Qoraha

Bariidawacan:
Ku soo dhawow, Heeshi!

Magacaygu waa Idiris M. Cali. Waxaan ahay qoraa iyo bare maaddada af Soomaaliga (xagaayada) ka dhiga magaalada Boston, MA. Waxa kaloon ahay barte ka tirsan jaamacadda UMass Lowell; waxa aanan bartaa Waxhindiska Giraareed (Mechanical Engineering).

Ujeeddooyinka aan kobgalshan u furay waa laba, waxayna kala yihiin:

  1. Kaydinta qoraalladayda, oo kobabgalshooyin dhawr ah ku soo kala baxa, si hal bar looga wada helo.
  2. Inaan bartan ku sii tifaftiro qoraal kasta wixii ilduuf ah ee iga raaca.

Waxaad iga la soo xiriiri kartaa dhanjacayga idiris.m.cali [at] gmail.com.

Mahadsanid.