Falanqaynta Miisaanka Maansada

ARAR: Kun sagaal-boqol lixiyo-toddobaatankii waxaa lagu tilmaami karaa sanadkii laga niib keenay dhawr faa’iidooyin oo ku ladhnaa qorista af-Soomaaliga. Ka sokow in uu qeexay shaniyo-toban kun oo erey, waxaa sanadkaas soo baxay qaamuuskii ugu horreeyay ee sida cilmiyaysan u faaqiday arrinta uu qorahiisu, buuni Yaasiin Cismaan Keenadiid, ku tilmaamay “xasilid la’aanta af-Soomaaliga,” taas oo laga gudbi karo marka ay Soomaalidu “in badan wax qorto.” Waxaa intaas dheer daahfurkii miisaanka maansada Soomaaliyeed, oo sida uu sheegay buuni Andrzejewski [Anjeyafiski] aan “shaki ku jirin” in ay suurtagashay ka dib qoristii af-Soomaaliga ee 1972 (1982). Curiskani waxa uu falanqaynayaa midhaha iyo sooyaalka daahfurkaas.

  1. Hordhac

MIISAANKA MAANSADA waa cinwaanka maqaallo taxane ah oo uu qoray, naxariistii Janno Alle ha ka waraabiyee, Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye). Iyagoo markii hore ku soo baxay wargeyskii Xiddigta Oktoobar laga bilaabo Bilkow (Jannaayo) 17, 1976 illaa Riyaale (Maajo) 29, 1976, waxaa maqaalladan dib loogu sii faafiyay Warsidaha BADSO, waxaana taas mahaddeeda leh Xarunta Cilmibaarista Soomaaliyeed ee Jaamacadda Daraasaadka Roma Saddex oo nuqullo maqaalladan ah soo gelisay Kaydka Soomaaliya, si dadweynaha looga haqab tiro aqoonta ay xambaarsan yihiin ee lagu gorfeeyo dhismaha maansada. Baahida jirta, taas oo aynu curiskan ku daboolayno, waa in dadweynaha si faahfaahsan loogu saafo aragtiyaha Gaarriye, iyo kuwa kale ee la hal maala, ee miisaanka maansada Soomaaliyeed.

Gaarriye ma ahayn qofkii ugu horreeyay ee isku daya inuu wax ka qoro mawduucan; waxase uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee ku guulaysta shaacinta hannaanka loo miisaamo meeris—isaga oo sidoo kalena daaliciyay xiriirka ka dhexeeya qaar ka mid ah xubnaha kala duwan ee maansada, sida: gabayga iyo jiiftada, baarcaddaha iyo shallaadka iwm. Xidaarro dhawr ah oo ay ka mid yihiin B. W. Andrzejewski iyo I. M. Lewis (1964) ayaa Gaarriye hortiis isku taxallujiyay in ay helaan furaha miisaanka maansada Soomaaliyeed, iyaga oo ka dab qaadanaya culuumta laga dejiyay dhismaha maansada Giriigga. Waxa ay kuwoodaasi noqdeen hawlo aan midho dhalin, maaddaama oo ay geel (Soomaali) iyo goroyo (Giriig) kala hees yihiin! Hawlahase midhaha dhalay waa waxqabadyada Gaarriye iyo buuni Carraale, oo uu qoraalkiisu bilo uun ka daabacaad dambeeyay qoraalka Gaarriye.

Waxqabadyada Gaarriye iyo Carraale waxaa ka farcamay waxbaarisyo si cilmi ah loogu sii lafaguray mawduucan. Waxaana hawlahan kala gutay buuniyada ay ka mid yihiin: Cabdalla Cumar Mansuur (1977); John W. Johnson (1979); B. W. Andrzejewski (1982); Cabdi M. Guuleed iyo Maxamed C. Riiraash (1993); iyo G. Banti iyo F. Giannattasio (1996). Buuniyadan iyo qoraayo kaleba waxa ay sii balballaadhiyeen aragtiyaha Gaarriye iyo Carraale, iyaga oo sii hodaneeyay cilmiga miisaanka maansada. Waxaa intaas dheer, aniga oo adeegsanaya aragtiyahan isku darkooda, waxa aan daaliciyay xiriirka qotadadheer ee ka dhexeeya dhismaha maansada iyo laanta ixtimaalka, gaar ahaan racaynta iyo Saddexagalka Pascal, ee xisaabta, taas oo sahashay in la tirakoobo dhammaan xubnaha maansada (2015), oo la ogaado xubin kasta qaababka meeriseed ee ay yeelanayso (2011), iyada oo la marayo mid u dhaw dawgii uu Pingala maray 2300 oo sano ka hor (Joseph, 2010).

  1. Yoolka Miisaanka Maansada

Gaarriye maqaalladiisan taxanaha ah waxa uu ku bilaabay: “Maqal. Ma jeclaan lahayd inaad gabaydo? Mase og tahay inaan abwaannimada loo dhalan uun ee la samayn karo? Waxba ha la yaabin. Ma jiro waxaan qofka aadamiga ihi qaban karin, haddii uu niyad fiican la yimaado” (1976a). Sida jirta, ereyga “abwaan” markaas ugu ma qeexnayn Gaarriye sida uu hadda inoogu qeexan yahay, ee ah: Buuni leh ama aan lahayn halabuur maanso. Intaas marka laga gudbo, asalkaba, Gaarriye ma duudsiyin in ay jiraan “dad hibo gaar ah u leh” curinta tixo kala duwan oo maanso ah, kuwaas oo aan aqoon u lahayn cilmiga miisaanka maansada (1976b). Hawsha weyn ee uu qabtay, kuna muujiyay “shuraadaha […] maansadeenna xukuma,” ayuu Gaarriye rumaysnaa in qof kasta, oo aan hore isugu dayin inuu maansoodo, ka taransan karo aqoon uu ku curiyo tixo kala geddisan (1976a). Murtida iyo ashqaraarka tixahanna waxa uu aaminsanaa in ay ku xiran tahay qofba kartidiisa aftahameed.

Haddaba, markii ay maqaallada Gaarriye soo galeen maqaaxiyaha Muqdisho, bal malee adiga oo ah barihii suugaanta oo uu adeegihii shaaha kuu keenayay ku leeyahay: “Maanso curintu waa wax fudud oo la baran karo!” Adiga oo gocanaya muddadii dheerayd ee aad baranaysay curinta iyo faaqididda maansada, waxa aad adeegahaas ugu warcelinaysaa: “Adeer waa la baran karaaye, mase fududa. Kolka hore waxaa loo baahan yahay in ay dhegtaadu aqoonsan karto laaxinka iyo deelqaafka. In badan ayayna kugu qaadanaysaa in dhegtaadu hawlahaas la qabsato.” Markaas ka dib ayuu adeeguhu kuu keenayaa nuqulkii Xiddigta Oktoobar ee toddobaadkaas, oo uu ku leeyahay: “Miisaankii maansada, Gaarriye ayaa qeexay oo laaxinkii si fudud ayaa immika farta loogu fiiqi karaa, la isagana dhawri karaa. Deelqaafkana awalba dhegtaydu way soo saari ogayd.” Markaas waano kale oo kuu hadhay ma jirto wax aan ka ahayn: “Adeer murtida barashadeedana ku dadaal!”

Sheekadan kore waxa ay muujinaysaa in barashada miisaanka maansadu fure u tahay curinta tixo kala geddisan oo maanso ah. Qofku si toos ah ayuu aqoontan u baran karaa, ama si dadban oo uu u marayo qalbiga halkii uu u mari lahaa qalinka. Haddii uu si dadban u bartona, way ku adkaanaysaa, sidii laashimiintii hore, inuu qeexo laaxinka, oo uu si cilmi ah u saafo, inkasta oo uu garan karo meelaha uu laaxinkani kaga jiro tix. Laashimiintuna, ha u barteen miisaanka maansada si toos ah ama si dadban, waxa ay mar walba ku kala tegayaan kartidooda aftahameed, oo ah sida ay aragtiyo kasta ugu bayaamin karaan ereyba ereyga uu ka habboon yahay. Waxa kale oo ay ku kala tegayaan sida ay murtida u saaraan tixahooda. Murtida lafteedu barasho ayay ku imanaysaa. Waxa ayna ku xiran tahay sida uu qofkani u lafaguro sooyaalkii, sheekooyinkii iyo murtidii hore, oo uu sida ugu balaaqo roon u adeegsan karo. Tanna mugdi ma laha oo Quraanka waa ta’ ku cad in Eebbe qofkuu doono siiyo murtida (2:269).

  1. Qeexista Miisaanka Maansada

Maqaalladiisan Gaarriye ku ma uusan adeegsan ereybixin uu qeexay oo uu kaga maarmo ereyada: “bayd,” “shadar” ama “xubin,” “bad,” “miisaan” iwm, oo badanka ka soo jeeda caruudka Carabiga. Waxaa intaas dheer, ereyada uu adeegsaday ee af-Soomaaliga ku sal leh, sida: “meeris,” “xubin,” iwm, u ma uusan adeegsan sida hadda loo yaqaanno ee ah “diilin tixeed,” “laan maanso,” iwm sida ay u kala horreeyaan (1976a). Haddaba, si aysan akhristaha u dhibin, ereyadan waxa aan ku doorsanaynnaa ereybixinta uu sameeyay Carraale. Waxaana ereybixintan ka mid ah: “alan,” “dhafane,” “xubin,” “meeris,” “hojis,” iyo “hooris” (1976). Ereyadan iyo kuwa Gaarriye sida ay isugu beegmayaan, marka aan soo horraysiinno ereyada Gaarriye, waa: bad = xubin; bayd = meeris; xubin hore = hojis; xubin dambe = hooris. Sida kale, ereybixinta u gaarka ah Gaarriye waa “xundhur,” taas oo aan adeegsigeeda hoosta kaga bogan doonno.

Gaarriye waxa uu ka xog warramay waxa uu dhafanuhu yahay, hayeeshee u ma magac bixin! Sida uu ku qoray maqaalkiisa koobaad, waxaa “jira laba shibbane oo si gaar ah u dhaqma. Waxay kala yihiin (W) iyo (Y). Labadaan xaraf dhawaaq ahaan, mar waxay u dhaqmaan sida shibbanayaasha, marna sida shaqallada” (1976a). [Labadan xaraf marka ay sida shaqallada oo kale u dhaqmayaan waa marka aysan shaqallo kale ku dabo nabnayn, erey gudihiis, sida: ayso, weyso, qoys,  awr, kow iwm. Sida muuqata, waxaa is raacaya shaqallada ka horreeya iyo iyaga, sida hoostaba looga xarriiqay. Waana marka ay curinayaan dhafanayaasha, waa haddii ay shaqallada ka horreeyaa gaagaaban yihiin, sida: ay, ey, oy, aw, ow iwm. Dhanka kale, labadan xaraf haddii ay shaqallo ka dambeeyaan waxa ay u dhaqmayaan sida shibbanayaasha oo kale, tusaale: koryaal, jawaan iwm. Sida muuqatana, waxaa is raacaya shaqallada ka dambeeya iyo iyaga, sida hoostaba looga xarriiqay.]

Inkasta oo uusan Gaarriye u magac bixin “alanka” haddana qayb ka mid ah alanka oo muhiim ah ayuu diiradda saaray: shaqalka. Waxa uu maqaalkiisa koobaad ku qoray: “Marka u horreysa waa inaynu isla garanaa inay erayadu ka kooban yihiin shaqallada iyo shibbanayaasha. Shaqallada ayaana dhawaaqa sameeya” (1976a). [Si kale haddii loo dhigo, dhawaaq(yad)a uu erey ka kooban yahay ayaa la dhahaa “alan.” Tusaale ahaan: af/ta/han, a/liin/di, maa/days/ka iwm—oo intuba ah ereyo saddex saddex alan ka kooban. Alanku waa uu xidhan yahay haddii ay labo shibbane isku gadaamaan shaqal ama dhafane (sida: han, days iwm); haddii kalese waa uu furan yahay. “Marka la muujinayo alammada erey ka kooban yahay, hal xeer ayaa la tixgeliyaa, kaas oo ah: erey dhexdiis, xadee shibbane uu shaqal ka dambeeyo hortiisa. Tusaale ahaan: Awr/boo/gays—oo waxaa la xadeeyay, maaddaama oo ay shaqallo ka dambeeyaan, b iyo g hortooda.”[1]]

Maaddaama oo uu maqaalladiisa ku soo bandhigay wargeys dadweyne, sida aynu soo aragnay, dhanka ereybixinta Gaarriye isku ma mashquulin. Meelaha qaarna taas waxa uu kala mid yahay dhammaan buuniyadii wax ka qoray “miisaanka maansada,” ee aan marka horeba qeexin labadan erey! Sida jirtana, ereyga “miisaan” waxa uu galay kaalintii ereyga “caruud” ama “prosody.” Halka uu “miisaan” ka yahay culaab lagu ogaado walax culayskeeda, caruud (prosody) waa laanta afka ee lagu derso astaamaha alanka—sida: cabbirkiisa, kaas oo gaaban (shaqal gaaban leh) ama dheer (shaqal dheer leh); xidhan ama furan—ee lagu lafaguro dhismaha maansada. Haddaba, caruud ahaan waxaa la miisaamaa meeris ee maanso (oo ah laan ka mid ah laamaha suugaanta), dhisme ahaan, la ma miisaamo. Sida aan qoray, miisaamista caynkan ahna waxaa lagu helaa habdhaca iyo dhererka meeris kasta oo ay xubini kaga soocan tahay xubnaha kale ee maansada (2015).

  1. Shuruudaha Miisaamista

Isla maqaalka koobaad ee taxanaha “Miisaanka Maansada” waxa uu Gaarriye ku soo bandhigay saddex shuroodood oo caddaynaya sida loo miisaamo meeris (iyo guud ahaanba xubin maanso ah), kaas oo ka kooban ereyo, ereyaduna ay ka sii kooban yihiin alammo; waxa uuse Gaarriye diiradda saarayaa shaqallada dhisa alammada, oo ah unugyada dhawaaqa sameeya. Haddaba, shardiga koobaad waxa ay xigmaddiisu ku urursan tahay, inkasta oo uusan Gaarriye sidan u dhigin: raadi wadarta shaqallada dhammaan ereyada uu meeris ka samaysan yahay si aad u hesho dhererka meeriskaas. Waxa uu Gaarriye tilmaamay in shaqalka gaaban iyo ka dheeri ay kala miisaan yihiin. Shaqalka dheer, maaddaama oo uu u dhigmo labo shaqal oo gaagaaban, waxaa loo tirinayaa labo (2) ahaan; shaqalka gaabanna waxaa loo tirinayaa hal (1) ahaan—dhafanuhuna waa 1 ama 2, sida uu Gaarriye ina tusay. Ka dib, Gaarriye waxa uu soo xushay meerisyo cuddoon oo jiifto ah, kuwaas oo uu ku dabbaqay shardiga koobaad, muujiyayna in mid kastaaba uu ka kooban yahay wadarta sagaal ama toban shaqal.

Inkasta oo aynu hoosta kaga bogan doonno, haddana waa lamahuraan in aan isla sii ogaanno hannaanka loo raadiyo wadarta shaqallada iyo dhafanayaasha. Tusaale ahaan, weedha “Cabdi waa uu baxay” waxa ay ka kooban tahay shaqallada “a,i,aa,uu,a” iyo dhafanaha “ay.” Iyada oo shaqalka dheer labo ahaan loo tirinayo, wadarta shaqalladani waa 7 (=1+1+2+2+1) iyo dhafane—oo dhafanaha isaga si goonni ah ayaa loo miisaamaa. Sida uu Gaarriye inoo saafayna, marka dhafanaha, sidiisaba, laba ahaanta loo tirinayo waa in bartiisa shaqaldheere lagu doorin karaa. Haddaba, dhafanaha “ay” haddii uu ku qummanaado miisaan ahaan, oo laga dhigo “aa” (sida: “baxay” = “baxaa”), waxaa markaas loo tirinayaa labo ahaan; haddii kalena waxaa loo tirinayaa hal ahaan. Waase in dhafanuhu ku soo arooraa meeris maanso ah, oo aanu weedh caadi ah, sida ta kore, ku jirin. Waana sababta aynaan u sheegi karin miisaanka (1 ama 2 ee) dhafanaha “ay” ee weedhan.

Inta aynaan ka sii socon, waxa aan xogtan kore sii raacinaynnaa sida loo tiriyo wadarta alammada, iyada oo isla shardiga koobaad ee aragtida Gaarriye la dabbaqayo. Isla weedha “Cabdi waa uu baxay” ayaynu sidan u alammaynaynnaa, oo ah sida xeerka alammayntu dhigayo: Cab/di waa uu ba/xay. Ka dib, waxa aan alammadan u kala saaraynnaa: alammo shaqallo gaagaaban wata (Cab di ba), kuwo shaqallo dhaadheer wata (waa uu) iyo alan dhafane ah (xay). Alan kasta oo shaqal gaaban wata waxa aan u tirinaynnaa hal ahaan, alan kasta oo shaqal dheer watana labo ahaan—waxa aan markaas tirinaynnona waa shaqallada! Isaga alanka dhafanaha ah in uu shaqal gaaban wato iyo in kale waxaan ku ogaanaynnaa isla dawgii Gaarriye noo jeexay. Haddaba, weedha, “Cabdi waa uu baxay” waxaa ku dhex jira saddex alan oo shaqallo gaagaaban kala wata (1*3=3), labo alan oo shaqallo dhaadheer kala wata (2*2=4) iyo alan dhafane ah (oo aan miisaan la saari karin maaddaama oo uu ku jiro weedh caadi ah oo aan meeris ahayn). Haddaba, wadarta miisaannada alammadani waa 7 iyo alan dhafane ah.

Mar kale waxa aan ku hakanaynnaa sida loo miisaamo meeris, annaga oo aragtida Carraale dabbaqayna. Shardiga koobaad ee Gaarriye mid u dhigma ayuu Carraale soo jeediyay: dheellitir waa in ay yeeshaan meerisyada xubin kasta, ka dib marka la tiriyo alammada guud ee meeriska, lana barbar dhigo inta alan ee shaqallada dhaadheer wata (1976). Tusaale: Soomaali weeyoo / Sanka lagama toli karo! Meeriska hore waxaa ku jira shan alan (“Soo maa li wee yoo”), oo afar ka mid ihi wataan shaqallo dhaadheer—waxa uuna Carraale (1978) meeriska caynkan ah u bixiyay: shan-afarle (5,4). Meeriska dambena waxaa ku jira sagaal alan (“San ka la ga ma to li ka ro”), oo eber ka mid ihi wato shaqal dheer—oo lagu magacaabo: sagaal-eberle (9,0). Immika, isugee 5 iyo 4; 9 iyo 0. Wadartu waa 9, kaas oo ah dhererkii jiiftada—ee uu Gaarriye ku tilmaamay sagaal shaqallaha! Hayeeshee, buuni Carraale waa uu ilduufay in isugayntan lagu helayo dheellitirka, oo yidhi: ‘Qaar baa waxay yidhaahdeen, “Maxaad isugu dari weyday shanta alan iyo afarta shaqaldheere?” Dee adigu afar gaadhi iyo shan darawal uun isku dar? Waa afar gaadhi iyo shan darawal. [Qosol.] Waa waxaan isku darsami karin’ (2010).

Si ahaan buuni Carraale waa uu ku qumman yahay in aan la isu gayn karin wixii aan is lahayn, oo xisaab ahaan tibaaxaha aan islahayn isku ma darsamaan. X iyo Y haddii la isu geeyo waa X iyo Y. Waxaa isku darsama tibaaxaha is leh, sida X iyo X oo marka la isu geeyo soo baxaya 2X. Ilduufka Carraale ayaase ah in uu alan iyo shaqal kala saaray, isaga oo waliba ilbiriqsiyo ka dib xusay in alanku yahay labo nooc: mid shaqal dheer wata iyo mid shaqal gaaban wata! Waxa haddaba la isu gaynayaa, sida uu na tusay buuni Cabdalla Cumar Mansuur, waa alammo (1977). Sidaas awgeed, waxtarka qiimaha leh ee laga taransaday waxqabadka buuni Cabdalla Cumar Mansuur ayaa ah in uu mideeyay labada aragtiyood (ee khuseeya dhererka meeriska) ee Gaarriye iyo Carraale, aragtiyahan oo qofka aan u dhuun dalooline si fudud u kala fogayn karo, maaddaama oo sida wax loo miisaamayaayi kala labo hab tahay!

Buuggiisa Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed, kaas oo sii weyneeyay dulucda buuggiisa qalinjabinta ee 1975ii ka dib markii ay soo if baxeen waxqabadyada Gaarriye iyo Carraale, waxa uu buuni Mansuur ku saafay mawduucyo dhawr ah oo maansada ku saabsan, sida: xarafraaca, miisaanka, murtida, balaaqada iyo jaadadka ama xubnaha maansada. Waxa uuna sawir weyn ka bixiyay maansada, oo uu dhan kasta ka gorfeeyay—gaar ahaan balaaqada oo uu xubnaheeda kala batay toban ka mid ah sharxay, sida: ekeeye, ereg/shareere, qofayn, buunbuunin, astaamayn, sarbeeb, maakubid, xus, sanqar-raac iyo weersan (1977). Codka dhiirran ee uu waxqabadkani soo saaray ayaa ah hodantinnimada uu deegaanku ku taaro cilmiga miisaanka maansada. Waxa uu buunigu si fudud u sharxay in ereyada dhafanayaasha leh qaarkood laga tiri karo “W” iyo “Y,” sida: Hawl, qayb iwm, marka loo eego sida reer ay Banaadirigu ereyadan u adeegsadaan, oo ah: hool, qeeb iwm.

Haddii aynu kobtii ka sii ambaqaadno, Gaarriye ma samayn ereybixin lagu kala sooco labada nooc ee uu meeriska jiiftadu noqday: sagaal shaqalle iyo toban shaqalle. Buuni Carraale ayaase labada nooc ee uu meeris, sidiisaba, noqdo qeexay, una kala bixiyay magacyada: sal iyo farcan (1976). Haddaba, marka uu meeriska jiiftadu ka kooban yahay sagaalka shaqal waa meeris sal ah, marka uu ka kooban yahay tobanka shaqalna waa meeris farcan ah. Sida uu qoray Gaarriye, kuna soo bandhigay maqaalkiisa saddexaad ee soo baxay 31 Bilkow 1976, meeriska gabayga ayaa sidoo kale noqda labo nooc: labaatan shaqalle iyo kowiyo-labaatan shaqalle. Carraale waxa uu ka hore u bixiyaa sal, ka dambena farcan. Guud ahaan, xubno badan oo maansada ka tirsan ayaa ay meerisyadoodu u kala baxaan labadan nooc ee uu midi yahay salka, midka kalena yahay farcanka. Qaabka uu Carraale arrintan u gorfeeyo waa ay ka geddisan tahay qaabka uu u lafaguro Gaarriye, sida aynu hoosta ku falanqayn doonno.

(MAALIN DHOW FILO CURISKAN OO LA SII TIFATIRAY).

[1] Xogtan waxa aan ka soo rujiyay curis ku saabsan alifba’da oo hadduu Eebbe idmo dhowaan soo baxaya.

Curiskan markii ugu horraysay waxaa lagu daabacay Garanuug.com. 

Advertisements

Ka faallood

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: