Dubashada Soomaalida

Muddo ayaan sugayay in maqaalkan oo kale uu soo baxo. Judhaba magaca loo bixiyay baa maankaaga gadaya: “When Religion and Culture Kill: COVID-19 in the Somali Diaspora Communities in Sweden”—Marka ay Dhaqanka iyo Diintu [Dadka] Dhagraan! Wuxuu maqaalku ku furmayaa sahan: Soomaalida Iswiidhen waa 0.69% dadka dalkaas ku nool; balse dadka u le’day COVID-19 waxay Soomaalida dalkaasi ka yihiin 18%. Maqaalku wuxuu isku dayay, kuna guuldarraystay, inuu micneeyo sababta.

Maqaalku kama madhna dacaayad, waxa uuna si aan dadbanayn u jidraacayaa aragtidii Samuel Huntington ee Is-ku-dhaca Ilbaxyada, iyo isbariyeeyayaasha (orientalists). Tan dambe waxaan ku sababaynaynnaa in Soomaali jooga Awstereeliya uu afti qaaday, oo dadka uu wareystayna laga soo xushay urur RAG u badan oo kala jooga: Awstereeliya, Soomaaliya, Itoobiya iyo dabcan Iswiidhen. Waxay badidoodu isku raacayaan: Soomaalidu way madax adag tahay, meel ay joogtaba, oo arrinta COVID-19 way dhayalsatay, mana maqlin talooyinkii dhakhaatiirta!

Ninka aftida ururiyay, Cusmaan Maxamuud, si aan looga damin nalkaas u baxay buu gaashaanka u daruuray aaraa’ ay bixisay gabar reer Iswiidhen ah, gabar caqli badan oo tiri: “Wacaal kama aysan helin cudurkan, waayo afka ayaa xannibay…” Cusmaan muxuu weydiiyay gabartaas? Sidii nin aanba dhegaysan waxay gabartu tiri buu yiri, sida maqaalku sheegayo, oo maynan ahayn inay dadkaasi afka [dalka] bartaan marka horeba?! Gabartu uma heellanayn inay ka warceliso su’aashan, sida maqaalku dirqinayo, oo waxay ku af gobaadsatay: dadkeennu sida kuwa kale iskuma dhibaan af barashada!!!

Gabartaas caqliga badan sidaas miyay wax u sheegi lahayd hadduuna wareystuhu ismootin lahayn jawaabteedii hore? Malaha waxay jawaabtu ahaan lahayd mid isku gudubta waxyaalaha kale ee soo socda ee maqaalka ku qoran. Sida: “Soomaaligu wax ma akhriyo, ee wuxuu rabaa in wax loo sheego,” oo uu nin jooga Iswiidhen ku cataabay. Ninkani wuxuuba ku daray, “Cidna laguma qasbi karo [inay qaataan talooyinka.] Oo dalkani waa xor!” Waxaa ii muuqday qosolka qoraha koobaad ee maqaalkan, Anne Speckhard, oo qosol-gariir wax dhaafay, waayo iyadu xornimadu waa u wax kale.

Ka dib maqaalku wuxuu u jeestay inuu wax ka sheego qoys-ballaarnida iyo kulammada dadka Soomaaliyeed; misena wuxuu u booday bad kale! Wali waxaa intaas si xad ka bax ah loo xiganayaa aragtiyada shakhsiyaadkii aftida laga qaadayay. Mid baa ka hadlaya cuntada liidata (poor diet) ee Soomaalida; mise tu kalaa ka hadashay caafimaad darrada Soomaalida—meeshii aan sugaynnay ka hadalka qoyska BALLAARAN ee Soomaalida iwm. Markaas baa caad kale indhaha la iska saaray, oo ah maqaalka qudha ee akaademiga ah ee qaybtan lagu naaxinayay oo ku ekaa 2004tii, oo aan Soomaali qudha ka hadlaynin!

Halkaas khalkhalku kuma ekaan, ee waa uu ka bilowday. Waxaa loo gudbay qayb ku saabsan warxumaynta diimeed! Kiristaan iyo Yuhuud iyo Shiico ayaa tusaalayaasha loo soo qaatay, si loo barxo Sunniga laga hadli doono. Muslimiintu miyaanay mid ahayn? Sidii Ciraaq loo burburiyay, Muslimiintiina waa tii la kala jabiyay (Sunni, Shiico, Wahaabi iwm)—oo maqaal qoraha koobaad, waa Anne Speckhard e, taasi ma seeggana, oo waxay ku tahay agaasime.

Wareysiyadii xiisaha lahaana meeshoodii ayay ka sii socdaan. Nin dhalinyar oo la yiri waa “jaamici” baa shabagga u galay Cusmaan oo weydiiyay, “Ma dhici lahayd oo ma la hubaa inay cudurkan qaadaan, haddaanay Muslim ahaan lahayn?” Wuxuu ninkan dhalinta yari ka dhawaajiyay, waa runtii e, in dadku dhegaystaan culimo, oo uusan Quraankuna oran, “Ha is daryeelin.” Culimada uu ka hadlayo waxaa tusaale loogu soo qaatay Sheekh Umal. Muxuuse yiri sheekhu? Koroona waa askar Ilaah soo dirsaday, buu yiri.

Bes! Waa taas sirtii oo dhan ay faraha u gashay Anne Speckhard iyo kooxdeedii. Haddaan la doodnana waxay na oran doontaa, “Naagtii gambada taabatee gacanta loo maydhay / Ee gelisay meeshii haddana gabaygu saw maaha?” Sidaas ayayna nooga gar helaysaa. Waayo, culimada uu ka midka yahay Sheekh Umal waxa u cad waa wixii shalay u caddaa markay siyaasadda Soomaalida ku dhex rafanayeen, iyagu dhexdooda is gaalaysiinayeen, mindiyahana isu lisanayeen. Waa is goonniyayntii, jeer dunidu isku soo ururtay (globalism); waa faduushii ay shirweynaha ugu wada uunsiyi jireen; waana naqaskii lagu celin jiray culimadan oo kale markay neefsadaan.

Soomaalidu ma u liidataa sida maqaalkani ku sawirayo? Maya, oo ogoobay maqaalkan oo kale inuu soo baxaa ma aha wax ay kasbatay Soomaalidu. Haddii daacad laga yahay xaajada, inta Iswiidhen ugu dhimatay COVID-19 ayaa eheladooda laga waraysan lahaa bal inay u dhinteen dhaqan iyo diin! Daw la jeexday, halgan u dhexeeya annaga iyo idinka, ayaa haddaba lagu cabbirayaa, waxayna isu tahay daab; waana la isku xaabinayaa, culimo iyo caamaba, oo lama kala hambaysanayo Soomaalida. Waaba in afka lagula dagaallamaa, lana ishaaraa inay dawladuhu isugu tagaan, sida maqaalka lagu soo gabagabeeyay oo ah: “Markay xagjirrada diimeedi ka hor yimaaddaan talooyinka ururrada caafimaadka ee dawliga ah, waa in tallaabooyin laga qaadaa.”

Waa afkudhiiglayn iyo ihaano. Qofkii aan ogayni ha ogaado.

Qoraalkan waxa uu markii ugu horraysay ku soo baxay WardheerNews.com [4-Abriil-2020].

Faallo ka bixi