Xubnaha godka toddobaad

Xubnaha maansadu way fara badan yihiin. Illaa iyo immika xubnaha aynu meerisyadooda tusaale ahaanta u soo qaadannay waxaa ka mid ah: Gabay (guurow), jiifto (batar), heello, saar (baarcadde), haan, heesta-cawska (hoyal),  iyo hees iyadu ku meerisan, “Maroodi Cadhoole.”[1] Tiro ahaan xubnahani waa toddoba. Tirada godadka ay kala degayaani na waa lix, ee ma’aha toddoba. Sidaas awgeed, laba xubnood oo toddobadaas ka mid ahi isku hal god ayay wada degayaan. Si aynu tan u garwaaqsanno, aynu ka faalloonno waxa uu “god”-ku yahay. Debadeed waxaynu u siiban doonnaa dulucda maqaalkan—dulucdaas oo ah soo bandhigista xubnaha godka toddobaad ee maansada.

Maaddaama oo ay xubin kastaaba leedahay cagteeda u gaarka ah, godka ay xubini degayso waxaa lagu calaamadsanayaa tirada wadar ahaaneed ee alamada cagta meeris-saleedka xubintaas. Aragtidani waxa ay u muuqataa in ay xoojinayso in marka hore ba la og yahay cagta xubinta godkeeda la baadhayo, balse dulucdu waa in la tiriyo tirada alamada ee meeriska saleed ee xubintaas iyada ah—lana og yahay in alanka dheer labo ahaan loo qaadanayo, ka gaabanna mid ahaan, wadarta alamadanu na waxay muujinaysaa godka ay xubintaasu degayso.

Meeris-saleedka gabayga amma guurawgu waxa uu leeyahay cag[2] ah: W W V W W V W, W V W W V, taas oo ka kooban siddeed xagood (W) iyo afar guntimood (V). Tirada wadar ahaaneed ee alamada meeris-saleedka gabaygu waa 20, taas oo aynu ku helnay labalaabista tirada xagaha oo loo geeyay tirada guntimaha. Haddaba, xubinta gabaygu waxay degaysaa godka labaatanaad. Dhanka kale, xubinta jiiftadu waxay degaysaa godka sagaalaad; waayo, cagta meeris-saleedkeedu waa: W W V W W. Labadan xubnood ba haddii godayntoodu uu mad-madow kaaga jiro, labadan meeris alamada ku kala jira tiri: 1) Ba/ri i/yo Gal/beed xaa/jo waa, mid u ga/waan raa/ce, iyo 2) Maag i/yo is/mood/siis.[3] Saw tiradu marna labaatan, marna sagaal kuuma soo bixin?

Waxaa godka afariyo-tobnaad degta xubinta heellada, taas oo cagteedu tahay: V W W W V W W (W). Xagtan u dambaysa ee bilaha ku dhex jirta marmarka qaarkood way qarsoontaa, marmarka qaarkoodna waxaa lagu buuxiyaa dhawaaqa, “eey” amma “yee.” Marmarka ay xagtaasu qarsoonto waxaa lagu doodi karaa in ay xubinta heelladu degayso godka labiyo-tobnaad, iyadoo tusaalahan loo cuskanayo: ha maa/lin la lee/ya/haan a/hay—tirada alamada wadar ahaaneed ee meeriskani waa 12. Waxaase daba taalla doodda jidaynaysa in meeriskaas lagu daba-qabto dhawaaqa “eey,” si uu u noqdo: ha maa/lin la lee/ya/haan a/ha/yeey, markaasna heelladu waa tii degta godka afariyo-tobnaad.[4] Meeriskan kiisa baydeeya ee ka horreeyana uma baahan “eey” iyo dhawaaq biiro ah toonna: Hadhuub nin sitoo hashiisa irmaan—waana meeris ay tirada alamadiisa wadar ahaaneedi tahay 14.

Saarka iyo haantu waa labada xubnood ee isku godka degaya. Saarku wuxuu leeyahay cag ah: V W W W V W. Haantana cagteedu waa: W W V W W V. Haddii la xisaabiyo, cag kasta, wadarta tirada xagaha oo labalaaban oo loo geeyay tirada guntimaha, waxaan helaynaa 10. Sidaas daraaddeed, labadan xubnood waxay wada degayaan godka tobnaad. Sida kale, kala duwanaanshahooda xubin ahaaneed waxa wacaya waa qaabdhismeedka ay xubin waliba leedahay. Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd) oo tilmaamaya arrintan baa qoray, “[S]i walba waa isugu dherer iyo dhumuc…[h]addana habdhacoodu cirka iyo dhulka ayuu isu jiraa.”[5]

Labada xubnood ee hadhay waxay kala degayaan godka koobiyo-tobnaad iyo ka siddeedaad. Adiga ayaanan kuu deynayaa inaad sababayso, oo aad xubin kasta godkay ku habboon tahay dejiso. Immiki waxaan u jeedsanaynaa ka faalloonta godka toddobaad iyo xubnaha degi kara.

Godka Toddobaad

Annaga oo aan isku hawlin soo taxista tusaalayaasha xubnaha degi kara godka toddobaad, waxaan ku horraynaynaa taxista, aragti ahaan, inta xubnood ee godkan degi karta. Ka dib, waxaan u bayraynaa inaan tusaalayaashooda soo raacinno.

Sida jirta, cag waliba waxa ay ka samaysantaa xago qudha amma xago iyo guntimo isku dhafan. Laba guntimo ahi isku ma xigi karaan, oo haddii la is xijisiiyo waxay isku noqon karaan xag. Marmar dhif ah ayay is xigi karaan, iyaga oo xigtin ahaanaya, xubnaha ay badhtanka u galaanna waxaa ka mid ah: Geeraarka iyo xubinta ku meerisan, “Maroodi Cadhoole.”[6]

Xubinta ay cagteedu ka samaysanto xago qudha ahi waxa ay degi kartaa uun god dhaban ah. Sidoo kale, xubinta ay cagteedu ka samaysanto xago iyo guntimo isku dhafan, isla markaasna ay tirada guntimahanu dhaban yihiin, waxa ay xabintaanu degi kartaa god dhaban ah. Dhanka kale, xubinta ay cagteedu ka samaysanto xago iyo guntimo isku dhafan, isla markaasna ay guntimahanu kisi yihiin, debadeed xagtaasu waxay degi kartaa uun god kisi ah.

Godka toddobaad waa kisi. Sidaas daraaddeed, cagaha xubnaha godkan degi kara waxa ay ka samaysnaan karaan xago iyo guntimo kisi ah oo isku dhafan. Si aynu u soo taxno xubnahan, waxa aynu aragti ahaan soo bandhigaynaa cagahooda, kuwaas oo aan ognahay in ay 1) wataan guntimo kisi ah, iyo in aysan 2) guntimahani is xigi karin. Annagoo dawgan raacayna, cagaha xubnaha godka toddobaadi waa:

  1. V W W W
  2. W V W W
  3. W W V W
  4. W W W V
  5. V W V W V

Shantaas xubnood ayuun buu godka toddobaadi yeelanayaa. Waan aragnaa, oo guntimuhu marna waa mid qudha, oo afar meelood ku kala gufaysmaysa, marna waa saddex aysan labana isku xigin. Shantaas siyood ayuun baa guntimaha iyo xagahaas is wata loo habayn karaa, iyada oon hoos iyo kor midna looga guuraynin godka toddobaad. Haddii aad miisaanto cag walba alamada saaran, tiradu waa toddoba.

Immikana aynu xubin kasta ku dahaarno qaar ka mid ah tusaalayaasheeda soo-jireenka[7] ah ee aynu jiilashii hore ka dhaxalnay—xubinta ugu dambaysa mooyaane, inta kale waa heeso ay dhallaanku isku maaweelin amma xifaalayn jireen:

V W W W

Afloo qadhamsade
Qiyaama-hunguri
Quddida naga xade
Alloow naga qabo

W V W W

Dayr la waayaba
Doollo loo raac
Oo la degi waa
Oo la daba roor

W W V W

Soo guurrayee
Guullow Allow
Guri roon na gee
Oo geedo badan
Oo gudimo taal
Oo gacal fadhiyo
Oo geel ku dhalay

W W W V

Roob baa da’aye
Rays baa uraye
Roonaadooyin
Soo rooroora

V W V W V

Muxuuggu maanta
Mataano waaye
Moluukulmeedku
Muf iyo maf waaye
Aniyo Madiino
Dameerka Muunye
Allow na mooti!

Xubintan ugu hoosaysa waxay la dhadhan tahay saddexda meeris ee ugu horreeya heesta, “Wavin’ Flag,” ee Kaynaan Warsame: When I get older / I will be stronger / They’ll call me freedom. Waa meerisyo ku bilowda dhiska loo yaqaanno “iambic dimeter,” waxaana gadaal ka raacsan alan-gaab (af-Ingiriis ahaanna loo yaqaanno, “unstressed syllable”). Xubnaha qaar, sida shiribka, waxay leeyihiin dhis (qayb amma gebi ahaan) “iambic” ah! Gaar ahaan, shiribku waa xubin af-Ingiriis ahaan leh shubaasha (amma habdhaca) “aimbic tetrameter”–waa haddii meeriskiisu wada wato shaqal-dheerayaashiisa.

Halkaas haddaan kaga baxno tusaalaynta xubnaha godka toddobaad, aynu ku soo xirno faallo ku saabsan koobnida tirada godadka iyo fara badnida xubnaha maansada.

Godadka ay xubnaha maansadu kala degi karaan waa dhawr iyo toban god: Laga bilaabo godka afraad (mooyaha/malablaha) illaa iyo ka labaatanaad (gabayga)—marka laga reebo godka toddobiyo-tobnaad (oo isagu madhan)—waxaa dheer godka labaataniyo-siddeedaad (heesta-kebadda). Tirada godadkani waa 17. Haddana, tirada xubnaha maansada ee tusaalayaashooda la soo heli karo—intaan aniguna hayo—waa 51 xubnood! Aragti ahaan, tirada xubnahan waxaa la gaadhsiin karaa kumaankun, oo waliba haddii lagu ekaado kuwa suuroobi kara uun waxaa inoo soo baxaya boqollaal xubnood oo maanso ah.[8]

Tanna wax culus ma’aha in la garto, oo waan aragnaa in godka toddobaad oo qudha ay wada degeen shan xubnood oo maanso ah. Bal u fiirsoo, godka labaatanaad imisa xubnood baa wada degi kara? Waa wax ku siman 199 xubnood,[9] oo badhkood jira amma la jirraysiin karo—haddii tusaalayaal loo soo helo iyo haddii tusaalayaal loo curiyo, labadaba. Hal meeris oo aan gabay ahayn, haddana godka labaatanaad degaya waa: Oo raaxo loo seexdayoon, laysku ridin rasaas.[10] Haddii aad buraanbur-buraanbur ka dhadhansatay hooriska meeriskan ma khaldanid, balse hojisku waa hojis gabay ah!

Ugu dambayntii, waxaa xusid mudan in aan ka hollanay magcaabista xubnaha godka toddobaad ee aan tusaalayaashooda soo taxnay. Tanna waxaa u sabab ah in midnaba aysan lahayn magac qumman, sida: Buraanbur, oo loogu yeero! Waxaase dhacda in xubinta labaad loogu yeero: Shubaal. Ta’ saddexaadna: Maqaleey Warlaay amma heesta-maqasha. Kuwa kalena haba sheegin.


[1] Waxa kale oo aan tusaale ahaan u soo qaadannay meerisyo geeraar ah iyo meeris masafo ah. Labadaba tirada kuma aynaan darsan siyaabaha soo socda awgood. 1. Horta, masafadu ma aha xubin ee waa hab loo baydeeyo meerisyada xubnaha qaar. Bayd waxaa isku noqda laba meeris oo isla hal xubin (amma xubno isku dhawdhaw) ka tirsan oo macno ahaan isku xiriirsan, isna hoos amma hor yaalla. Tusaale ahaan, Xaaji Cali Cabdiraxmaan Faqiih baa yiri: Ilaah baa Ilaaheen ah, dadna waa addoommadi. Labadan meeris ee baydoobay midka hore waa haan, ka dambana waa jiifto—waxay is-dheer yihiinna waa guntinta meeriska hore u dambaysa (ogowna meeriska hore waa farcan, saa guntin ayaa xagga horena kaga jirta). Tusaalaheennii hore ee Jaamac Kediye Cilmi na waxa uu ahaa: Sawdkaan aqaannaa, Soomaali weeyoo. Waa laba meeris oo jiifto ah oo baydoobay. Tusaale kale oo tusaalahan Jaamac Kediye la mid ah, Sayid Maxamedna laga hayo, waa: Xuseenow aqoon-xume, erey baan ku leeyahay / awal hore haddaad tiri, Eebbaa adduunka leh / eeggana maxaw tiri, annagaa aryowga leh?!? / inad laba af-laysaa, ma ansixi karaysaa? Waa masafo jiifto ah, waayo meerisyada labada ah ee uu hakatku kala seerayo ee baydoobaya waa meerisyo jiifto ah. 2. Dhanka kale, geeraarku waa xubinta qudha ee saddex god wada degta! Ka faalloonta saddexdan god oo aan dib u dhiganayno aawadeed baannu geeraarkana tirada ugu darsan weynnay.

[2] Xagaha hooriska ee hoosta ka xarriiqani waxay muujinayaan in midiba uu mar kala badhmayo, asii aysan laba amma saddexduba hal mar wada kala jabi karin. Balse xagaha hojiska laba, saddex iyo gebiba hal mar way kala jabi karaan.

[3] Cabdullaahi M. Axmed (Dhoodaan). Gabayga “Garnaqsi” iyo jiiftada “Mardabaalow,” hormayntii.

[4] Dhafanaha “ay” ee raacsan alanka “hay” inuu gaaban yahay waxaad ku garataa markan dambe ee ay y-du horgashay alanka biirada ah ee “eey” in uu soo hadhay shaqal-gaabka “a” oo ku naban shibbanaha “h.” Sidaas daraaddeed, ha u tirin dhafanaha “ay” labo ahaan, ee hal ahaan u tiri!

[5] Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd). “Dhuuxidda Miisaanka Maansada.” Redsea-Online. Bogga 10d.

[6] Macnaynta ereyada xigtin, xag, guntin, iwm. ka bogo qoraalka, “Miisaamista Daguugaan.”

[7] Ayeyday ayaan ka qabtay saddexda heesood ee dhexe, ta’ dambana hooyaday. Heesta koobaad markaan yaraa baan ka maqli jiray Caasha. Meeriska u dambeeya se waxa uu ahaa, intii aanan xarafraaca raacsiin, “Alloow noo sahal!”

[8] Ma dhacayso, inkasta oo ay aragti ahaan u jirto, in la maanseeyo xubin leh cagta: V W W W W W W W W W W V W, iwm. Waayo, xubintan loo ma curin karo tusaalayaal—oo suurtaggal ma’aha. Marka, xubintan iyo kuwa la masooba ba waa laga reebayaa tirada xubnaha ee maansada.

[9] Qaaciidada raceynta ee C(n,k) ayaa ii soo tuftay tiradaas, marka ay n=tirada xagaha oo mid lagu daray, k=tirada guntimaha. Sharraxaadda mar kale ayaynu isugu soo noqon doonnaa (haddii Eebbe idmo).

[10] Xaawo Jibriil. “Riyo.” Buraanburkan ayuu meerisku ka soo dhex fuuray, balse marka cagtiisa la dejiyo, waxaa daba taalla in la maansayn karo! Cagtiisu waa: W W V W W V W, W V W V W. Sida muuqatana, guntintii u dambaysay ee meeriska gabayga uun baa hal jago bidix u sikatay; malahaygana xaguhu immika, gebigood ba, waa kala wada jabi karaan.

Xig: Dhaqanbile

Advertisements

Ka faallood

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: