Bandhigyada buugaagta

Waxa aynu ahayn bulsho ku tookhda halabuurka maansada, taas aawadeed baa na loogu baxshay, “Umaddii Maansada.” Ma aynaan lahaan jirin faro wax lagu qoro oo baahsan. Taas ayaana qasbaysay in gabyaageennu qaybo tixihiisa. Badanaa dhawr qof oo ka ag dhaw baa u qaban jiray meerisyada uu golayaasha kaga dayaami jiray. Meel walba oo uu istaago, oo arrin iyo aroos loo joogo, waa uu ka gabyi ogaa. Marka la daaliyona waxa uu odhan jiray, sidii Timacadde:

Danba uma lahayn gabaye waan, la iga daynayne
Hadba aniga oo dayriyaa,  lay danqarayaaye
Markaasaan dagnaan uma hadlee, damaqsanaayaaye

Hayeeshee qoraal li’ideenna waxaa ku tayoobay hadalka qaybtiisii ugu mucda weyn: maansada. Inkasta oo hadalku mar walba sidiisii ahaanayo, ereyada oo liinbaxa ama dabargo’a mooyaane, haddana maansada darteed weeyi sababta aynu qoraalka baahidiisa u dareemi weynnay. Dareenkaasina ma ahayn mid qarniyo soo xiriirsanaa, haddii kale waxa aynu mar hore samaysan lahayn far inoo kaydisa suugaantii soo taxnayd kumanyaalka sano, ee far li’ida awgeed tasawday.

Ummaddii qoraalka

Dadaallo badan ka dib waa tii lagu guulaystay, Oktoobar 21, 1972, in la hirgaliyo farta aynu maanta wacaalaha ku dhitaysanno. Ololayaasha fartan lagu barayay dadka Soomaaliyeed waxaa ugu muc weynaa buugaag-qoristii baaxadda lahayd, ee lagu qoray manhajka waxbarashada—walibana suugaan sii libdhaysa lagu dhaxalsiiyay jiilasheennan maanta. Diiwaanka Gabayada Sayidka, Qaamuuska af-Soomaaliga ee Yaasiin C. Keenadiid iyo sheekooyin ay ka mid tahay Aqoondarro waa u Nacab Jacayl ayaa dadweynaha gaadhay, oo ay mahadiyeen.

Dhanka kale, aqoon baadhistu cirkaas ayay isku shareertay. Afar sano oo fartan la maalayay waxaa lagu dejiyay aqoonta miisaanka maansada, oo si taxane ah uu Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) ugu soo bandhigayay wargeyskii Xiddigta Oktoobar. Isla aqoontan muddo bilo ah ka dib waa tii uu buuni Carraale ka soo saaray buugga, Gorfaynta Gabayga. Siddeetannadiina waxaa ba soo baxay buugga,  Suugaanta Geela, oo uu qoraha Axmed Cali Abokor, Alle ha u naxariistee, nagu tusay heerka ugu sarreeya ee ay aqoon baadhista Soomaaliyeedi gaadhay.

Illaa laga soo gaadhayo dabayaaqadii siddeetanaadka waxaa soo baxay qoraallo badan. Dhambaallo badan ayaa la isu soo diray, oo dadkii magaalooyinka kobcayay ku kala baaday isu soo dhoweeyay. Farriimo badan ayaa wargeysyada la isugu soo qoray. Doodo cuddoonna qalinkaa lagu duugay. Labo tobanle (decade) gudahood waxa aynu ku noqonnay ummaddii qoraalka. Taas waxaa barbar taagnaa in sida badan qoraalku tayaysnaa. Oo tira badnidiisa awgeed waxa uu ahaa qoraal kala miirmay.

Maxaa ka dambeeyay?

Dagaalladii sokeeye daarihii ku burburay waxaa ka darnaa dadaalladii aqooneed ee ku kala go’ay. Aqoontii wax lagu qori jiray waa ay iilatay, oo waxaa isku gudbay jahli. Dad dibkayeer ah oo aan sidii qorayaashii hore u soo dhafrin, waxna u soo baadhin, ayaa qalinka wada qaatay; dacaayadihii dagaallada sokeeye ka dhashay ayaa laab kiciyay, oo ay qoraalkiiba mawduuc ahaan ku soo ururiyeen. Dhanka kale, dadkii wax qori jiray, ee ka baxay ama ku dhex jabay dagaalladaas, qalimmadii ayaa ka khad beelay. Tayadii qoraalkuna sidaas ayay ku hagaastay.

Maanta ayaad mooddaa in dib loo baraarugay. Gude iyo dibadba waxaa lagu soo bandhigaa buugaag aan tiro yarayn. Gaar ahaan, sannad walba waxaa la qoondeeyay bandhigyo buugaageed, oo ay Hargeysi calanka u siddo. Muqdishaa ku dayatay. Garoowena kalkan (2016ka) way iskeentay. Magaalooyin badan baa ku dabo jira. Dad in muddo ah haraaddanaa ayaad mooddaa in mayayga qoraaleedi qooyay. Waxse aynu wali qaadnay waa uun tallaabadii ugu horraysay ee qoraalku innaga mudnaa.

Bandhigyada maanta

Bandhigyada buugaagta, ee sanadahan dambe dalka gudihiisa ka qabsooma, waxa ay xoogga saaraan akhriska. Waxaa la isu keenaa qorayaal dhegaystayaasha uga faallooda buugaagta ay qoreen. Buugaagta u badan ee la soo bandhigona waxaa qorta dhalinyaro qoraal barad ah, oo buugaag ay akhriyeen ka dib qalimmada wada boobay. Sidaas oo ay tahay haddana bandhigyadan laga ma dhex waayo buugaag aqooneed oo khibrad iyo aqoon baadhis mug leh lagu qoray; in la wada akhriyona mudan.

Ummad waxaa qoraalkeeda lagu qiimeeyaa sawirrada iyo khibradaha ay dunida ku soo biiriso. Waana hawl gudashadeedu ay u taallo inta ugu khibradaha badan iyo inta ugu aftahansan ee ummaddaas. Haddii aynan dadka noocaas ihi ku baraarugin qiimaha qoraalka oo ay uun wali hadlayaan, sida aynu u badan nahay, dheelli ba’an baa jira. Bandhigyada buugaagtu dheelligan ku ma saari karaan raadinta buugaag la qoray, balse waa in ay isku xidhaan inta hibada u leh qoraalka iyo maskaxaha khibraduhu ceegaagaan ee aan wax qorin.

Talo bixin

Maammulayaasha bandhigyada buugaagtu waa in ay dhiirigeliyaan abuurista iyo xoojinta naadiyo ay isku bahaystaan xidaarro (aqoonyahanno) qiimeeya hufnaanta iyo waxtarka mawduuca buug walba oo la soo bandhigayo. Xidaarradanina waa in ay dejiyaan hagayaal qoraha cusub kala talinaya waxyaalaha uu ka dhawrsan karo, ee tayo ridaya qoraalkiisa. Inta laga niib keenayo talooyinkan waxa aynu isku sii maaweelin karnaa in aan xoqxoqnay boogo loo baahnaa in mar hore la dhayo.

Qoraalkan markii ugu horraysay waxaa lagu daabacay Ceegaag.com.

Advertisements

Ka faallood

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: