Dhayalsi kale

Hadda ka hor waxaan ku digay, “Mar na ba is ma siin kartid aragti…uu qof kale ku saxiixanyahay”[1]; waxa aanan u digay qofka isagu, xaqsiin la’aan, qoraal amma hadaal[2] uu leeyahay ku googgoosta xogo uusan isku habaysan, amma uusan curinnin, balse uu soo irgistay. Kala shareerista aragtiyaha iyo curiyahooda, oo kama’ loo kala shareero, waxay ka dhigan tahay “dhayalsi” la dhayalsanayo curiyahaas. Bal aynu faydno tusaalaha maanta ee dhayalsigan.

Bal hadda dhugo: Xogjeedshe innagu qulaamaya meerisyo ka mid ah tixda Dixdhagaxeed maxaa ku jaban haddii uu xuso in gabaygaasi uu tiriyay Timacadde? Dhan marka laga eego, waxa uu xogjeedshahani isku beeri karaa dareen ah, “Ba’aa, ma Timacaddiyo Dixdhagaxeed ayay dhagaystayaashaydani isla waayayaan?” ka dibna waaba uu ka gaabsan karaa xusidda magaca Timacadde, isaga oo ku gaabsan kara, “Waa tuu geeraarshihii yiri…” Dhanka kale se, aayar ayuu xogjeedshahani ugu nuuxnuusan karaa magaca Timacadde; warcelinta weydiinteennaasuna waa, “Waxba ku ma jabna.”

Aheey aqoondarro! Labadan daw midkoodna ma uusan qaadin walaalkay Mahdi Cumar Ismaaciil (Mr. Midgaan) markuu taxanihiisa Maansooley (siiba qaybta koobaad) ku nashnaashayay xogo uu Axmed Faarax Cali (Idaajaa) waayo aan sii fogayn shaaciyay. Haddana waxaa meesha taallay, “Nin ambaday halkuu aaday way, ula ekoonayde”—oo la wariyay inuu yiri Axmed-Dirir Nuur Aadan (Doollo.com)—kaas oo ah meeris, laga yaabee, in aynu u garaabno Mahdi innagu dirqin lahaa haddii iyo haddii oo kaliya oo uu qiran lahaa inuu ka ambaday dawyada loo maro “ilaalinta aragtiyaha qofafka kale.”[3]

Qeexis ahaan, aragti waa: “Sida arrin cid ugu muuqato” (Qaamuuska Af-Soomaaliga, 30). Qofka raba inuu hadalkiisa u dhigo sida uu qof kale horey ugu dhigay waxa uu ku qasban yahay in uu xuso, ugu yaraan magaca, qofkaas horey sidaas hadalkaas u yiri. Tan waxaa la yiraahdaa, “Wax-xigasho.” Ma jiro qof ka maarmi kara wax-xigasho haddii uu  ka maarmi waayo adeegsashada aragti uusan iskiis maskaxdiisa uga curinnin. Mana jiro waxbaare aan wax-xigannin; waayo, waxbaaruhu intaa waxa uu kala rogrogayaa aragtiyaha ay cid kale curisay.

Mahdi waxaa loo aqoonsan karaa inuu yahay waxbaare, ammaba inuu isku dayay waxbaaris, maaddaama oo uu arrimo dhaqan-sooyiileed kaga warramayo taxanihiisa Maansooley. Mahdi ugu ma horreeyo, ugu mana dambeeyo, waxbaarayaasha mawduucan uu soo saaro horey wax uga qortay/tiri. Weydiini kama oogna inuu Mahdi xaq buuxa u leeyahay soosaarista mawduucan iyo in kale. Hasayeeshee, waxaa Mahdi xaq buuxa loogu leeyahay inuusan garab marin wax-xigashada uu ku qasban yahay, ka waxbaare ahaan. Ayaandarro, xaqaas Mahdi ciddii ku lahayd duudsii.[4]

Maddaama oo xaqaasi ahaa mid aan duugmaynin si kasta oo ciddii lahayd loo duudsiiyo waxaa Mahdi la gudboonayd inuu ku afgobaadsado, sidii Axmed-Dirir, “Anigoo arkaayaan waddadi, Eerigoo maraye.” Ayaandarro, afgobaadsi ha joogee waxa uu Mahdi is biday inuu yahay qof lagu gardarrooday. Arrintii maankahadalka ku salaysnayd ayaa debeed isu rogtay laabkahadal. Arrintii joogtay “ilaalinta aragtiyaha qofafka kale” ayaa gaadhay: Ma xeer baa jira ii diidaya inaan dadkayga la wadaago suugaantooda?!

Iyada oo aysan suugaantu ahayn mid sida miraha geedaha qof kastaaba u arahdoonan karo, haddana waxbaaraha isku hawla qadhaabsiga suugaanta ma jiro xeer kaga gudboon hawshiisaas. Wali cid runtaas beenisay, oo Mahdi u diidday xaqiisa suugaanwarineed, lama hayo.[5] Sidaas daraaddeed, andacada Mahdi waa qiiq-isku-qarin. Waayo, Mahdi waxaa xanuujiyay inuu ismoodsiiyay in lagu yiri wax baad bililiqaysatay (faahfaahinta ka eeg dhugmada 4d). Taas isaga oo ka cararaya ayaa waxa uu Mahdi isku qaaday darbi adag.[6]

Mahdi waa inuu ka garaabaa in waxa lagu haysto uu salka ku hayo booliquutanimo aragtiyeed oo uu fuliyay. Mahdi inta uusan taas ku dhaqaaqin lama baajin karo in taageerayaashiisa ku garab galsan falkaas foolxumada leh ay Youtube ka soo muuqdaan. Sartu meesha ay ka qudhuntay waa la ogyahay ee yaan la iska indhasaabin. Gabagabadii, in aan maqaalkan qoro waxaa igu kallifay hadaalka guddoomiyaha Ururka Sinnaandoonka Soomaaliyeed, Cali Yabarag Warsame (Youtube). Runta uu guddoomiyuhu taxayo—ee ah in haybsoocu daacuun yahay—kuma lug laha arrinta Mahdi lagu maxkamadaynayo. Qiiqa uu Mahdi isku gadaamay ayuun bay tani sii hurinaysaa.


[1] Idiris M. Cali. “Booliquutanimada Aragtiyaha: Ma Dhayalsi baa, mise waa Dhagris?” WardheerNews.com. 5 September 2012. Dhugmo: Dhammaan weedhaha ku dhex jira kolmooyinka, isla markaasna madoobaysan, waxay la xiriiraan maqaalka, “Booliquutanimada Aragtiyaha: Ma Dhayalsi baa, mise waa Dhagris?”
[2] Hadaal: xogjeedin; khudbo. Ereyga “hadal” oo aan shaqalka labaad dheereeyay, lana qaafiyad ah ereyga “qoraal,” ayaa noqday “hadaal.” Tusaale waxa uu yahay: Runtii madaxweynaha hadaalkiisu i la ma toolmoonayn. Qofka gudanaya xilka hadaaleed, dheddig iyo labood ba, waa “hadaalli.” Sidaas oo ay tahay, haddana waan soo dhawaynayaa dhalliil, siiba hadday dhalliishani habdhiska “Macnaha” iyo ka “Naxwaha” ku kala/wada ugnan tahay.
[3] Inuu Mahdi ku kacay fal booliquutanimo aragtiyeed way caddahay. Mahdi waxa uu si aan gabbosho lahayn u adeegsanayaa ereyada Axmed Faarax Cali (Idaajaa); misana ma uu sheegayo ereyadan inuu abwaan Idaajaa horey u yiri. Sidii Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) oo kale Mahdi xogo uusan curin ku ma uu buuxsan baalasha buug uu qoray, balse waa isla halkii oo Mahdi waxa uu xogo uusan curin ku buuxsaday hadaal uu maansooleyda kaga warramayo. Kolka ay joogto waxbaarista, xogaha ay labaduba adeegsadeen in ay adeegsadaan ma jiro xeer diidaya, balse waxay ku gawracan yihiin in ay si habboon u xusaan cidda leh xogahaas iyo goobaha ay xogahaas ka soo heleen. Ayaandarro, labaduba way garab mareen dawgaas.
[4] Sida jirta, waxaan laga maarmi karin in la shaaciyo raadraacyada, intaan ka gaari karno, falka booliquutanimo ee mawduuca qoraalkan. 1) Taxanihiisa Maansooley hordhaciisa (Youtube), siiba marka uu ka hadlayo abla-ablaynta suugaanta/afka, waxa uu Mahdi wax-xigasho la’aan adeegsanayaa aragtiyo uu Aw Jaamac Cumar Ciise ku qoray buugaagtiisa qaarkood, siiba buugga Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamad Cabdille Xasan. Guud ahaan, raacraaca hordhacaas waxaa loogu tegayaa buuggaas. 2) Qaybta koobaad (Youtube) ee taxanihiisa Maansooley aragtiyaha ugu badan ee uu wax-xigasho la’aan adeegsanayo waxaa loogu tegayaa barmaamijka VOA-Soomaali ee “Dhaqanka iyo Hiddaha” ee Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Kobgalshaha Hoyaalay ayaa ku dedaalay muujinta in yar oo ka mid ah raadraacyadan (Youtube). Intaas wixii ka dambeeya, qof walba oo la socday barmaamijka “Hiddaha iyo Dhaqanka,” heli karana buugaagta Aw Jaamac Cumar Ciise, ka ma qarsoona raadraacyada ay leeyihiin aragtiyaha uu Mahdi ku naaxiyay taxanihiisa Maansooley. Dhabtii, Mahdi iskuma hawlin inuu ereyadiisa ku dabbaqo aragtiyaha uu labadaas abwaan ka korarsaday—ee ereyadoodii ayuu sidooda u adeegsaday. Tanna waxaan ku tilmaami karnaa “naaxin.”
[5] Ma jiro qof aan waxba galabsan oo ay maangaabyadu iska sannifi karin, siiba haddii qofkani muujisto xeeladaha Eebbe ku galladay, sida: codkarnimada, geesinnimada, aqoonyahannimada, iwm. Si uun looma waayo maangaab si sixir leh aqoonyahanka wax xun uga sheega, amma magaca uga saxarooda intuu maqaalla-qoris isku hawlo. Intuu xeeledle dunida ku nool yahay xaasid ma waayo. Tani Mahdi ma aysan qabsan, ee waxay qabsatay Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Aniga qudhaydu waan yeeshay cadow suugaanjeedintayda awgeed (Heeshi). Mahdina inuu cadow yeelan doono shaki kuma jiro, maaddaama oo uu faraha la galay kaalin uu leeyahay aqoonyahanku. Balse, dadka ku toosinaya inuu iska dhawro booliquutanimada aragtiyaha in uu Mahdi u arki karo cadowgiisa waa ayaandarro. Waxaa dhabtii u cadow ah Mahdi dadka ku garab galsan inuu booliquutanimo aragtiyeed tiimbado—ha u gogleen madal, amma ha u sacabbo tumeen e.
[6] Waxaa cad inuusan Mahdi kas u yeelin inuu booliquuto xogahaas aan ka soo faalloonay; waxa uu Mahdi xushmad weyn u hayaa dhammaan curiyayaasha uu xogahooda adeegsaday—oo ma adeegsan lahayn xogahoodaas hadduusan xushmad weyn u haynin. Hasayeeshee, xusid li’ida curiyayaashaas waxay Mahdi u wacday in loo arko, siduu ismoodsiiyay, nin bililiqaystay xogo uusan curin (Hoyaalay). Isaga oo taas ka baxso is leh ayuu taagay gidaar kala qoqobay dadkii ay ahayd in ay isku gebi ka taagnaadaan “ilaalinta aragtiyaha qofafka kale.” Dadka qaar baa ku garab istaagay Mahdi booliquutanimo aragtiyeed. Dadka qaarna way kaga soo horjeesteen. Haddii uu Mahdi sii wado xusid li’ida magacyada curiyayaasha xogaha uu adeegsanayo, amma uu raadraac u yeeli waayo qaybaha soo socda ee taxanaha Maansooley iyo kuwii hore ba, waxaan laga fursan karin inuu gidaarkaasi sii dheeraado, ka dibna iskii u soo dumo!
Advertisements

Ka faallood

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: