Category Maqaallo

Caalamka Akhriska: Milicsi

Cabdicasiis Guudcadde, xaqalciidka Ciidulfidrida 1437 ee uu muquunnada inoo siiyay waa buugga Caalamka Akhriska, kaas oo si xallad iyo xigmad leh u dhiiriggelinaya akhriska. Waxa uu ka kooban yahay afar cutub iyo arar ka horraysa–gadaalna waxaa ka raacsan tax maqaallo/buugaag ah oo akhristuhu ka korarsan karo wacaallo dheeraad ah oo ku saabsan akhriska. Koobnidiisa awgeed, akhristuhu wax ka yar […]

Muxammad Cali: Geesigeenna

Muxammad Cali in uu yahay Geesigii Umadda aniga oo toban jir ah ayaan ka xaqiiqsaday habaryartay Caasha Yuusuf Suldaan (Alle ha dhawro e). Sidii caadada ii ahaan jirtay, goor duhur ah aniga oo dhan uga adeegaya habaryartay dhanna u dhegtaagaya wacaalaha ay duunkayga ku hogatusaalaynaysay ayaan si kadis ah, se mawduucii markaas ku xiriirsan, u […]

Ha diin diidin dad iyo doolar daraaddood

Bishintiisa hoose way buuran tahay, oo cas tahay. Wuxuu hilan yahay iskujooggii Afrikada galbeed, oo waa reer Nayjeeriya. Waa iskujoog koofiyaddu na carwaajiis tahay, oo indhaha qaban og. Dhawr jeer baan cidhifkii uu fadhiyay qooraansaday, mise sida aan ugu maqanahay aragtiyaha shirka la isku weydaarsanayo ayuu ugu maqan yahay. “Mar uun baad ogaan wuxuu ka […]

Barashada iyo Bartaha

Heesta hoosta ku qoran waxa aan June 21, 2014 kaga qaybgalay xaflad-qalinjabineed (sanadguuradii sagaalaad) oo ka qabsoontay magaalada Boston—xafladdaas quruxda badan oo ay soo agaasimeen bahda SALSI (Somali Association for Literacy & Social Improvement). Heestu waa masafo, leh jaangoynta “heesta-maqasha.” Heestu waa masafo oo waxa ay u taxan tahay bayd-bayd (labo-labo-meeris). Waxa ayna dulucdeedu tahay: […]

Qofna waxaan loo qorin ma qariiro

Markaad ku tiri, “Shaqayso”; hadduu kugu yiri, “Sadkeey-qoran”: Miyaad gaaggaabsan lahayd, inkastood hoos iyo kor u kuuraysay laxaadkiisa buuxa ee uu Eebbe isagaas ku galladay? Markuu ku halgaadayee, “Alla-aamin ma tihid” kugu sii cirbiyay, miyaad u garaabi lahayd, adigoo hoos isu leh, “Waa runtii, waa runtii, qofna waxaan loo qorin ma qariiro”? Mise adoo taas […]

Dhayalsi kale

Hadda ka hor waxaan ku digay, “Mar na ba is ma siin kartid aragti…uu qof kale ku saxiixanyahay”[1]; waxa aanan u digay qofka isagu, xaqsiin la’aan, qoraal amma hadaal[2] uu leeyahay ku googgoosta xogo uusan isku habaysan, amma uusan curinnin, balse uu soo irgistay. Kala shareerista aragtiyaha iyo curiyahooda, oo kama’ loo kala shareero, waxay […]

Daminta danninta

Barqadii, Koodaar Shacbaan 9, 1434, ayaa waxaan illinka ka furay laba haween ah oo is-dhalay. Hooyada ayaa soo sokaysay, waxayna bariido debadeed ii sheegtay magaceeda iyo magaca gabadheeda. Ka dibna waxay tiri: Waxaan nahay Jehovah’s Witnesses. Waxaan jecelnahay inaan kaala hadalno arrin innaga oo dhan xanuun innagu wada haysa. Waa danninta (prejudice). Aan ku weydiiyee, […]