Tirakoobidda xubnaha maansada Soomaaliyeed

ARAR: Waraaqdani waxa ay soo bandhigaysaa hab ku salaysan xisaabta racaynta oo lagu tirakoobi karo xubnaha maansada. Habkani waxa uu aragti ahaan caddaynayaa in tirada xubnaha maansadu tahay, ugu yaraan, 7735—taas oo ay xubin waliba leedahay qaabdhismeed u goonni ah, oo ay kaga soocan tahay xubnaha kale. Waxa kale oo ay waraaqdu soo taxaysaa tusaalayaasha iyo summadaha in ka badan toddobaatan ka tirsan xubnaha kumaankunka ah ee maansada; waxa ay na si kooban u falanqaynaysaa sida tusaalayaal loogu curin karo xubnaha tirada badan ee tusaalayaasha la’.

1. HORDHAC

Maansadu waa hadal ereyo hodan ah ku bilan, balaaqo iyo murti ku cufan, laaxin ka riiran oo meeris-meeris u taxan, taas oo uu meeris kastaa ka kooban yahay tiro alamo (syllabi) ah oo si u habaysan. Kala duwanaanshaha meerisyada, taas oo ku xiran tirada alamada iyo siyaabaha ay alamadani u dhex degaan meerisyada, ayaa u sabab ah in ay maansadu yeelato xubno dhisme ahaan kala duwan, sida: Buraanbur, jiifto, shirib, saar, geeraar, gabay/guurow, iwm. Geddi xubnaha maansada, mid kasta oo ka mid ah meerisyadeedu waa ay isku sar go’an yihiin. In kasta oo wax badan laga qoray maansada, tirakoobidda xubnaheeda waxba laga ma qorin—inta aan ka ogahay. Haddaba, ujeeddada waraaqdan waa soo bandhigidda hab aasaas ahaanku salaysan xisaabta racaynta (combination) oo lagu tirakoobi karo xubnaha maansada.

Waxa aan waraaqdan ku maamuusayaa Maxamed Xaashi Dhamac, oo lagu naanaysi jiray “Gaarriye” (1949 – 2012). Gaarriye, buunnigii suugaanta bilnaa, waxqabadkiisii cuddoonaa ee uu ku daah furay miisaanka maansada, oo aan abaal weyn ugu hayo, ayaan ku maamuusayaa. Eebbe naxariistii Janno ka waraabiyo Gaarriye.

2. GOGOLDHIG

Xubnaha maansadu waxa ay dhisme ahaan ku kala duwan yihiin habdhaca iyo dhererka ay meerisyadoodu kala yeelan karaan. Tusmaynta baraha ay alamadu meeriska ka kala galayaan ayaa lagu ogaanayaa habdhaca (Guuleed, 1976, b.20), halka tirinta alamada meeriska, iyada oo la raadinayo wadarta alamadan—oo alanka wata shaqalka dheer (iyo dhafanaha la gedda ah ba) labo (2) ahaan loo tirinayo, alanka wata shaqalka gaaban (iyo dhafanaha la gedda ah ba) hal (1) ahaan loo tirinayo—lagu ogaanayo dhererka ay xubini yeelanayso (Dhamac, 1976a). Meerisyada gabayga iyo meerisyada geeraarku, tusaale ahaan, isku dherer ma aha. Sidaas awgeed, gabay iyo geeraar waa labo xubnood oo kala duwan. Waxaa jira xubno isku dherer ah, se ku kala duwan habdhaca, xubnahaas oo ay ka mid yihiin hees-caanoodda iyo saarku (Axmed, 2008, b.11). Tusaale ahaan, meeris saar ah waa, Hoh iyo Boholaha Xargega; meeris hees-caanood ahna waa, Baranbaradu kugu xayanne. Dhanka kale, xubin mid ah, oo ay meerisyadeedu isku dherer iyo isku habdhac yihiin, ayaa magacyo kala duwan yeelan karta, sida: Heello, hirwo, weglo, balwo. Marka la isku soo xooriyo, kala duwanaanshaha habdhaceed iyo dherereed ee xubnaha maansada ayaa keenaysa in si xisaab ku dhisan, oo kalsooni leh, loo tirakoobo xubnahan.

Gogoldhiggan aan ku qaadaadhigayno habdhaca iyo dhererka xubnaha ka dib waxa aan u gudbaynaa waaxda saddexaad ee waraaqda, oo aan ku falanqaynayno habka lagu tirakoobi karo xubnaha maansada. Waxaa xigi doona bandhigga xubnaha tusaalayaashooda la hayo, ka dibna gabagabada.

2.1 Cagta iyo habdhaca

Xubin kasta oo maansada ka tirsan waxa ay leedahay cag u goonni ah, cagtaas oo muujinaysa habdhaca (t.a. qaabdhismeedka/shubaasha (scansion)) iyo dhererka xubintaas, oo ay kaga soocan tahay xubnaha kale. Waxaa cagta laga ratibi karaa halbeegyo matalaya baraha ay alamadu kala galaan, kuwaas oo kala ah: (i) V oo u taagan barta uu galayo alanka gaaban—ee miisaankiisu yahay 1; (ii) W oo uu taagan barta uu galayo alanka dheer, ee miisaankiisu noqonayo 2, kaas oo u kala jabi kara labo alan oo gaaggaaban (sida: VV); (iii) M oo u taagan barta uu gali karo alanka mar kasta dheer—miisaankiisu na yahay 2; (iv) X oo u taagan barta ay wada gali karaan labada alan ee mar kasta gaaggaaban ee isku xiga—oo leh miisaan ah 2; iyo (v) Y oo u taagan (a) bar madhan (oo miisaankeedu yahay 0), ama (b) bar uu gali karo alan leh halbeegga (iyo miisaanka) V ama alan leh halbeegga (iyo miisaanka) W. Shantan halbeeg waxa aan ku kala magcaabaynaa: (i) Guntin, (ii) xag, (iii) gaax, (iv) xigtin, iyo (v) dulsaar—labada halbeeg ee ugu horreeya waxaa u magac bixiyay: Guuleed & Riiraash, 1993/4, b.44.

Ku dhawaad 100% cagaha xubnaha maansadu waxa ay ka ratibmaan xago iyo guntin(no) isku dhafan ama xago kali ah, halka saddexda halbeeg ee kale (oo ay weheliyaan xago ama/iyo guntimo) ay ka ratibmaan cagaha xubno dhawr ah, sida: Geeraarka iyo heesta-badartumidda. Cagta heesta-badartumiddu waa: W W X W. Xubintan meerisyada u tusaalaha ah waa: Muslinkii la wacoo / Minankaaga yimaad / Martiyaa la yiraa / Wa la meel mariyaa / Midigtaa la qabtaa / Wixi ay mar damcaan / Marxabbaa la yiraa. Xigtinta (ku muujisan alamada tikha ah ee) cagtan ku jirta waxa ay noqon kartaa xag, marka loo eego meerisyadan: Guutaa duushoo / Guureey raaceen / Reer bay gaadeen / Geel bay qaadeen / Golahay keeneen / Gool bay loogteen / Godob bay reebeen / Goxandhay beereen. Waxa ay na cagtu isu rogaysaa: W W W W. Sida muuqata, haddaba, xigtintu waa xaalad goonni ah oo ay xagtu ku sugnaato.

Sidoo kale xubinta geeraarka ayaa yeelata xigtin; se wali la ma soo helin tusaalayaal muujinaya xigtintan oo xag noqotay. Geeraarka cagtiisu waa: Y W M X M Y, taas oo ku tusaalaysan meerisyada (aan isku xig-xigin ee kala ah): Geeraar waa igu Ceegoo / Waa ii caanaha geela / Cusbaysiiyay jidhkoodee / Ilaahii Nebi Ciise / Cisigii la socday (Ducaale, 2005, bb.140-142). Alamada dulsaarrada ah hoosta ayay ka xarriiqan yihiin, halka alamada gaaxaha ah ay tikh yihiin. Sida muuqata, meeriska ugu dambeeya ma wato dulsaar, halka meerisyada kale oo dhami ay wataan dulsaarro (kuwaas oo marar W la miisaan ah, mararka kale na V). Gaaxda ka horraysa xigtinta ee cagta geeraarku waxa ay noqon kartaa xag, marka alankeeda dheeri isu dhalan rogo labo alan oo gaaggaaban. Tusaale ahaan: Saciiro iyo Naciima (Banti & Giannattasio, 1996, b.101). Sida xigtinta oo kale, gaaxdu waa xaalad goonni ah oo ay xagtu ku sugnaato.

Kurti xubnaha kale ee maansada waxa ay u kala baxayaan labo qaybood: Qayb cagahoodu ka ratiban yihiin xago qudha, iyo qayb cagahoodu ka ratiban yihiin xago iyo guntin(no) isku dhafan. Qaybta hore waxaa ku tirsan xubnaha kala leh cagaha: 1) W W, 2) W W W, iyo 3) W W W W W. Tusaalayaasha saddexdan xubnood ayaa kala ah: 1) Mooyaha / Malablaha / Magicii?; 2) Dabangaalluhu / Tamayuluqaha / Ma cunaayee / Suu u hayaa?; iyo 3) Marku kildhi helo kilkilyow / Marka kale kuudud xumow. Dhanka kale, xubnaha ay cagahoodu ka ratiban yihiin xago iyo guntin(no) isku dhafan waxaa ka mid ah: 1) W W V W W, iyo 2) V W V W V W V W. Xubinta hore oo ah jiifto waxaa u tusaale ah: Beri reerkayagu guur / Guuryoo Galbeed qabay / “Waxaraha wad!” la i yidhi / “Wadi maayo!” baan idhi / Usha dhebi la ii qaad / Iska soo wadaanwaday. Ta’ kale oo shirib ahna waxaa u tusaale ah baydka: Min ooy fatooro fiiq tidhaa / Ninkii fadhaaya maa fiyow?

Faa’iido weyn ayaa ku jirta in ku dhawaad 100% xubnaha maansadu noqdaan kuwo cagahooda aan laga ratibin halbeegyada kala ah: Xigtin, gaax, iyo dulsaar. Waayo, qaaciidada racaynta, ee aan u adeegsanayno tirakoobidda xubnaha maansada, ayaa ku shaqaynaysa kaliya tirada xagaha iyo tirada guntimaha ee cagta. Qaaciidadani waxa ay si fudud inoo siinaysaa inta hormo (ama qaabtaxan) ee ay yeeshaan xubno kala habdhac ah se ka siman tirada xagaha iyo tirada guntimaha—sidaas awgeedna isku dherer ah. Inta aynaan soo bandhigin qaaciidadan, waxa aan ka faalloonaynaa sida lagu helo dhererka (ay xubini yeelato) iyada oo la adeegsanayo cagta (xubintaas).

2.2 Cagta iyo dhererka

Siyaabo kala duwan ayaa lagu soo saari karaa dhererka ay xubini leedahay, se sida ugu toosan ee dhererkan lagu soo saari karo waa iyada oo la raadiyo wadarta miisaannada ay kala leeyihiin halbeegyada cagta xubintaas. Tusaale ahaan, jiiftada dhererkeedu waa 9, sababtoo ah waxa ay cagta jiiftadu wadataa afar xagood (oo xag kastaa ay leedahay miisaan ah 2) iyo guntin (leh miisaan ah 1). Sidoo kale, dhererka xubinta shiribku waa 12, maaddaama oo ay cagteedu wadato afar xagood iyo afar guntimood. Dhererka xubinta heesta-badartumiddu waa 8 (oo cagteeda ayaa ka kooban saddex xagood iyo xigtin miisaankeedu yahay 2). Xubinta geeraarku waa ta’ kaliya ee dhererkeedu yahay ugu yaraan 8, ugu badnaanna 12 (waayo, cagta geeraarku waxa ay leedahay dulsaarro laga reebi karo, ama siyaabo kala duwan loogu dari karo). Guud ahaan, xubin walba dhererkeeda sidaas ayaa lagu soo saarayaa.

Sida aan dusha ku soo xusnay, kala duwanaanshaha ay xubnaha maansadu kala duwan yihiin waxaa sabab u ah, qayb ahaan, dhererkooda oo kala duwan. Iyada oo ay tani jirto baa waxaa dhacda in ku dhawaad xubin kasta laga dhex heli karo meerisyo kala dherer ah, sida meeriskan ku jira jiiftada Daalallay: Anoo daaya mooyee (Warsame, 1993, b.414). Dhererka meeriskani waa 10; waxa uu na raacsan yahay xubin cagteedu tahay: V W W V W W. Se marka uu ku dhex jiro xubinta jiiftada waxaa meeriskan loo og yahay in uu qaadanayo kaalin farcannimo, oo aan sal ahayn, maaddaama oo uu meeriskani (gabi ahaantiis) lahayn habdhaca cagta jiiftada iyo dhererkeeda ba. Sida uu na tusay Carraale, bar uu alan gaabani ku habboon yahay marka uu alan dheeri isku riixo (sida barta alanka hoosta ka xarriiqan ee meeriskaas kore) ayaa waxaa soo baxa meeris farcan ah (2011, bb.34,38). Sida jirta, meeris kasta oo “farcan” ku ah xubin waxa uu sal ku yahay xubin kale, sida meeriskan ku jira tixda Daalallay oo kale.

In meeris farcan ku ah xubin uu sal ku yahay xubin kale waxaa (kale oo) caddayn u ah tusaalahan: Anoo waraabkeed u xaytay / Weheey Walwaaleedka ceelka / Wadaanta goortaan ku tuuray / Miyay hashii Weydo dhimatay? Xubinta ay meerisyadani ku aroorayaan waxa ay cagteedu tahay: V W V W W V W V. Xagta labaad (ee hoosta ka xarriiqan) ee cagta xubintan marka alankeeda dheer la gaabiyo waxaa soo baxaysa xubin lagu magacaabo hees-carruureed (hees-kooleed), sida ku cad meerisyadan: Anoo warabkeed u xaytay / Weheey Walwaleedka ceelka / Wadaanta gortaan ku tuuray / Miyay hashi Weydo dhimatay? Sida muuqata, meerisyadan salka ku ah xubinta hees-carruureedda waxa ay farcan ku noqonayaan xubintaas kore—haddii aan xagta labaad la gaabin. Gundhiggu, sida uu Gaarriye qoray, waa: “Mar kasta oo aad [alan] soo kordhiso ama dhinto waxaad ku turunturoonaysaa [xubno] cusub” (1976b).

Inkasta oo aan halkan lagu faahfaahin doonin, waxaa xusid mudan in cagta xubini leedahay ay siddo xogo kasta oo ku saabsan dhismaha xubintaas, sida: Nudaha, tiraynta (eeg Cali, 2011), iwm—ka sokow in ay cagtu muujinayso habdhaca iyo dhererka xubintaas.

[Sii akhriso >>>]

Advertisements

Ka faallood

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: