Muxammad Cali: Geesigeenna

Muxammad Cali in uu yahay Geesigii Umadda aniga oo toban jir ah ayaan ka xaqiiqsaday habaryartay Caasha Yuusuf Suldaan (Alle ha dhawro e). Sidii caadada ii ahaan jirtay, goor duhur ah aniga oo dhan uga adeegaya habaryartay dhanna u dhegtaagaya wacaalaha ay duunkayga ku hogatusaalaynaysay ayaan si kadis ah, se mawduucii markaas ku xiriirsan, u weydiiyay, “Waa ayo qofka kuugu saamaynta weynaa noloshadaada?” Halhaleel ayay u tiri, “Muxammad Cali Kalaay!”

Ma ahayn markii koobaad ee aan magiciisa maqlo, se jeerkaas waxa uu magacaasi noqday mid ku laxaammadma xiskayga. Haabka kuma haynin inuu geesiga habaryartay yahay Muxammad Cali! Waxa ayna iigu dartay, haddaan si uun u xasuusto, “Keligay geesi iima ahee waxa uu u yahay dhammaan jiilkeennii ku garaadsaday beryihii uu feedhtami jiray.” Goobtu waxay ahayd Jigjiga, sannadkii 1999, manhajkana noogu ma jirin barashada taariikhda feedhyahankaas saamaynta weyn leh.

Alle ha u naxariistee waxa uu Muxammad Cali (74 jir) geeriyooday Jimcihii hore, 3-June-2016, waxa uuna god galayaa maanta oo ah Jimce, 10-June-2016. Laabxaadhnida, kalsoonida, hadal-caddaanta iyo murtimaalnimada uu dheeraadka u lahaa ayaa lagu xasuusanayaa. Waa kii yiri: “Ameerika ayaan ahay: Xubinta aadan garan karin. Balse i baro. Madow, isku kalsoon, isla weyn; magacayga, kaaga ma aha; diintayda, taada ma ah; himilooyinkayga, anaa leh; i baro.”

Alle amarkii magaca weyn ee Muxammad Cali guri walba wuu ifiyay; cid walba oo uu saamayn ku lahaa na way u soo tacsiyaysay. Prof. Sherman Abdul Hakim Jackson, oo u soo tacsiyeeyay, ayaa ku dheeraaday ahmiyaddii uu Muxammad Cali dhammaanteen ugu fadhiyay: Waxa uu ahaa nin dadkiisa, diintiisa,  dalkiisa iyo waliba dunideenna ugu hagarbaxay si weyn oo aan cidi hortiis ugu hagarbixin. Qof walba oo uu taabtay ma illoobi doono inuu Muxammad Cali ahaa qudbi weyn.

Eebbe Weyne waxa aan uga baryaynaa in uu Muxammad Cali ku soo dhoweeyo, weydiin la’aan, jannadiisa Firdowsa, ee u sarreysa; in uu la degsiiyo Nabigeennii suubbanaa, Muxammad ibn Cabdullaah, naxariis iyo nabadgelyo ha u ahaatee; in uu annaga na gadaashiis na fidnaynin, oo uu noo dhawro dadnimadeenna iyo diinteenna. Eebbe, Allaha Raxmaanka ah, Raxiimka ah, Razzaaqa ah, Raafica ah, Raqiibka ah, Ra’uufka ah, ee Rashiidka ahow, u naxariiso Muxammad Cali.

Advertisements

Ka faallood

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: