan (tus. Buug+ka → buugga).” Annagu si macnahaas qeexan ka yara duwan ayaan u adeegsanaynaa ereyga “Isasaamayn,” taas oo ah: Shaqallo isku dhegay baa waxay curinayaan shaqal-dheere amma dhafane.

[5]  Cabdillaahi Diiriye Guuleed (Carraale). Gorfaynta Gabayga. “Habka 3d.” Bogga 23d.

[6] Meeriskaasi waxa uu ku jiraa gabay ku bilaabma, “Warka badaha la keenayay, beeshu ii warisay” oo uu tiriyay Sayid Maxamad Cabdille Xasan—Aw Jaamac Cumar Ciise, Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamad Cabdille Xasan, bog 65, daabacaadda labaad. Waxa uu meeriskaasi u qoran yahay sidan: Burco Laaran buu tegi ninkaad, beri u yeedhaaye. U fiirso, “buu” iyo “buw” waxay meeriska kala siinayaan laba macne oo kala duwan. Qofku, ma Burco oo uu joogo Laaran ayuu tagayaa, mise Laaran oo Burco jooga ayuu u tagayaa? Aniga waxay ila tahay in ay ta’ dambe qumman tahay: Sababta oo ah, qofku Burco tagiddeeda laguma durin, ee waxa uu qofkan Sayidku ku durayaa inuu Xarunta ka tagay, oo uuna duufsaday Laaran oo Burco jooga. [FG: Tani waxay noqon kartaa arrin xaqiiqo ah ammaba arrin buunbuunin ah, oo deexasho ah.] Tuducda uu meeriskaasi ku jiro arrintan ha inoo sii ifiso: Baabkii Illaahiyo sharciga, laga baxaayowye/Burco Laaran buw tagi ninkaad, beri u yeedhaaye/Nin waliba sidii baadi geel, naga banjoogawye. Sidaa oo ay tahay, haddana sida uu meerisku buugga ugu xardhan yahay, oo ah sida abwaanka qoray iyo odayaduu ka qoray u dhaheen, ayaa lagu qaadan karaa.

[7] Meeriskaas iyo ka kale ee ah, “Ninki dawladnimo loo abdhaa, ayda yuu galiye,” waxa ay ku jiraan gabay la yiraahdo “Hooyo,” kaas oo uu tiriyay Xaaji Maxamed Axmed Liibaan (Axyaawaddani). Ka eeg boggalshaha www.axyaawadanii.blogspot.com.

[8] Meeriskaasi waxa uu ku jiraa geeraar uu tiriyay Cabdullaahi Suldaan Maxamed (Timacadde). Halkan ka raadraac.

[9] Meeriskaasi waxa uu ku dhex jiraa tuducda ugu horraysa ee gabayga, “Difaac Qaran.” Waxaa gabaygan tiriyay Maxamed Cali Kaariye. Halkan ka raadraac.

[10] Meeriskaas waxa uu ku jiraa gabay la yiraado, “Kontonguuro,” oo uu tiriyay buunni Saalax Xaashi Carab. Halkan ka raadraac.

[11] Beenninta weedhan waa suurtaggal. Waana tii aan hore u nidhi in dhafanuhu gaabni iyo dheeri ka uu yahay ay ku xiran tahay barta uu meeriska kaga jiro (Miisaamista Daguugaan). Tusaale ahaan, Aadan Carab baa meerisay: Masar iyo Khartuumna u ma tegin, manaw masaafoonne. Dhafanaha raacsan ereyga “manaw” waxa uu ku yimid, a+u=aw, barta uu meeriska kaga jiro aawadeed dhafanahani ma dheera, ee waa uu gaaban yahay.

[12] Gabayga “Galaalxoor” ee C. M. Axmed Dhoodaan ayaa ku bilowda meeriskaas. Halkan ka raadraac.

[13] Meeriskaasu gabay uu tiriyay C/qaadir Cabdi (Shube) ayuu ku jiraa. Halkan ka raadraac.

[14] Jiiftada “Dulmanaha la Quudhsaday” ee Yuusuf (Shaacir) ayaa meeriskaas loogu tagayaa. Halkan ka raadraac.

[15] Masafada “Soomaali baan Ahay” ee Jaamac Kediye ayaa meeriskaas loogu tagayaa. Halkan eeg.

[16] Heellada “Hadmay isu Hiilin Doonaan” ee Yuusuf Xaaji-Aadan ayaa meeriskaas laga helayaa. Eeg halkan.

[17] U fiirso, kala dhigdhigista ereygaas waxaan ku haysannaa qaaciido ah: oo+aan≠aan. Tani waa xaalad afka si kale ugu xididan, oo uusan qaban karin xeerhoosaadka gundhiggiisu yahay: Isasaamaynta shaqallada ka dib waxaa tirtirma shaqalka hore. Taasi se waa xaalad goonni ah, oo waaban aragnaa markii aan gaadhnay qaaciidada xigta—ee ah: a+oon=oon—in xeerhoosaadku si wanaagsan u shaqeeyay. Si kastaba ha ahaatee, xaaladaha sidan oo kale ah waa in loo digtoon yahay.

[18] Meeriskaasu waxa uu ku jiraa gabayga “Quful” ee Kayd Maxamed Cabdalla. Eeg halkan.

[19] Meeriskaasu waxa uu ku jiraa gabayga “Galangal” ee abwaan Hadraawi. Eeg halkan.

[20] [Meeriskaasu waxa uu ku jiraa gabayga “Boga-Daawad” ee Sayid Maxamed. Eeg Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamad Cabdille Xasan, bog 76, daabacaadda labaad.

[21] Meeriskaas waxa uu ku jiraa gabay uu tiriyay  ka raadraac Haybe Axmed Yuusuf. Eeg halkan.

[22] Waa meeris ku jira isla gabayga “Galangal” ee abwaan Hadraawi.

[23] Qoraal ahaan “in” iyo “ay” waa la kala dhigi karaa, balse dhihis ahaan waa in la israaciyaa. Sidaas ayaa qurux badan—cuddoon.

[24] Meeriskaas waxa uu ku jiraa gabay uu tiriyay wadaad Abshir Nuur Faarax (Bacadle). Halkan ka raadraac.

[25] Waa meeris ku jira jiiftada “Warka Bari” ee uu tiriyay Ciise Kaamil. Halkan ka raadraac.

[26] Waa meeris ku jira saarka “Wan iyo Waraabe” ee Carays Ciise Kaarshe. Halkan ka raadraac.

[27] Waa meeris ku jira gabayga “Koofil” ee Sayid Maxamad Cabdille Xasan. Halkan ka raadraac.

[28] Waa meeris ku jira gabayga “Mawaashi” ee Xaaji-Aadan Axmed Afqallooc. Halkan ka raadraac.

[29] [29] Waa meeris ku jira guurowga “Farshaxan” ee Maxamed Gacal Xaayow. Halkan ka raadraac.

[30] Waa meeris ku jira jiiftada “Af-ku-Siran” ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Halkan ka raadraac.

[31] Waa meeris ku jira gabayga “Gudban” ee Sayid Maxamed. Eeg Diiwaanka.

[32] Eeg bogga 87 ee waraaqda “Music and Metre in Somali Poetry.”

[33] Sayid Maxamed. Caligeri.

[34] Dhoodaan. Garnaqsi.

[35] Idiris M. Cali. “Tiraynta Maansada.” Bogga 6d, iyo dhugmada 12d. Halkan ka eeg.

[36] Meeriskaas iyo ka ah “Doonnidii la laran jiray” waxay ku jiraan jiiftada, “Dibedyaal” ee Hadraawi.

[37] Waxaa waliba jira meeris gabay ah oo ay hojiskiisa iyo hooriskiisu dhanka macnaha xitaa isku xiriirsamin. Tusaale ahaan, Sayid Maxamed baa yiri: Rabbaa deeq leh roob baa qabow, raaxo nabad baa leh. Hoorisku iskiis ayuu u madax bannaan yahay, hojiskuna sidoo kale. Kolka, hojiska waxaa lagu daba qaban karaa hooriskii la doono oo madax bannaan. Tusaale ahaan: Rabbaa deeq leh roob baa qabow, raalli anigaa ah!

[38] Faahfaahin dheeraad ah ka bogo, “Dhugmo: Dhismaha Meeris-Gabayga.” Tusaalayaashu waxay ku jiraan gabayga “Gudban.”

[39] Waa hojis hooriskiisu yahay, –dacarna loo qooshay, kuna jira tixda “Danab” ee Cali Xuseen Xirsi.

[40] Waa hojis ku jira tixda “Sida geel dar loo xidhay,” ee Timacadde. Meerisyada labada ah ee gabagabadana waxay ku tirsan yihiin gabaygan.

Xig: Dhaqanbile (1,2)

Advertisements

Ka faallood

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: