Waxa aynu ahayn bulsho ku tookhda halabuurka maansada, taas aawadeed baa na loogu baxshay, “Umaddii Maansada.” Ma aynaan lahaan jirin faro wax lagu qoro oo baahsan. Taas ayaana qasbaysay in gabyaageennu qaybo tixihiisa. Badanaa dhawr qof oo ka ag dhaw baa u qaban jiray meerisyada uu golayaasha kaga dayaami jiray. Meel walba oo uu istaago, oo […]

Cabdicasiis Guudcadde, xaqalciidka Ciidulfidrida 1437 ee uu muquunnada inoo siiyay waa buugga Caalamka Akhriska, kaas oo si xallad iyo xigmad leh u dhiiriggelinaya akhriska. Waxa uu ka kooban yahay afar cutub iyo arar ka horraysa–gadaalna waxaa ka raacsan tax maqaallo/buugaag ah oo akhristuhu ka korarsan karo wacaallo dheeraad ah oo ku saabsan akhriska. Koobnidiisa awgeed, akhristuhu wax ka yar […]

Muxammad Cali in uu yahay Geesigii Umadda aniga oo toban jir ah ayaan ka xaqiiqsaday habaryartay Caasha Yuusuf Suldaan (Alle ha dhawro e). Sidii caadada ii ahaan jirtay, goor duhur ah aniga oo dhan uga adeegaya habaryartay dhanna u dhegtaagaya wacaalaha ay duunkayga ku hogatusaalaynaysay ayaan si kadis ah, se mawduucii markaas ku xiriirsan, u […]

Maqaallada uu midkaayo ba tayayntooda ku bixiyo wakhtiyada badan haddii uu qoraa ku noqon waayo ma naqaanno waxa kale ee uu qoraa ku noqon lahaa. Qaamuuska Af-Soomaaliga, ee ay sida hagar la’aanta ah inoo soo gaarsiiyeen buunniyada kala ah, Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur, ayaa “qoraa” ku qeexaya: “Qof buugaag iyo maqaallo la akhristo […]

ARAR: Waraaqdani waxa ay soo bandhigaysaa hab ku salaysan xisaabta racaynta oo lagu tirakoobi karo xubnaha maansada. Habkani waxa uu aragti ahaan caddaynayaa in tirada xubnaha maansadu tahay, ugu yaraan, 7735—taas oo ay xubin waliba leedahay qaabdhismeed u goonni ah, oo ay kaga soocan tahay xubnaha kale. Waxa kale oo ay waraaqdu soo taxaysaa tusaalayaasha iyo […]

Bishintiisa hoose way buuran tahay, oo cas tahay. Wuxuu hilan yahay iskujooggii Afrikada galbeed, oo waa reer Nayjeeriya. Waa iskujoog koofiyaddu na carwaajiis tahay, oo indhaha qaban og. Dhawr jeer baan cidhifkii uu fadhiyay qooraansaday, mise sida aan ugu maqanahay aragtiyaha shirka la isku weydaarsanayo ayuu ugu maqan yahay. “Mar uun baad ogaan wuxuu ka […]

Xubin maanso ah oo habdhaceeda la garansan yahay ma hawl badna in tix laga sameeyo. Markii uu dhegaystay aleeggadka* “hablo kebdo samaysanaya,” tusaale ahaan, Sayid Maxamed waa kii curiyay tixda ku bilaabata meeriska, “Guulla Eebbahayoow, geel nimaan dhaqin, faciis gacanta haw galin[neey]” (Aw Jaamac, 1974, b.213).[1] Xuseen Dhiqle na waa kii foodleydii weerka ka soo […]