Tusaalaynta xubnaha maansada

Xubin maanso ah oo habdhaceeda la garansan yahay ma hawl badna in tix laga sameeyo. Markii uu dhegaystay aleeggadka* “hablo kebdo samaysanaya,” tusaale ahaan, Sayid Maxamed waa kii curiyay tixda ku bilaabata meeriska, “Guulla Eebbahayoow, geel nimaan dhaqin, faciis gacanta haw galin[neey]” (Aw Jaamac, 1974, b.213).[1] Xuseen Dhiqle na waa kii foodleydii weerka ka soo cabatay tixda hees-caanoodda ah ugu dhex laabay meeriska, “Gablamow iskaga leexo” (Aw Jaamac, 1974, b.6). Careys Ciise iyo jiilkii ka dambeeyay ba waa kuwii xubno duugoobay, sida saarka iyo hees-maqaleedda oo kale, tixo cuddoon ku caan bixiyay. Gaarriye oo jiilkaas ku jiray waa kii tixda Hagarlaawe habaaska kaga hurgufay heestii geeljiraha, isaga oo ku jaangooyay meeriska qudha ee uu tusaale ahaanta u haystay: “Gaaliyo wixii jeceloow jab!” Heestaas geeljiruhu isku maaweelin ogaa waxa ay u taxmaysay: Geeleenna yaan la aroorin / Gubatooyin yaan la fariisin / Golihiisa yaan lagu kaadshin (Maxamed, 2013). Haddaba, sidaas xilkasnimada leh ee ay halabuurrayaashaasi uga soo dhalaaleen cusboonaysiinta xubnahaas iyo xubno kale oo badan ayaa halabuurrayaasha maanta la gudboon—taas oo ay u dheer tahay kanshooyinka ay u helayaan miraynta boqollaal xubnood oo tusaalayaal la’.

Xubnaha in la cusboonaysiiyo, oo la caan bixiyo, sugaya waxa ay ku kala tusmaysan yihiin meerisyada: 1) Geela gudguduudani / Waa ka soo guuxaye / Gaawahaw soo culo; 2) Saaka Saylo-Yar baan ka soo kacay / Saylo-Weyn socod baan ku soo maray / Aar saloolanayaan u soo dhacay / “Waar salaamu calaykum” baan idhi / “Waar salaan ma aqaanno” buu yidhi…; 3) Addoy ragga waa dhaqaalee / Go’ hadhuudhaa la qaadaa / Isha waa laga afuufaa / Dhagaxaa laga hal tuuraa / Dherigaa lagu ammuugaa…; 4) Naagtu naagta mayska dhawdo; 5) Goroyada geel baa la moodaa / Wa runtaa ee waa la moodaa; 6) Qudureey Qadiijo waa tanaa; 7) Odayoow ma dooni doobi xoor leh? / Oo maxan ku diidi waa ba dahabe; 8) Meel dooro ka yeertay duur waaye / Hadal waayeel deeqa door waaye; 9) Fayd laba furmoodloow, lagaa furayeey / Shansho goray nin dhuuxaa, shab-shab u orodyeey / Hubush-hubushta daayoo, hubka i siiyeey; iyo dhawr tusaale oo kale (Idiris, 2014, bb.12-14). Cusboonaysiintani waxa ay ku iman kartaa in tusaalayaashan soojireenka ah tixo cusub lagu tiriyo. Se lama moogaan karo in ay jiraan tixo hore oo ku dhisan xubnahan qaar ka mid ah, sida masafada Sheekh Axmed Gabyow ee ku bilaabata baydka: “Qasqas carmaa iyo qaabis caanood: Midba markoo la qasmaansahaayee”—oo leh habdhaca tusaalaha labaad (Xuseen, 1983, b.7).[2]

Waraaq aan wali soo bixin ayaan ku caddeeyay jiritaanka 7735 xubnood oo maanso ah, kuwaas oo ku dhawaad 1% tusaalayaashooda la hayo (Idiris, 2014). Sida muuqata, xubno aad u tiro badan ayaan tusaalayaal lahayn, oo loo baahan yahay in loo sameeyo (oo tixo hor leh lagu dareeriyo). Hawshanina ma adka mar haddii xubin kasta dhismaheeda la garan og yahay. Aqoonta miisaanka maansada ayaana u xilsaaran fududaynta hawshan. Si kooban haddii loo dhigo, aqoontani waxa ay qeexdaa dhererka iyo habdhaca (meeriseed ee) ay xubin maanso ihi kaga soocan tahay xubnaha kale oo dhan. Iyada oo aqoontan la adeegsanayo waxaa la curin karaa tusaalayaasha xubno badan oo laga yaabo in aan mirahooda laga soo helaynin suugaan hore iyo mid soke toonna, sida: 1) Marba muus ha diirine daayeer / Soo dego durbaankaan qaad oo / Ka dam sii kol iyo labo daayeer; 2) Hadda fooxa aan shidaynaa / Shafka yuu wax yeelayaayee / Wa shiddee shaydaan u yeedhkaas / Alla maa la daayo shirkigaas?; 3) Deegaan la dagaallanka haadso / Dar ka diiray dan guudna u heellan / Deeqow dugsigaas nagu haybtir; 4) Wuxuu ku guroo galleyda ka buuxsho / Godkuu is lahaa gugaan uun dheefso / Xigaaliyo gacal u soo galay goor xun / Ayuu u galoo-ga gooyay sad buuran; 5) Anoo kacaakufaaya kii i sii kadeeday maan karbaasho? / Kolkaasna koorta ceebta kurka inaan u galiyo kaasi weeyi; iyo dhawr tusaale oo kale (Idiris, 2014, bb.13-15).[3]

Isaga oo adeegsanaya miisaanka maansada, halabuuraha maanta waxa uu karaa in uu curiyo tusaalayaasha xubno badan, oo uu waliba ka digtoonaado labaynta tusaalayaal hore u jiray.[4] Inta uu isaga hadho xubnaha sida aadka ah loo adeegsaday ayuu ceel ka qodon karaa xubno aan cidi hortiis faarfaarin. Tusaale ahaan, inta uu halabuurahani jiiftada ka nasto ayuu xubin dhererka kala siman, se aan la habdhac ahayn, ka curin karaa tixo meelmar ah, isaga oo middood ku bilaabaya tuducda: War fiican iyo kii xun / Waxaad mar soo warinni / Ogow walaal gacalle / Nin weyn run baa deeqda. Si aysan u laba-xubnaysnaanin, oo aysan qayb ahaan u noqon hees-caanood, tixdan uu sidaas ku bilaabay waxa uu halabuurahani ka riiri karaa meeris(yo) ku bilaabanaya alan aan gaabnayn. Taas waxaa dheer, feejignaantaas uu ku ilaalinayo dhismaha xubintaas ayaa looga baahan yahay in uu ku ilaaliyo bilnaanta iyo cufnaanta ay maansadu leedahay: Waa in uu ereyo hodan ah ku bilaa tixdiisaas, islamarkaasna ku googgooyaa murti iyo af-maldah cuf u yeelaya tixdiisaas (Idiris, 2014, b.1). Sababtoo ah, ma jiri karto tix ka madax bannaanaan karta xeerarka ay maansadu dhaqan (t.a. xarafraac) ahaan [jacburka marka laga reebo] iyo dhismo (t.a. miisaan) ahaan leedahay.

Nasiib wanaag, daahfuriddii miisaanka maansada ee kun sagaal boqol iyo toddobaataneeyadii waxtar aan la soo koobi karin ayaa laga taransaday: Annaga oo adeegsanayna xisaabta racaynta, maanta waxa aan si fudud u tirakoobi karnaa tirada xubnaha maansada. Tirakoobkaas waxa uu keenayaa, dadaal badan oo la isu geeyay ka dib, in meel la isugu keeno tusaalayaasha xubnahan (oo haddii aysan taasi suuragalaynin waxaa ugu yaraan laga niib keenayaa sababta aysan u saaragalaynin, oo waxtar kale ah). Maanta waxaa kolay noogu jira miraha 74 xubnood. Lama na saluugi karo tiradan; oo intaasba in u dhiganta dad kale oo soo saaray waa dhif/eber. Haddaba, waxaa la bilkeedinayaa halabuurayaasha maanta in ay noqdaan kuwii curin lahaa tixo faro badan oo tusaalayaal hor leh u ah xubno kala duwan, xubnahaas oo aan hore mirahooda loo guran. Dhab ahaantii, waxa ay tusaalayaashani maansada Soomaaliyeed u hor seedi doonaan in ay yeelato “xuubsiibad joogto ah iyo xiiso hor leh” (Idiris, 2014, b.16). Sida ay heelladu qaraamigii qarnigii hore lafdhabar ugu ahayd ayaa dhici karta in ay soo baxaan xubno qaraamiga qarnigan lafdhabar u noqon kara. Waa se xubnahee: Ma xubnaha haatanba ay dhegtu ka daashay, mise kuwo aan tusaalayaashooda hore loo maqal?

* Sida hagaagsan ee loo adeegsado ereyga “aleeggad” waxa aan kala tashaday Axmed F. Cali (Idaajaa), waanan ku mahadinayaa.

Curiskan markii ugu horraysay waxa uu ku soo baxay WardheerNews.

RAADRAAC

Aw Jaamac Cumar Ciise (1974). Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamad Cabdille Xasan (da.1d). Xamar: Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Laga soo bixiyay: http://hdl.handle.net/2307/2051.

Idiris Maxamed Cali (2014). “Tirakoobidda Xubnaha Maansada Soomaaliyeed.” Waraaq aan gudbiyay, oo aan wali la daabicin.

Maxamed Aadan Ciiraale (2013). Dhambaallo danabeed oo ay qoraha is weydaarsadeen.

Xuseen Sheekh Axmed “Kaddare” (1983). Waasuge iyo Warasame: Socdaalkii 30ka Maalmood. Xamar: Akadeemiyada Cilmiga iyo Fanka. Laga soo bixiyay: http://hdl.handle.net/2307/853.


[1] Sayidku hablahaas ka hor ba waxaa dhici karta in uu hees-kebdeedda maqli jiray. Marka yaan loo qaadan in aan idin leeyahay hablahaas baa ugu horreeyay cid uu Sayidku hees-kebdeed ka maqlo.

[2] Tusaalaha, Saaka Saylo-Yar baan ka soo kacay, iyo masafada Sheekh Axmed Gabyow waxaa dhici karta in ay masafadu horreysay (sababtoo ah, tusaalahaas waxa aan ka qoray hooyaday oo carruurnimadeedii ku heesi jirtay). Markaas, lama ogaan karo in Sheekhu uu tusaalahaas ka sameeyay masafadiisa iyo in kale. Waxaa se suurtagal ah in uu tusaale kale haystay.

[3] Ka sokow in aan isku hawlay tusaalaynta xubnahan waxaa laga yaabaa in mirahooda laga soo heli karo suugaan hore. Waa na arrin wali xaqiijin u baahan!

[4] Tixaha la curiyo hadh iyo habeen waxaa dhacda ku dhawaad 100% in aan tusaalayaal cusub laga helaynin. Taas ayaan uga gol leennahay ka digtoonaanta “labaynta tusaalayaal hore u jiray.” Waa ay se kala jiraan xubnaha maansadu: Qaar ayaan aad looga tirin tixo; qaarna ka tirinta tixuhu waa xad dhaaf (sida buraanburka oo kale). Kuwa kore waxa aan tusaale ugu soo qaadan karnaa heesta, “Ha i raadsan.” Xubintan uu miraha laga giigayo ku cusboonaysiiyay Xasan Daahir “Weedhsame” waxa ay hore u lahayd tusaalahan: Waa noogay naftayaay xanuunaysa / Noog aanan noogayn ha lay siiyo (Idiris, 2014, b.14).

Advertisements

Ka faallood

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: