Masafo: Aayad

Masafada hoosta ku qoran waxa aan ku maamuusay dubriday, Aamina Cabdullaahi Warfaa iyo seygeeda Khaalid Cabdullaahi Cali oo meherkoodu ka dhacay Boston, MA maalin Sabti ah, Carfoon (July) 8, 2017, kuna beegan 14 Shawaal, 1438.* Waa masafo guud ahaan iyo gaar ahaanba, guurka sharafta leh bogaadinaysa. Allena waxa aan qoyskan uga baryayaa cisi adduuneed, iyo cawo aakhiraadeed.

Ku bilaabay Eebbow, magacaaga arartee
Mahad aan ebyoomayn, aday kuu ahaatee
Naxariis Udgoonaha, al-Amiin Allow sii
Urur-weynahaanow, salaan aad ah iga hoo!

Waxa lagu Islaam yahay, ashahaado qiriddee
Salaaddoo la oogiyo, sakadoon la iibinin
Afka xirasho sooniyo, uun loo samaadee
Qof Ilaah wax siiyoo, awoodoo Xajaayee!

Wax Iimaanku uu yahay, Ilaaheen rumayntiis
Iyo malag arwaaxliyo, kutub oogadaa jira
Iyo gebi ambiyadiyo, ayaantii Qiyaameed
Iyo amar Ilaahay, inaynaanan oollinin!

In Ilaah la caabudo, sidii aad arkaysoo
La og yahay haddii kale, in Ilaah na eegtoo
Aan nahay addoommada, uu ikraamay walibana
Oo Ixsaanku saas yahay, waad wada aqootaan!

Saddexdaasi udubbood, diintay asaasaan
Ergeygii(SCW) Ilaahay, siduu noo ishaarana
Inan iyo haddii inan, arooskoodu uu dhaco
Hadda diinta idilkeed, qayb bay asiibeen!

Meherkaan ilwaadkiyo, ku idiiman sharaftee
Asxaabtiyo qaraabada, xidideeyey ehelkee
Aayada Quraaniyo, lagu binay axaadiis
Dadku waa ammaanoo, waw wada istaagee!

Qaafada Isjecel ee, xafladdani agaasimay
Ilays weeye qorraxeed, ifinaaya dunidee
Akhyaartii ducaysiyo, “aamiin” intii tidhi
Way istaahilaanee, giddigood Allow kaal

Allow qoyskan barakee, burjigooda u adkee
Iblays iyo dhashiisana, ka ilaali Eebbow
Aqalkooda nuur iyo, ku abee Islaamnimo
Hoy lagu hirtoo abid, gacal urursha kana yeel!

Allihii Adduunkiyo, Aakhiro sameeyaa
Isu doonay Aamina, iyo Khaalid Aar oo
Waa labo ayaan badan, waana ehelukhayroo
Waalidkooda agabbaray, baa dhaqan ku ababshee!

Ixtiraam kalgacaleed, iyo samir itaalsada
Ubax nii adeegiyo, ubad khayr leh isu dhala
Isu aaya weligiin, intaad aradka joogtaan
Aakhiro Firdows iyo, Nebigii(SCW) agtiis dega

*  Waxa aan masafada tiriyay maalintii Axadda, maalintaas oo sideedaba ay Soomaalidii hore guurka u qaydatay.

Il: Ceegaag

Advertisements

Ka faallood

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s

%d bloggers like this: