Gabay: Gacaltooyo

Gabayga hoosta ku qoran waxa aan ka tiriyay arooskii walaalkay, Cabdirisaaq Maxamed Xaaji Cali (oo aan isdhalasho xigno!) iyo marwadiisa Umalkhayr Cali Cawl Xuseen, oo ka dhacay Manassas, VA maalin Sabti ah, Cifada (December) 17, 2016, kuna beegan 18 Rabiical Awal (Mawliid), 1438. Waa gabay, guud ahaan iyo gaar ahaanba, guurka sharafta leh bogaadinaya. Allena waxa aan qoyskan uga baryayaa cisi adduuneed, iyo cawo aakhiraadeed.

Galladeeye Eebbaa le mahad gebi ahaaneede
Ha ahaato guudkiisa nabad Rusul-Guddoonshaaga
Salaan gobannimaan idin faraye gacanta ii haadsha

Hasha gabay Halyeygii* lahaa oo i garab taagan
Gaawaha waxaw culanhayaa gaasabixintiise
Iga gura ammaan iyo ducaan soo gudbinayaaye

Waxa geedka loo waabayaa talo gorfaynteede
Waxa guriga loo dhisahayaa ubax gurboodeede
Waxa garona loo dhaqahayaa calaf gasiimeede

Wax abaalka laysugu galaa maalin baad gudiye
Wax gardaadis gala ruuxi aan godobna reebayne 
Is gaashaamabuursiguna waa gacan awoodeede

Khayrkood ku gaarraato ood gelinna dayn wayso
Dhacdhacaaga ood goobto ood meel isugu gayso
Janno aad gashaa baa Rabbina amarki gooyaaye

Dadku waa gurguurtaan waqood gaban ahaantiiye
Kol hadday gashaanti iyo yiin doob wax garanaaya
Gaboowga iyo geerida hortood way is guursaniye

Caawaba arooskaan gingiman dhaqan gal weeyaane
Waa gacal is doonoo is helay gallad Ilaahay e
Waa gadac Cabdirisaaq ah iyo gaari Umalkhayr e

Waa xerada geeloo rag adag gaadhka ka hayaane
Waa gogol nabdeedoo dugsoon ood ku gama’daaye
Waa garow la iidaamay oo gaajo bi’iyaahe

Waa waqal gu’yoo hoorayoo ciidda goday jeere
Waa gago ciyaar loo jantiyo gudasho jaandheere
Waa dogob galooloo la shiday dhamac guduudnaaye

Alle mahaddi guurkaani waa kii garaaddada e
Qof kastoo ka soo qayb galoo gacan ka soo gaystay
Ama tahniyad soo gudbiyay Guulle ha ikraamo

Xareed galac leh geedo isku baxay geeddi laga oolay
Geyi nabad ah gaaf iyo xurmiyo gole la naashnaashay
Wax ammaanan guulaystayaal goonni isu raacay

Kalgacayl gun dheeriyo siduu awow ka soo gaadhay
“Soddohdoo is gaadhsiisan iyo inan golyeed [door ah
Geesiyada] ay wada dhasheen buu ku galayaaye”

Umalkhayr asluub iyo gobnimo Guulle ugu deeqye
Waa dhalad Xuseen iyo Garwiye soo ged barayeene
Allaylehe Cabdow guri san baad galabta joogtaaye

Adiguna garaad badane abid geesiyaad tahaye
Ma gefsaniye goortaad khadkiyo looxa tiri gaata
Ee aad aqoon nagu geddiday garannay diinkiiye

Marti goomman goortay timaad galax ku sooryaynta
Iyo goolka loo loogayiyo xubin u geedaynta
Geedjoogistaadiyo murtidu waa sed aan gudhine

Gedgeddiga adduunyaduba waa sida giraameede
Gadiid maalin iyo layl intaa gayllanku is dhaafye
Waxa loo garmaamaynayaa gaabis yaad noqone

Is guulguulku wuu jiray tan iyo Gurey horraantiiye 
Samir aan gaboobaynin baa gaws-qabsiimo lehe
Idinkaan cidnaba soo gar gashan gooya arrinkiinna

Guurtida hortayda ah dadkuu gabaygu gaadhaayo
Guullow adaan keli ahaan kuu garwaaqsadaye
Eebbow adaan gaar ahaan kuu galliinsadaye

Mawliidkan soo galay Allow dadab galkaan toosi
Gayaankani is guursaday Allow garabgaloo tiiri
Oo ka yeel aqal lagu gam’oo gacal ku soo hoydo

Eebbow gabdhiyo wiilal sii ubad gargaaraaya
Garansiina Eebbow xaqaa lagu gudbaayaaye
Guri waa haween ee Rabbiyow guusha ugu hiili

* Halyeygii: Waa adeerkay, gabyaa Jamaal (Bashiir) Xaaji Cali Cilmi Iidle, oo xafladda arooska daaddihinhayay.

Il: Ceegaag

Advertisements

Ka faallood

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: