Ma qoraa ayuu yahay?

Maqaallada uu midkaayo ba tayayntooda ku bixiyo wakhtiyada badan haddii uu qoraa ku noqon waayo ma naqaanno waxa kale ee uu qoraa ku noqon lahaa. Qaamuuska Af-Soomaaliga, ee ay sida hagar la’aanta ah inoo soo gaarsiiyeen buunniyada kala ah, Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur, ayaa “qoraa” ku qeexaya: “Qof buugaag iyo maqaallo la akhristo qora.” Marka aynu hoosta ka xarriiqno ereyga “iyo” ee qeexdintaas ku xusan, waxaa cad in uu midkaayo ba qoraa noqonayo ka dib marka uu soo saaro buugaag uu ku saxiixan yahay. Taas se ku ma wada qanci karno, sida curiskani ku doodayo.

Ereyga “qoraa” haybtiisa naxweedi waa fal joogto-caadaley, oo waxa uu tilmaamayaa fal socda, soo na noqnoqda. Tusaale ahaan, qof “cunaa” ah waa qof cuntadiisa uga rita si joogto ah, oo aan laga filaynin ka go’ista quudka. Sidoo kale, qof “qoraa” ah waa qof si xiriirsan u soo saara qoraallo (kala duwan). Naxwe ahaan, haddaba, qoraa waa qoraa inta ay wax qorayso. Haddii ay qoftani wax qori jirtay, oo ay iska daysay wax qorista ama ba ay u hoyatay dambaysada (aakhiro), waa qoraa hore/qoraagii.

Isla garannay in qoraa yahay qofka sida joogtada ah wax u qora, se muxuu qofkani qoraa? Qofkani ereyo la akhristo ayuu xaanshi ku dul dhigaa, ee geedo ka ma qoro agabka ay mooyayaasha iyo fandhaalladu ka midka yihiin. Waayo, ma jiro qof hawshiisu tahay qoridda geedaha oo isu haysta in uu yahay qoraa. Waxa uu qofkani isu yaqaannaa farshaxan. Sababta oo ah, qofkani sida qofta tosha xeedhooyinka ayuu u leeyahay farshaxannimo iyo dul uu geedaha ku qoro—si uu agab (kala duwan) uga soo saaro. In se farshaxannimo qofkan loo qiro waxa ay ku xiran tahay hadba tayada ay leeyihiin agabka uu soo saaro.

Sidaas farshaxanka loo aqoonsado ayaa habboon in qoraaga na loo aqoonsado. Muhiimmaddu waa in uu qoraagu leeyahay halabuurkii uu qoraalladiisa ku tayayn lahaa. Adeegyada hab-qoraaleed (sida astaamaynta) oo uu u digtoon yahay, ereyada uu adeegsanayo oo uu si wanaagsan ugu aftahammoodo iyo gundhigga qoraalkiisa oo uu si weyn se kooban, isla markaasna maangal ah, u difaaco ayaa qorahan huwinaya shaalka qoraannimo. Barashada saddexdan xirfadood oo uu san wakhti siinin, isla markaasna dhaqan galintooda oo uu san dul u yeelan, ma aha suurtagal in uu qofi qoraal tayo leh soo saaro.

Haddaba, qeexdinta “qoraa” sida ay qaamuuska ugu jirto si ka sii faro dhuuban ayaa ah: Qoraa waa qof soo saara qoraallo tayo leh oo la akhristo. Qofka si tayo leh wax u qora haddii uu san maqaallo mooyee waligiis buugna qorin ma yahay qoraa? Mise waxaa garaaddaha qoraannimo la siin ka dib marka uu buugaag tayo leh soo saaro? Maxay se is dhaamaan maqaallo tayo leh iyo buugaag tayo leh oo aan ka ahayn kala mug weynidooda? Runtii, labada ba waxaa wada fura tayo. Sidaas awgeed, qofkii maqaallo ama buug(aag) tayo leh qora ba waa qoraa.

Curiskan markii ugu horraysay waxa uu ku soo baxay WardheerNews.

Advertisements

Ka faallood

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: